Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweynaha Jamhuriyada FKMG ah oo dib ugu soo laabtay Nairobi

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweynaha Jamhuriyada FKMG ah oo dib ugu soo laabtay Nairobi

Posted to the Web Apr 12, 20:05

 

 

Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa waxay ka soo dageen Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi,iyagoo ka soo laabtay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya oo ay ku tageen safar qaatay muddo labo cisho ah,islamarkaasna ay uga qaybgaleen kulan lagu unkayey Ciidan rigli ah oo ay yeeshaan Dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

 

Madaxweynaha iyo weftigii ku weheliyey socdaalkiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaarka ay ka soo dageen Ra,iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah,Guddoomiyaha baarlamaanka,Xubno ka koobnaa Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah iyo dadweyne ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi.

 

Sikastaba ha ahaatee,Dawladda FKMG ah ayaa waxay qorshaynaysaan sidii dalka loogu noqon lahaa oo muddo laga sugayey,inkastoo ay jirto kala qaybsanaan ku aadan goobta dalka la abaarayo oo ay kula fikir duwan yihiin Golaha wasiirada iyo Baarlamaanku,iyadoo socdaal hordhac ah ku tageen Muqdisho Xubno isugu jira Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada baarlamaanka,kuwaasoo iyagu ku adkaysanaya in Dawladda timaado Muqdisho.

 

Dhanka kale waxaa ka socota Hotelka Safari Park ee Magaalada Nairobi Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayo Sanad guuraadii 45aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,iyadoo halkaasi ka hadli doonaan Ma'suuliyiinta sar sare ee Dawladda FKMG ah.

 

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this