Sophist Posted October 1, 2004 Nin Soomaali ah oo Loo Magacaabay Golaha Xuquuqda Aadana ee Magaalada Owatonna ee Gobolka Minnesota Sabti, Sept. 25, 2004 Markii ugu horeeysay taariiqda Soomaalida ku dhaqan Gobolkan Minnesota – intaan ka ogahay- ayaa maalintii talaadada, tariiqduna eey aheyd September 21-keedii magaalada yare e Owatonna ee gobolkan Minnesota lagu dhaariyey qofkii ugu horeeyey ee Somali ah oo loo dhaariyey jagada ‘Xubin Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Owatonna'. Ninkan, oo magiciisa la yiraahdo Siyad Max'ud Cali (Siyad Geelle) ayaa ka mid noqon doona gole ka kooban todoba xubnood oo laga soo kala xulo qeybaha kala gadisan ee bulshada magaaladaas. Sida ku cad barta eey magaaladaas ku leedahay shabakada caalamiga ah ee Internet-ka, Golaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu qabanayaa howlo kala duwan oo isugu jira: Sare u qaadida tayada xuquuqda aadanaha ee Owatonna, kala talinta maamulka magaladaas dhanka arrimaha xuquuqda aadanaha, la shaqeynta hey'adaha iyo qeybaha kale ee daneeya xuquuqda aadanaha, ka haqab-tirida dadyawga magaaladaaas arrimaha la xiriira midab takoor-ka, Diyaarinta barnaamij hagaajiya dhibaatooyinka ka kaca takoorka iyo xuquuqda aadanaha iyo howlo kale oo badan. Xubnaha golahan ayaa jagada heyn kara 3 iyo 1 sano, hadba inta loo doorto, iyagoo si bilaash ah ugu adeegaya dadweynaha. Waxaana soo magacaabaya duqa magaalada Owatonna , kadibna waa in guddiga magaaladu aqbalaan magacaabidaas. Xulidda xubnaha guddigan waa mid taxadiran oo la doonayo ineey ku jiraan dhamaan qaybaha bulshada, sida; Rag iyo dumar, Sabool iyo hodan, midabyo iyo isiryo kala duwan, Mid guri leh iyo mid kireysta, da'a weyn iyo mid yar, oo eey xitaa ardaydu ku jiraan. Siyad Max'ud Cali wuxuu heystaa laba Master oo kala ah: Shahaadada sare ee Maareynta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, oo uu ka soo qaatay wadanka India . Haddana wuxuu wadaa takhasus la xiriira Human Resource Development oo uu ka diyaariyanayaa Jaamacadda Minnesota – Rochester . Wuxuuna la taliye shaqo ka yahay Waaxda Horumarinta Shaqaalaha (Workforce Development) ee isla Owatonna . Magacaabista Siyad ayeey Soomaali badan oo reer Owatonna ah soo dhaweeyeen, iyagoo u arkay ineey muuqaal wanaagsan ka bixineyso jaaliyadda, isla markaana xoojineyso codkooda. Lama hayo tirakoob rasmi ah oo sheegaya tirada Jaaliyada Soomaalida ee Magaaladaas, ha yeeshee illaa iyo dhowr kun baa lagu qiyaasaa. Waxeey magacaabistani ku soo beegantay xilli eey sii kordhayaan xadgudubyada lala beegsanayo Jaaliyadda Soomaalida ee Gobolkan, guud ahaan. Dhowr todobaad kahor ayaa oday Soomaaliyeed lagu dilay isagoo socda meel ka tirsan koonfurta Magaalada Minneapolis. C/raxman Ceynte Hiiraan Online Minnesota E-mail: Ceynte@hiiraan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
silent-sistah Posted October 1, 2004 ^^^--------- have a heart, the topic sounds real interesting, but the somali too big for me. Quote Share this post Link to post Share on other sites
- Femme - Posted October 1, 2004 How about a one paragraph summary for those who are able to read somali? I can read but its so hard, takes lots of time, and I dont know half of the words. Well...in that case...I DONT KNOW THEN. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mombasa_QUEEN Posted October 1, 2004 i knw silent they should realize we got alot diferent people in here who cant able to read those B.I.G words of somali. Quote Share this post Link to post Share on other sites