General Duke Posted September 10, 2007 Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo sheegay in uu jaray xiriirkii uu la lahaa Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ee uu maaalgelin jiray Isniin, September 10, 2007(HOL): Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, oo ah Maalgeliyihii ugu weynaa ee kharaj gareyn jirey Golaha Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu jaray xiriirkii uu la lahaa Golahaasi. Ganacsade Xaaji Abuukar, ayaa hadalkaasi u sheegay Weriyayaasha, kadib, markii mar uu Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi xalay kula kulmay dalka Jabuuti. Hadalka Ganacsade Abuukaar Cumar Caddaan, ayaa ku soo beegmay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Geeddi safar hawleed ku tegay dalka Jabuuti, si uu Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uga codsado inuu gacan ka geysto sidii Maleeshiyooyinka Maxkamadaha u oggolaadaan Cafiska ay Dowladda Federalka u fidisay. Dhinaca kale, Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan, oo ay walaalo yihiin Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, ayaa oggolaaday inuu dib ugu soo laabto magaalladda Muqdishu, wuxuuna ka mid ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Ra’isul-wasaare Geeddi ee saakayto ku soo laabtay magaalladda Muqdishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 10, 2007 Financier says cuts ties with Somali Islamists 10 Sep 10, 2007 - 6:40:32 AM DJIBOUTI (Reuters) - A Somali businessman who financed the ousted Islamic Courts said on Sunday he had cut ties with the group after meeting Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi. Gedi had flown to Djibouti to ask businessman Abukar Omar Adan to use his influence to encourage armed remnants of the movement to accept a government amnesty. "I am not anymore with the Islamic Courts," Adan told reporters after meeting Gedi amid tight security at a Djibouti hotel. He did not elaborate. Gedi's interim government is struggling to impose its authority on the Horn of Africa nation, which has been in chaos since warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Adan surrendered to the authorities in neighbouring Kenya after Somali government troops backed by Ethiopian tanks and warplanes routed the Islamists from Mogadishu over the New Year. Adan admitted being in Kenya illegally, but in February an immigration case against him was dropped without explanation. Source: Reuters Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 12, 2007 Xaaji Abuukar Cadaan Oo ka baxay MMI Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 11-Sebtember-2007 Sida ey qortay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa uu xiriirkii u jaray Xaaji Abuukar Cumar Cadaani Golihii la magac baxay Maxkamadaha Islaamka ee laga saaray dalka dhamaadkii sanadii hore kadib markii ey dagaal qaraari halkaa ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda federalka oo kaashanayay kuwa Itobia. Xaaji Abuukar Cadaani oo ahaa maalgaliyihii ugu weynaa Maxkamadihii Islaamka ayaa hadalkiisan kusoo beegmay kadib markii uu kulan albaabada u xiran kula qaatay dalka Djabouti ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi, kulankaasoo ku dhamaaday sida la sheegay is afgarad iyo guul. Ka Dhageyso Halkan Prof. Geedi oo ka Warbixiya arinkaa Ilaa iyo iminka ma cada sababta keentay in Xaaji Abuukar Cadaani xiriirka u jaro Maxkamadihii Islaamka oo uu xubinta ka ahaa waxaa uuna yiri sida ey qortay Reuters "Kama mid ihi hada waxi ka danbeeya Maxkamado Islaami", wuxuuna hadalkan yimid kadib wadahadalo uu la yeeshay prof Geedi. Arintan ayaa waxa ey dhabar jab ku tahay golihii Maxaakiimta ee iminka ku wada sugan badankood dalka Eritrea halkaasoo ey ayaamahaan ka wadaan dhaqdhaqaaq ey ku sheegeen in ey dib uga xoreynayaan dalka Somaliya ciidamada Itobia iyo kuwa dowladda federalka oo ey ugu yeereen gumeysi iyo dabadhilifyo iswata. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites