Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Somalitalk.com what a farce....I couldn't stop laughing...

Recommended Posts

Ciidamada Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo.

Ciidda Kirismiska oo ay u diyaargaroobayaan…

 

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay inay Magaalada Baydhabo ku soo daldaleen Khamri farabadan oo qaarkood ku jiray Jirgaamo, waxaana Khamrigaasi Magaalada Baydhabo loo keenay iyadoo foodda ay nagu soo haysto Ciidada Kirishtaanka oo ku beegan 25 bishan.

 

Khamrigaan ayaa loogu talagalay inay ku cabaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo xilliga Krismaska, hase yeeshee qaar ka mid ah Khamrigaasi ayaa si aad ah ugu faafay magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada Itoobiya mararka qaar ay dadka siinayaan Khamrigaasi.

 

Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo aya si aad ah uga walaacsan khamrigaasi lagu soo daadgureynayo magaalada Baydhabo, waxayna Culimada ku nool Baydhabo ay shacabka uga digeen in ay ka fogaadaan khamrigaasi, maadaama uu Illaah xarimay.

 

Dhanka kale warar ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay Magaalada Baydhabo ka furaan Kalaabyo ku meel gaar ah oo ay ku caweeyaan ciidamada Kirismiska, waxaana haatan xeryaha ay degan yihiin laga diyaarinayaa kalaabyadaasi, iyadoo Ciidamada Itoobiya ay ku jiraan Haween aad u fara badan.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay ilaa iyo 12-kun sida ay sheegeen Maxaakiimta Islaamiga ah, kuwaas oo la sheegay inay goobaha ay ku sugan yihiin ka wadaan waxyaabaha liddi ku ah Diinta Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this