XOG-ogaal Posted April 24, 2007 Ciidamo ka tirsan dowladda Somalia ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan kuwaasoo ka soo goostey dowladda Somalia sida ay ku warrameen illo wareedyo Oo Hiiraan ku sugan. Ciidamadan oo tiradooda ay gaareya ilaa iyo 400 oo askari ayey wararku sheegayaan in ay ka soo goosteen dhinaca iyo magaallada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Inkastoo aaney jirin cid si rasmi ah u ogaan karta sababta ka dambeysa soo goosashadooda askartaasi ayaa haddana waxaa jira wararkaloo sheegaya in aan iyagu helin daryelka ay hellaan ciidamada kale ee ka soo jeeda Puntland ee Bay ku sugan. Hore ayaa waxaa uu jirey ciidamo aad u fara bada n oo dowladda Somalia ka tirsan oo soo goostey kuwaasoo gaarey deegaano kala duwan ee dalka Somalia ka mid ah. soomaalinews.com warka@soomaalinews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites