Sign in to follow this  
Paragon

Israsaaseyn xoogan oo galabta ka dhacday caasimadda Somalia

Recommended Posts

Paragon   

Israsaaseyn xoogan oo galabta ka dhacday caasimadda Somalia

 

 

Mogadishu 15, April.07 ( Sh.M.Network) Israsaaseyn culus ayaa galabta ka dhacday deegaanada yaaqshiid iyo Fagax halkaasi oo ay isaga soo horjeedaan kooxo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Labada dhinaca ayaa waxa ay isweydaarsadeen rasaas aad u culus oo laga maqlayay magaalada Muqdisho, iyadoo haatana aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Fagax iyo Waliba degmada Yaaqshiid.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay aheyd mid dagan, inkastoo la maqlayay rasaas teel teel ah oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah ee Somalia oo ku aadan dagaalkaan, inkastoo odayaasha Beelaha ****** ay ku eedeeyeen dowladda KMG ah ee Somalia in ay ka dambeyso weerarada iyo dagaalada ka soconaya caasimadda.

 

Shalay ayay aheyd markii guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala socda saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo guddiga Xabad joojinta Beelaha ****** kulan ay ku yeesheen Muqdisho ay isku soo dhawaadeen in labada ciidan la kala qaado, hadana maanta ma jirin wax talaabooyin ah oo guddigaasi ay sameeyeen.

 

Click here to find Shabelle news in English

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this