Sign in to follow this  
General Duke

Laascanood: Acting President Puntland speaker arrive in capital of SOOL.

Recommended Posts

Laascaanood: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo tagey Magaalada laascaanood.

11. oktober 2007

 

Laascaanood(AllPuntland)- Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagey maanta magaalada Laascaanood.

 

Madaxweyne kuxigeenka waxaa safarkiisa ku waheliyey gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo waliba taliyihii howlgalinta ciidanka Somaliland oo Puntland isku soo dhiibey Shalay ,ka dib markii uu ka soo goostey Somaliland.

 

Xasan Daahir Maxamuud ayaa la kulmey wasiiradii horey Magaalada joogey waxa ayna warbixin Madaxweyne kuxigeenka siiyeen xaaladaha gobalka Sool iyo waliba waxyaabaha looga baahan yahay Xukuumada Puntland.

 

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka gudoomey taliyihii howlgalinta ciidanka Somaliland ciidamo fara badan oo dhinaca Puntland uu lasoo galey maalintii shalay markii uu isku soo dhiibey ciidamada dowlad gobaleedka Puntland.

 

Madaxweyne kuxigeenka ayaa hadal ujeediyey sida wararku sheegayaan ciidamada Puntland isagoo kula dardaarmay ciidamada in ay difaacaan Jiritaanka iyo Midnimada Puntland oo ah mid muqadis ah.

 

Safarka Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha golaha wakiilada Axmed Cali Xaashi ayaa daaqada ka saaraya war uu maalmahaan saxaafada ka sheegayay Sarkaalka Somaliland ugu magacaabaan dhinaca gaashaandhiga oo ku aadanaa in ay Laascaanood heystaan ciidamada Somaliland.

 

Magaalada waxaa sii joogi doona xubno wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Puntland ayagoo dadweynaha SS iyo Cayn kala hadlaya sidii amaanka deegaanadaasi kor loo qaadi lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa ciidamada ku soo duuley deegaanadaasi oo ka mid ah Puntland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

BY

 

Allaaha weyn baa caafimaadka haya, ee Illaahay dhamaan wixii muslimiin ah iyo binu aadamka kaleba Illaahay caafimaad ha siiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this