Sign in to follow this  
Gabbal

Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka jira deegaanada Bandiiradleey iyo Galinsoor

Recommended Posts

Gabbal   

Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka jira deegaanada Bandiiradleey iyo Galinsoor

 

 

Mogadishu - 10-October -2006-Allceeldheer.com Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa ka jira deegaanada Galinsoor iyo Bandiiradleey oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Maxkamadaha islaamka iyo kuwa taabacsan Col. Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii Isbaheysigii la dagaalanka ee laga eryay caasimadda Somalia.

 

Dhaq dhaqaaqaan ciidan ayaa yimid, ka dib markii guutooyin ka mid ah ciidamada Ethiopia ay ka soo gudbeen dhinaca degmada Galdogob oo ay ku soo jeedaan Bandiiradleey si ay u caawiyaan ciidamada Cabdi Qeybdiid ee halkaasi ku sugan.

 

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in ciidamada Maxkamadaha islaamka ee ku sugan Galinsoor ay galeen heegankii ugu sareeyay si ay isaga caabiyaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Cabdi qeybdiid.

 

Dhinaca kale ciidamada Puntland iyo ciidamo Ethioian ah oo wada socda ayaa dib ugu laabtay deegaanka bacaadweyn ee W/Mudug.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli shalay ciidamada dowladda Ethiopia ay soo galeen degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan maamul goboleed ee Puntland oo maanta soo gaaray deegaanka Bandiiradlay ee gobolka Mudug.

 

Muqdisho, October 10, 2006 (WDN):Ciidamo ka tirsanmaamul goboleed ee Puntland oo ku hubeysan illaa 60 gawaarida dagaalka ayaa la sheegayaa in duhurnimadii maanta ay soo gaareen degmada Bandiiradlay ee gobolka Mudug ayadoo aan la shaacin ujeedka ciidankaasi.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadan ay kasoo dhaqaaqeen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland isla markaana ay soo gaareen deegaanka Bandiiradlay oo 85 kilo mirir dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u xaqiijiyey idaacada Simba ee ka howlgasha magaalada Muqdisho in ciidamo ka socda Puntland ay gaareen deegaanka Bandiiradlay waxa uuna sarkaalkan ka gaabsaday inuu sheego ujeedka ciidamadan.

 

Cabsi dagaal ayaa la sheegayaa in haatan ay ka abuurantay degmada Bandiiradlay waxaana dadka deegaanka ay ka baqanayaan in halkaasi ay ku diriraan ciidamada maxkamadaha islaamiga ee ku sugan gobolada dhexe iyo kuwa Puntland ee maanta Bandiiradlay soo gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo gaaray Bandiiradley

10 Oct 10, 2006, 12:37

 

Gawaarida dagaalka iyo ciidamo aad u hubeysan oo kasoo ambabaxay magaalada Galkacayo ayaa soo gaaray deegaanka Bandiiradley ilaa iyo 85 Km dhinaca koonfur kaga began magaalada Gaalkacyo.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay iney fariisamo cusub ay ka sameysteen deegaanka Bandiiradley, saarkaal ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay jiraan ciidamadaasi balse ay horay u joogeen Bandiiradley.

 

Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminaya Cabdi Qaybdiid oo dhowaan soo gaaray magaalada Galkacyo kadib markii uu in mudo ah ku sugnaa xarunta DFKMG ah ee Baydhabo.

 

Ciidamadan la soo dhoobay ayaa horseeday xiisado dagaal oo u dhaxeeya kuwa la keenay Bandiiradley iyo kuwa Maxkamaddaha ee ku sugan gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this