Sign in to follow this  
General Duke

Somalilander Interviews President Abdullahi Yusuf:

Recommended Posts

Here is an example of a good interview. A somalilander interviews the President of Somalia in a civil maner asking important questions.

.......................Duke..............

 

Waxaan waraysi ka soo qaaday madaxweynaha lagu doortay Kenya ee loo doortay xukuumada Somaliya loo sameeyey Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed mar uu Joogay Kenya.

Somaliweyn.com (Nairobi 28/02/05)

 

Aniga oo ah Maxamed Siciid Saalax ayaan ka soo qaaday waraysi Madaxweynaha Somaliya, waxaan ahay nin u shaqeeya hay,ada la yiraahdo Save The Children ee xarunteedu yhay dalka Kenya, laakiin waxaan u dhashay dhalasho ahaan dalka Somaliland. Wakhtiyada qaarkood ayaan la shaqayn jiray Jariidada Codka ee ka soo bixi jirtay Somaliland horaantii sagaashanaadkii, welina waan xiiseeyaa oo jeclahay in aan wakhtiyada aan firaaqada leeyahay ee aan fursada haysto aan waraysto ama wax ka qoro arrimaha siyaasada iyo horumarka bulshaweynta Somaliyeed.

 

Waxaan manta oo bishu tahay 17/02/2005 aan fursad u helay in waraysi ka qaado Madaxweynaha dawlada Federaalka ee Somaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed isaga oo jooga dalka Kenya oo ah xaruntii lagu dhisay dawladiisa welina aan meel uga dhaqaaqin. Waraysigiina oo uu kaga hadlayo dhinacyo badan waakan ee akhris wacan.

 

S: M/weyne waaxaad igu sharaftay in aan waraysi kaa qaado oo aan kaa codsaday adiguna aad iga yeeshay ee waad ku mahadsantahay, kolay mudo doora ayaan idiin imanayey aniga oo la socda Madaxda Save The Children, (Kaftan). Ma Somaliya ayaan ku horaysiiyaa su,aalah aan kuula diyaarka ahay mise dhinaca Somaliland?

 

J: Waad mahadsantahay marka Hore Maxamed, horaan hadee u sheegay in dhamaan shacbiga Somaliya uu albaabkaygu u furan yahay. Waa ii farxad in aan kula kulmo, hadee kaad doontona ku horee dalkeena dhinacyadiisa balaadhan ee illaah ina siiiyey. (Qosol)

 

Su,aal: Madaxweyne intii lagu doortay iyo mudadii ka danbaysay waxaad ku dhawaaqday dhawr jeer in dawladaadu u guurayso gudaha Somaliya, maxaa weli idin hortaagan?

 

Jawaab: Waad la socotaa intii aan hawshan ku jiray oo balaaran, in ay jirtay caqabadii ugu horeysay ee naga hortimaadaa in ay ahayd ansixintii xukuumada, illaahay mahadii waa ka soo gudubnay arrintaa. Maata dawladii waa dhamaystiran tahay dhamaana shacbiga Somaliya waa u dhan yahay. Waxaase nasiib daro ah in caasimadii somaliya ay manta gacanta ugu jirto kooxo hubaysan oo aan si buuxda uga amar qaadaneen hoggaamiyayashooda, sababtaas ayaa igu keliftay in aanu xukuumada ahaan maanta dhawr iyo toban sano ka dib burbrukii Jamhuuriyada Somaliya in aanu si buuxda uga codsano dawladaha xal u helida Somaliya iyo nidaamka u dhisidooda aad ugu hawlahan ama jecel in ay naga caawiyaan hawshaa, waa noo socotaa waana ku tala jirnaa in aanu wakhtiyada ugu dhaw si buuxda u keeno dalka ciidamo nala suga amniga iyo xasiloonida dalka.

 

S: Dawladaada laftigeeda iyo wasiiradadaada u dhashay Muqdisho qaarkood arrinkaa waa ka hadleen waana diideen sidee u xalilaysaa khilaafkaas.?

 

S: Hadee adeer hawshaa kolayba waa soo baxaysaa oo waa lagu kala duwananayaa sidii loo xalili lahaa mushkilada culus ee aanu dhabarka u ridanay, laakiin marka aanu dhahno ciidamo ayaa loo baahan yahay, ka diidaa hadee haddaanu qaadi karin masuuliyada saaran ee hawsha isaga u gaarka ah. Waanu ku qasbanahay in aanu ciidamo keeno, loona joojin mayo cidna hayska hadlo ninkii doonaa. Dalkan nabadgelyadiisa iyo xasilintiisa iyo qaranimadiisa nina uga marti ahaan mayno, ma noqonayno qaadina mayno wadadii lagu khiyaameeyey dawladihii hore ee fashilayay, anigu khibrad nina iigama badna iyo xasilin mudo dheer ayaan dhismaha maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland ku hawlanaa maantana iyada oo dhisan oo dhamaystiran oo maamul ah ayaan ka tegey, waxaan doonayaa waa taas oo kale oo marka aan dhiso dawlad Somaliyeed oo ubadkeenu ku nasto ayaan ka tegeyaa, hadee adeer wakhtiga ayaanba ii daynayn oo manta da’ ayaan ahayn, laakiin ubadkeena ayaan uga tegeyaa iyo dadka da’daada ah.

 

S: Somaliland maxaad kuu qorshaysan in aad side ula macaamisho, ma si dawladnimo mise waa maamul ku hoos yimaada ayaad qabtaa?

 

J: Somaliland adeer waa maamul somaliyeed oo laga dhisay gobolda waqooyiga, waad ogtahay oo maamul kastaa kacaakufkiisa ayuu leeyahay, laakiin wax weyn ayay ku guulaysteen, maantana waa wada shaqayn doonaa, qaabna waa noo yaalaa aanu ku wado shaqayn doono, laakiin waxaanu ku hawlanaanaynaa wakhtiga hawsha xalinta gobolada dalka ee kale.

 

S: Intee u aragtaa Somaliland ma intii Ingiriisku maamuli jiray mise gobolada Isaaqa oo qudha?

 

J: Hadee waad taqaan inta maamulka Somaliland ka jiro intaas baana Somaliland ah oo maamul wacan oo dadku ku nasteen laga hirgeliyey.

 

S: Daahir Riyaale Madaxweynaha Somaliland saxaafada ayaad isku dhaafsateen aflagaado badan markii aad qabsatay dalka Somaliland gobolka uu sheegto ee Laascaanood, xilligaas oo aad ahayd Madaxweynaha Puntland. Xidhiidhkiinu waa side wakhtiga maamulka Somaliland?

 

J: Waxaa jirta in siyaasada noocyo badan tahay, wakhtigaa waxaan masuul ka ahaa gobolo tirsan oo doonistooda ku raacay maamulka Puntland, [b/]maantana waxaan ahay Madaxweyhana dawlada federaalka ah ee Somaliya, hadee markaa maalinba siyaasadeeda ayaanu ku wada soconaa Somaliland,[/b] Madaxweynaha maalintii dhawyd ee uu joogay Jabuuti [b/]telefoon ayaanu ku wada xidhiidhnay, wax badan ismaanu waydiin ee horta xidhiidh wacan oo walaaltinimo ka dhex abuuraya Somaliya in aanu samayno mabda,iyan wanu isla qaadanay,[/b] xidhiidhano waa u socdaal maamulka Puntland waana ku dhiirigeliyey labada Madaxweynaba markaan la xidhiidhay. Runtii Daahir waa nin aan aad intii aan bartay aqoontiisa iyo garashadiisa u qadariyo fikardihiisana sidii aan ka qabay waxbaan ka bedelay oo hadeer hore waanigii u sheegay in ay cidi meesha dhigatay oo ku shaqaysato, laakiin waa nin fikradiisa u xora gesinimo badana waa muujiyey, waa nin bisil oo walaaltinimada Somalidu ka go,an tahay, markaa waa wada shaqayn doonaa insaha allah Positively.

 

S: Goorma ayaa kuu qorshaysan in aad dawlada rartid?

 

J: Insha allah wakhti aan fogayn. Waxaadna iga gaadhsiisaa dadkii gobolada waqooyiga in aanu si wacan u wada socono oo qalbiga kala socono horumarkooda iyo dhibaatooyinka haysta, wax dhaamaana ma jiro iyaga iyo maamulka Puntland iyo maxaed Dheere maamulka uu dhisay.

 

Waad mahadsan tahay

 

Adigaa xudhmad mudan Runtii halyeey ayaad tahay, waxaana ku boorinayaa in saxaafada Somaliland dhamaantood albaabkaygu u furan yahay.

 

 

Freelance Jornalist

 

Maxamed Siciid Giriig

 

Kenya

 

Nairobi

 

sgiriig@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Runtii Daahir waa nin aan aad intii aan bartay aqoontiisa iyo garashadiisa u qadariyo fikardihiisana sidii aan ka qabay waxbaan ka bedelay oo hadeer hore waanigii u sheegay in ay cidi meesha dhigatay oo ku shaqaysato, laakiin waa nin fikradiisa u xora gesinimo badana waa muujiyey, waa nin bisil oo walaaltinimada Somalidu ka go,an tahay, markaa waa wada shaqayn doonaa insaha allah Positively

:D

 

good interview,well done Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Duke

Beentu mar bey runta u dhawadaa but this,by God even a blind man can see through it.... :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^ Warya Duke sxb, dadki qarkiis mar mar ayey xishowdan, adiga iyo kuwa so been aburey wareysigaan waxaad ku xaadguduubten garashada dadka. Abtiyo isku xishow ee mala awalkaan qawaan iska dhaf.

36_2_15.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

loool

 

are we getting bit desparate for attention duke :D

 

will someone pleaaaaaaaaaase talk about my adeer :D

 

 

looool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oh my, now the Duke with his limited Somali made up the interview :D

 

Come on lads you can do better than that, I suggest you email the dude and ask him why he interviews the enemy ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

Come on lads you can do better than that, I suggest you email the dude and ask him why he interviews the enemy
;)

Hence you openly accept C/llahi Yusuf is the enemy..? please confirm :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
CHE   

oo maxaa ku jaban haddii uu nin reer waqooyi uu wareysto A/y.miyaan su'aalo la is weydiin karin ?

 

there are 24 parliament members oo reer waqooyi ah that would gladly sit and hold conversation with A/Y,how is this any different? or is obedience to Riyaale regime a prerequisite for being reer waqooyi ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Put this in your Somali tribal lexicon: neotribalism, if you have different political view and oppose secession, you are not from Duriyadda.

 

smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL

good one nayruus

a new phenomena indeed.

I have come across many people with similiar views to from the Duriya but i still find your ideas extremly naive and childish.

 

Tell me how do you see the safe gaurding of the interests of reer somaliland in a new union.

bearing in mind that the 1960 parlaiment was much more democratic than todays.

What is likely to happen is that we will again be second class citizens in our own land.

 

sadly any deteriation of the situation is gaurenteed to much bloodshed,

may god save us all.

this is not 1960 its much different.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this