Cowke Posted May 27, 2010 Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay nin dil ka geysay degmada Goldogob. Goldogob: (Sh.M.Network) Ciidamada Maamulka Puntland ee degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay nin dhawaan falal isugu jira dil iyo dhaawac ka geystay gudaha degmadaasi Goldogob ee gobolka Mudug. Kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee degmada Goldogob ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ku guuleystaan in ay gacanta ku soo dhigaan nin dhawaan falal isugu jira dil iyo dhaawac ka geystay degmadaasi. Gudoomiyaha degmada Goldogob ee gobolka Mudug ee Maamul goboleedka Puntland C/sahal Max’uud Xirsi oo maanta la soo xariiray Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amaanka ee degmadaasi isagoo sheegay inay ku guuleysteen gacan ku soo dhigida nin dhawaan halkaasi ka geystay dil iyo dhaawac islamarkaana u baxsaday dhulka howdka ah. Waxaa uu sheegay in ay wadahal u socdaan dadkii ninkaasi uu dadka ka dilay iyo qaraabadii uu ka dhashay kuwaasi oo ka wada hadlaya qaablii laga yeeli lahaa ninkaan ay gacanta ku soo dhigaan ciidamada Amaanka ee Maamulka Puntland ee degmada Goldogob. Waa markii ugu horeysay oo ciidamada maanka ee degmada Goldogob ay ku guuleystaan in ay gacanta ku soo dhigaan ruux dil ka geystay gudaha degmadaasi, waxaana haatan la ogeyn waxyaabaha uu ka yaali doono Maamulka degmadaasi ninkaani ay gacanta ku soo dhigeen ciidamadooda. Quote Share this post Link to post Share on other sites