Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu:President Yusuf arrives back in capital

Recommended Posts

C/llaahi Yuusuf oo ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde-

Last Updated::2008-02-16 10:28:52

 

Muqdhishu (HRNET) War goor dhaweyd aanu ka helayno Caasimada dalka somaliya ee Muqdhishu ayaa waxa aay sheegayaan in halkaasi uu soo gaaray Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somaliya Mudane.C/laahi Yusuf Axmed.

Sida aay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan magaalada Muqdhishu ayaa waxaa aay sheegayaan in C/laahi Yusuf Madaxweynaha Dowlada KMG ah uu soo gaaray saakay Subaxnimadii hore isaga oo aay siday diyaarad gaar ah.

 

iyadoo Markii uu soo gaaray Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde aay Amaankiisa la wareegeen ciidama AMISOM kuwaas oo u sii gudbiyey Xarunta Madaxtooyada ee Muqdhishu.

 

Safarka Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo xalay iyo shalay ay weeraro xoog leh ka dhaceen Caasimada iyadoo isla xalay Weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Dekedda weyn ee Muqdhishu.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in Madaxweyne Yusuf uu goor dhow la hadlo saxaafadda isaga oo ka warbixin doono safarkiisii dibadda.

 

Gooni

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: War deg deg ah: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf oo gooe dhoweyd ka soo degay Madaarka Magaalada Muqdisho.

 

16. februar 2008

Muqdisho (AllPuntland) - War hada naga soo gaaray Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay halkaas ka soo degtay Diyaaradii siday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Wararka oo aanu ka helnay Saraakiil ku sugan Madaarka Muqdisho, ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha ay soo dageen.

 

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, iyadoona Xubno ka tirsan Labada Gole ay soo dhoweeyeen.

 

Durbadiiba waxaa Madaxweynaha loo soo galbiyay Dhinaca iyo Madaxtooyada Qaranka, waxaana lagu soo qaaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, kaasoo ah kuwa aan rasaasta karin.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in warbixino uu ka dhageysto Talisyada Ciidamada Dowladda iyo Duqa Magaalada Muqdisho, isagoona sidoo kale ka warbixin doono safarkiisii.

 

Imaanshaha Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo xiray Wadooyin dhowr ah oo hal bowle u ah isu socodka Caasumada, iyadoona markii uu soo degayna dib loo furay wadooyinkaas.

 

Gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay iyana isu socodkooda, kadib markii wadooyinkii saaka la xiray ay wada furmeen.

 

C/casiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DF oo ku soo laabtay Caasimadda

15 Feb 15, 2008 - 11:36:36 PM

 

Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somalia C/laahi Yusuf Axmed oo safaro dibada uga maqnaa ayaa saaka dib ugu soo laabtay Caasimada Magaalada Muqdisho.

 

Waddooyinka waaweyn gaar ahaan kuwa ku teedsan garoonka diyaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ayaa lagu daadiyey ciidamo badan oo Somali iyo Ethiopian isagu jira kuwaas joojiyay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno sarsare oo ka tirsan DF oo ay ka mid yihiin Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo Muqdisho ku sugnaa, Guddoomiyaha Banaadir Maxamed Dheere, Taliyaha Booliiska Gen. Cabdi Qaybdiid, Taliyaha Nabadsugidda Gen. Darwiish iyo xubno kale.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa isaga iyo wefdiga la socday oo aan la ogeyn inta ay dhanyihiin waxaa loo dhaadhiciyay xarunta Madaxtooyda Villa Somalia.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo uu bixiyay Madaxweyne Yuusuf markii uu kasoo dagay Garoonka Muqdisho, balse afhayeen u hadlay ayaa u sheegay Garowe Online in lagu wado inuu hadal bixiyo maanta, isagoo ka hadli doona socdaalkii uu dhawaan ku tagay dalalka Britain iyo Itoobiya.

 

Afhayeennada Madaxweyne Yuusuf ayaa waxay xalay sheegeen in Madaxweynuhu uu ku wajahan yahay maanta Magaalada Baydhabo uuna kaddib imaan doono Muqdisho, waxaase saakay uu ka soo dagay Magaalada Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah waddooyinkii u xirmay saaka imaanshaha Madaxweynaha Jamuuriyada Somalia ayaa haatan dib u furmay iyadoo dadka iyo gaadiidka ay si caadi ah u isticmaalayaan.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filaayaa in uu la hadlo warbaahinta waxana Madaxweynuhu safar uu ku soo maray wadanka Ingiriiska halkaasoo baaritaano caafimaad uu ku soo qaatay iyadoo ugu dambeyntii uu ka soo kicntimay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

 

Imaashaha Madaxweyne Yusuf waxa ay ku soo beegmaysaa xili xalay weeraro hoobiyaal ah lagu qaaday dekada wayn ee Caasimada,iyadoo isla xalay dagaalo qaraar ay ka dhaceen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha gaar ahaan isgoyska H/wadaag kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada DF iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this