Jacaylbaro Posted July 8, 2010 Wiilkan yar ee makhaayadda bunka ka sheekaynayey wuxuu yidhi: Doorashadii hore ayaan ku wareernay. Faysal iyo afar nin oo kale ayaa tartamayey. Waxaan is idhaa uun muxuu Faysal u soo bixi waayey. illayn waa nin afar nin oo laba iskaga dhigay la tartamayaan! Waa Riyaale, Rayaale, Siiraanyo, Siilaanyo. Ninkii doorashada helay wareegtadii koowaad wuxuu ku soo saaray inuu hal nin isku noqdo, magaciisuna yahay Rayaale. Doorashadan labaadna wuu heli lahaa haddaanu magaciisii labaad ka tageen. Doorashadan u dambaysayna saddex nin baa Faysal la tartamay. Rayaale, Siiraanyo iyo Siilaanyo. Immika waxa madaxweynaha cusub looga fadhiyaa inuu wareegtada koowaad ku soo saaro ka doorashada helay ka uu yahay, ma Siilaanyo mise Siiraanyo maxaa yeelay qofba mid buu taageeray? Anigu waxan taageeray Siiraanyo, adiguna?. Haddii ka doorashada helay noqdo Siilaanyo halkaa waxa madaxweynuhu ku luminayaa taageeradayda iyo taageerayaal badan oo aannu Siiraanyo u wada codaynay. Waxan is idhaa uun maxaa ninkan Faysal ee dhallinyarada iyo dumarka oo dadka ugu badani jecel yihiin kartidiisa uu doorashada u heli la' yahay. illayn waa nin la isku feeraariyey oo afar nin la tartamayeen !! Faysal waxan ka codsanayaa inaanu doorashada dambe ka hadhin, inta ka horraysana magac labaad sii samaysto si uu taageerayaal badan u helo. Guul Faysal, waa markaagii. Qallinkii Xasan Cabdi Madar Quote Share this post Link to post Share on other sites