Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: national troops AU forces chase out terror groups out of the capital

Recommended Posts

Ciidamada Is Garabsanaya ee Soamlia iyo Itoobiya oo is Ku Gadaamaya Xaafadihii Dagaaladu Ka Dhaceen.

 

Last Updated::2007-12-14 10:29:46

 

Muqdisho(HRNet):-Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhaca qaybo ka mid a Muqdisho ayaa Geystay Qasaarooyin kala duwan iyo bara kac dad kale oo hor leh,

xaafadihii kala duwanaa ee ay Dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa is ku gadaamay Ciidamada Dawlada Federaalka Somaaliya iyo Kuwa Dawlada Ethopia iyadoona Qaar ka mida Xaafadahaas Haatan laga Dareemayo Amaan Soo Iftiimnaya.

 

Iska hor imaadyada saakay bilowday ayaa yimid kadib markii saakay ey ishortaageen hawlgallo ey ciidamadaasi fulin lahaayeen kooxaha kasoo horjeeda dowladda kuwaasoo bomboyinka gacanta laga gano iyo bastoolado ku hubeysnaa Kadib markii la isku haystay halkaa qadar saacado ah ayaa waxaa ey ciidamadu bilaabeen in ey isku balaariyaan deegaanka Suuqa Xoolaha iyo xaafadaha ku hareereysan.

 

Dhanka kale weerar hoobiyaal ah oo qasaare badan geystay ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha halkaasoo sida la sheegay ey kusoo dheceen Hoobiyayaal dhawr a ah oo aan la ogeyn cida soo tuurtay.

 

Ciidamada is Garabsanaya ee Somalia iyo Ethopia ayaa Dhamaan is ku Gadaamaya Xaafadihii Saaka iyo Xalay ay Dagaaladu ka dheceen iyagoo Dhaq dhaqaaqa xaafadahaas isha ku haaya.

 

HorseeNet.com

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dagaalyahano ONLF oo lagu soo qabqabtay dagaaladii shalay ka dhacay Muqdisho (Maamulka G/Banaadir oo sheegay in la soo afjaray Dagaaladda)

 

14. December 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxiyaddiin Cali ayaa sheegay in qeybo ka mid ah dagaaladdii shalay ka dhacay degmada Yaaqshiid iyo xaafaddo ka mid ah Heliwaa la soo afjaray isla markaana ciidamada amniga iyo kuwa Itoobiya ay ay ku raad joogaan firxadka kooxo uu ku sheegay iney yihiin nabad diid.

 

"Dagaal yahano ONLF iyo OLF oo garab siinayey nabad diidka ayaa gacanta lagu soo dhigay kuwaasi oo ka barbar dagaalamayey kooxaha nabad diidka ah, waxaana haatan ciidamadu ay ku raad joogaan firxadkooda, taasoo muujineysa in uu soo gabagabooway wajiga koowaad ee dagaalada" ayuu yiri Maxamed Muxiyaddiin Cali Afhayeenka Gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saakay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgelyada C/fitaax Ibraahim Shaawey uu booqday duleedka jidka Warshadaha gaar ahaan dhinaca qiblada ee Jaamacadda Muqdisho halkaasi oo ay ka baadigoobayaan buu yiri kuwii tuuray qoryaha.

 

Md. C/fitaax Shaawey ayaa sheegay in wax rasaas ah saakay lagala hor imaan isla markaana ay baadi goobayaan ciidamada kuwii ka firxaday, wuxuuna Shaawey uu intaa raaciyay in dagaalyahano Ajaaniib ah lagu soo qabqabtay dagaaladii shalay ka dhacay xaafadaasi, kuwaasi oo uusan sheegin tiradooda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil ONLF ah oo lagu soo qabtay Dagaalkii shalay iyo kii maanta ay Ciidamada Qaranka iyo Nabad ilaaliyaasha Ethopia la galeen Kooxda Al-shabab ( Muuqaladooda iyo magacyadooda oo Gordhaw la soo bandhigay)

 

Laba Sarkaal oo ah Saraakiil ONLFta ka dagaalanta gudaha Ethopia ayaa waxaa ay ka mid noqdeen 17-Maxaabiis ah oo maanta lagu soo qabtay dagaalkii lagu riiqmay ee Ciidamada Ethopia la galeen Kooxda Al-shabab

 

ee hada jabaqda rasaasta ay sii mareyso dhanka hawdka Caasimada Aagagaarada Qabuuraha Barkaat iyo Jaamaca Muqdisho.

 

Ciidamada Ethopia ayaa waxaa la sheegay in sarkaalkaan maanta soo qabteen kadib dagaalka oo la isla galay Xaafada Ceymiska Gudaheda oo ahaa meel ay Saldhig ku leeyihiin , waxaana Sargaalkaan uu galay Maxaabiis guri ay ku jireen lagu dumiyey oo markii dambe si nabad ah isku dhiibay.

 

Xarunta Taliska Police-ka ayaa goor dhaw sarkaalkaan la keenay , iyadoo intii aan saxaafada loo soo gudbin loo sii gacan galiyey Saraakiil Ethopian ah oo ay sii kaxeeyeen.

 

C/Fataax Shaweye , Shac shac iyo Max'ed Mux'udiin ayaa warkaan saxaafada bilaabay in ay u xaqiijiyaan , waxaana ay sheegeen in ay jiraan kuwa ka culus oo ay Ciidamada ku raad joogaan.

 

Ciidamada Ethopia ayaa maanta waxaa ay galeen godad ay ku dhuuman jireen Kooxahaan , waxaana la helay sidoo kale hub fara badan oo u keedsana

 

Talaabadaan lagu soo qabtay Saraakishan ONLF ayaa waxaa ay noqoneysaa mid lagu ogaanayo kaalinta ay ONLF iyo Maleeshiyada Xasan Turki ku leeyihiin Xiisadaha Muqdisho.

 

Magacyada labadaan Sarkaalka ayaa midkood lagu sheegay Seed Aadan Surub , waxaana la sheegay in uu yahay Nin caan ah oo gudaha Ethopia laga yaqaan midka kale ayaanan magaciisa helin.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact CArmooyin@hotmail.com Or Carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Is Garabsanaya ee Soamlia iyo Itoobiya oo is Ku Gadaamaya Xaafadihii Dagaaladu Ka Dhaceen.

Last Updated::2007-12-14 10:29:46

 

Muqdisho(HRNet):-Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhaca qaybo ka mid a Muqdisho ayaa Geystay Qasaarooyin kala duwan iyo bara kac dad kale oo hor leh,

xaafadihii kala duwanaa ee ay Dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa is ku gadaamay Ciidamada Dawlada Federaalka Somaaliya iyo Kuwa Dawlada Ethopia iyadoona Qaar ka mida Xaafadahaas Haatan laga Dareemayo Amaan Soo Iftiimnaya.

 

Iska hor imaadyada saakay bilowday ayaa yimid kadib markii saakay ey ishortaageen hawlgallo ey ciidamadaasi fulin lahaayeen kooxaha kasoo horjeeda dowladda kuwaasoo bomboyinka gacanta laga gano iyo bastoolado ku hubeysnaa Kadib markii la isku haystay halkaa qadar saacado ah ayaa waxaa ey ciidamadu bilaabeen in ey isku balaariyaan deegaanka Suuqa Xoolaha iyo xaafadaha ku hareereysan.

 

Dhanka kale weerar hoobiyaal ah oo qasaare badan geystay ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha halkaasoo sida la sheegay ey kusoo dheceen Hoobiyayaal dhawr a ah oo aan la ogeyn cida soo tuurtay.

 

Ciidamada is Garabsanaya ee Somalia iyo Ethopia ayaa Dhamaan is ku Gadaamaya Xaafadihii Saaka iyo Xalay ay Dagaaladu ka dheceen iyagoo Dhaq dhaqaaqa xaafadahaas isha ku haaya.

 

HorseeNet.com

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka G/Banaadir: ""Dagaal yahano ONLF iyo OLF oo garab siinayey nabad diidka ayaa gacanta lagu soo dhigay"

 

{ 14 Dec 2007}

waxaa la daabacay Fri 14 Dec 2007 04: 03: 42

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxiyaddiin Cali ayaa sheegay in qeybo ka mid ah dagaaladdii shalay ka dhacay degmada Yaaqshiid iyo xaafaddo ka mid ah Heliwaa la soo afjaray isla markaana ciidamada amniga iyo kuwa Itoobiya ay ay ku raad joogaan firxadka kooxo uu ku sheegay iney yihiin nabad diid.

 

"Dagaal yahano ONLF iyo OLF oo garab siinayey nabad diidka ayaa gacanta lagu soo dhigay kuwaasi oo ka barbar dagaalamayey kooxaha nabad diidka ah, waxaana haatan ciidamadu ay ku raad joogaan firxadkooda, taasoo muujineysa in uu soo gabagabooway wajiga koowaad ee dagaalada" ayuu yiri Maxamed Muxiyaddiin Cali Afhayeenka Gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saakay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgelyada C/fitaax Ibraahim Shaawey uu booqday duleedka jidka Warshadaha gaar ahaan dhinaca qiblada ee Jaamacadda Muqdisho halkaasi oo ay ka baadigoobayaan buu yiri kuwii tuuray qoryaha.

 

Md. C/fitaax Shaawey ayaa sheegay in wax rasaas ah saakay lagala hor imaan isla markaana ay baadi goobayaan ciidamada kuwii ka firxaday, wuxuuna Shaawey uu intaa raaciyay in dagaalyahano Ajaaniib ah lagu soo qabqabtay dagaaladii shalay ka dhacay xaafadaasi, kuwaasi oo uusan sheegin tiradooda.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

GobolkaBanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this