Liibaan Posted December 14, 2008 SHIIKH SHARIIF: “C/llaahi Yuusuf Dadka wanaag ayuu ku metelaa ee xumaan kuma metelo, awoodna uma lahan in uu burburiyo Heshiiskii Jibouti” Khamiis, November 20, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu shir jar’aaid ku qabtay Hotelka Laf-weyn oo uu degan yahay, wuxuuna shirkiisa jaraa’id uga hadlay arrimo dhowr ah oo kala ah ujeedada socdaalkiisa Muqdisho, Heshiiskii Jibouti iyo sida uu u arkayo hadal uu ku mucaaraday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Arrinta Burcad Badeedka iyo dhaqamada soo galootiga ku ah dadka Soomaaliyeed ee ay dilalka iyo Af-diuubka. Waxaa uu ka hadlay ujeedka socdaalkooda Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay ugu horeyso in ay la kulmaan dadka Muqdisho oo ay ugu horeeyaa sida uu hadalka u yiri Muqaawamada, sidoo kalena waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay u yimaadeen ay qeyb ka tahay in la dhaqangeliyo heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo iyo in laga shaqeeyo sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka u bixi lahaayeen. Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in ay dadaal iyo juhdi ku bixinayaan sidii dagaallada loo joojin lahaa, wuxuuna sheegay in ay dadka Soomaaliyeed ka daaleen dagaallo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in wax kasta laga wada hadlo. Waxaa uu intaas ku daray Shiikh Shariif Shiikh Axmed in ay soo dhaweynayaan oo ay la hadlayaan cid kasta oo mas’alo diineed wadata, cid kasta oo danta dalka ka hadleysa, iyo cid kasta oo dan gaar ah wadata ay soo dhaweynayaan, gacmahoodana ay furan yihiin, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay ka haraan haddii waxa ay wadaan ay noqdaan wax ka soo horjeeda Diinta Islaamka. Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo walaalo ah ay dhibaatooyin soo dhexmareen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay u taagan yihiin sidii dadkaas loogu cadaalad fali lahaa. Halkan ka dhegeyso Shirka Jaraa'id Wuxuu ka hadlay Burcad Badeedka, dilalka gaadmada ah iyo af-duubka, wuxuuna sheegay in arrimahaas wax u dhimayaan Qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed oo aan arrimahaas looga baran ay la gudboon tahay in uu ka hortago falalkaas. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ahaa in heshiiskaas ay beel gaar ah gaartay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in heshiiska Jibouti ay wada galeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, Dowladda Federaalkana ay u saxiixeen dadkii ay soo dirsatay. “C/llaahi haddii uu soo dirsanayo nin ay isku beel yihiin annaga ma diidin, laakin isaga ayaa soo dirsaday Axmed C/salaan, marka markii uu heshiiska saxiixay in uu yiraahdo Axmed C/salaan waa beel kale, waxay ila tahay arrin ku haboon ma ahan madaxweynaha, arrin sax ahna ma ahan, arrinta labaadna heshiiskan ma ahan heshiis C/llaahi Yuusuf iyo qof kale u dhaxeeyo, waxaa uu u dhaxeeyaa Umadda Soomaaliyeed, Adduunkana goob-joog ayuu ka yahay, xil ayaana ka saaran, marka haddii uu u maleynayo in uu heshiiska burburin karo, ma burburin karo, arrinta kale waxay tahay C/llaahi Yuusuf dadka wanaag ayuu ku metelaa ee xumaan kuma metelo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Reer Puntland aysan fikirkaas la qabin Madaxweyne Yuusuf. Waxaa uu ka hadlay bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Ciidamada Itoobiya bixitaankooda heshiis lagu gaaray, heshiiskaasna loo baahan yahay in la fuliyo, “arrintaas waxyaabaha aan u nimid ayay qeyb ka tahay waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegeynaa in ay Itoobiyaanka baxayaan Haddii Alle idmo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in uu ka xun yahay in sida uu u yiri lugaha lagu dhego Ciidamada Itoobiya iyagoo doonaya in ay baxaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted December 14, 2008 Muqdisho: Sh. Shariif " “Dadka Soomaaliyeed waa Muslimiin wada Ahlu Sunna ah, mana jirto cid Gaal lagu tilmaami karo" Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta ee mucaaradka ku ah Dowladda KMG ayaa maanta kulan uu la yeeshay Ururada bulshada rayidka ee ka jira Muqdisho ugu waramay halka ay mareyso marxaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in xiligan wixii ka soo horjeeda dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya aysan aheyn cid dooneyso in dalka iyo dadka dhibaatada laga saaro, kana soo horjeeda soo celinta midnimadii iyo qaranimadii Soomaaliya. “Kuwa mucaaradka ah ee diidan dadaallada xal doonka ah ee aan wadno waa kuwo badankood gadaal kaga soo biiray Maxkamadihii Islaamiga ee hoggaaminayay, wixii aan isku baranayna waxay ahaayeen in aan Shareecada Islaamka dadka ku xukunno, dadkaasi hada wax gaaleynaaya aniga way ila yaabanaayeen markaan dadka Islaamka ku xukumaayay" ayuu yiri Sheekh Shariif uu la hadlayey xubno fara badan oo ka socday rayidka kuwaasi oo kula kulmay Hotelka uu degan yahay ee Laf-Weyn. "Anaga haddii aan dhahnay Itoobiya dalka haka baxdo, Soomaalidana ha heshiiso, qaranimadii dalkana dib haloo soo celiyo ma waxaan nahay Gaal" ayuu sii raaciyay Sheekh Shariif oo sheegay in uu mowqifkiisa cad yahay ee uusan aheyn nin dhuuntay, isagoo intaa sii raaciyay hadalkiisa "Dadka hada wax gaaleysiinaya hortooda ayaan wax xukumayey mana ahan suurtagal qorshaha ay wadaan" Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay kooxaha mucaaradsan weli dadaalada dib u heshiisiinta in ay albaabada u furan yihiin, isla markaana diyaar loola yahay wixii ay doonayaan, "Xoolo haddii ay doonayaan waan siineynaa, haddii ay Madaxtinimo rabaanna diyaar ayaan ula nahay, intaasoo idilna waxaan u sameyneynaa in dalka Soomaaliya nabadgelyo laga dareemo" ayuu yiri Sheekh Shariif oo maray dhaar inuusan wax dan gaar ah aysan ugu jirin heshiiska Isbaheysigiisa uu la galay Dowladda KMG. Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubnaha taageersan ee ku fikrada ah ayaa horay u sheegay in uu Sheekh Shariif Sh. Axmed ka leexday wadadii saxda aheyd waa sida uu hadalka u dhigay Sheekh Aweys, kuna biiray wax uu ku sheegay Gaalo iyo Gaalo Raac. AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites