Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 15, 2007 Odayaasha Beelaha [...] oo sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka uu ka soo baxay Xaqii ay Shacabka Soomaaliyeed ka galeen Axad, Oktoobar 14, 2007 - Odayaasha Beesha [...] garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal saxaafadeed ka soo saaray khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka soo baxay madaxda Dowladda Federaalka xaqii ay shacabka Soomaaliyeed ka galeen. “Hal booliya Nirig Xalaal ah ma dhasho, Nimankaas markii horeba kuma socon dhabihii Dowladda, waxa hadda ka dhexguuxayana waa cuqubadii iyo dhibaatadii ay Umadda u geysteen, waayo waxaa maalin walba dhibkooda ka cabanaya dad birimageydo ah oo Islaam ah, sidaas darteed waxaan leenahay Illaah u towbad keena oo cafis weydiista,” ayuu yiri Axmed Diiriye oo intaas ku daray in ay ugu baaqayaan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo inay wada hadlaan oo aysan khilaafkooda gaarsiin in ay dagaallamaan. “Waxaan ku talineynaa in ay Raggaas khilaafkooda xaliyaan, isal markaana aysan iyagu isdilin, Dadkana dilin, annagu had iyo jeer waxaan ka dignaa dhibaatooyinka shacabka ku imaan kara”ayuu yiri Axmed Diirye Cali. Axmed Diiriye oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda ee khilaafka uu u dhaxeeyo in ay meelahooda kala joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan in ay dhibaato hor leh u horseedaan Shacabka Soomaaliyeed oo awalba dhibaateysnaa. Afhayeenka Odayaasha Beesha [...], garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa intaas ku daray in aaney dadka Soomaaliyeed dhibaato kale u noqonin, isla markaana waxa ay u baahan yihiin ay tahay in la badbaaadiyo oo aan dhib iyo dagaal dambe loo celin. Mar uu ka hadlayay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ku sugan Soomaaliya waxaa uu sheegay in aaney Itoobiya weligeed cag soo dhigin Soomaaliya, hayeeshee ay madaxda Dowladda keeneen, “ 800 sano iyo wax wehliya ayuu dhisan yahay Xamar wixii la soo maray oo gumeysi ahaana Itoobiya cagahooda ma soo dhigin, iyagaana markii la doortay Dalka keenay ,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Garab ka mid ah Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha [...]. Odayaasha Beesha [...], garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa dhawaan waxay kulan kula yeesheen Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo kulankaasina uu ahaa mid lagu dhameynayay mad-madow u dhaxeeyay Odayaasha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu noqday mid ay Dadka Soomaaliyeed farta iyo wadnaha isku hayaan, iyagoo ka baqaya in khilaafkooda uu faraha ka baxo, isla markaana uu sii kordhiyo dhibaatada xasilooni la’aaneed ee haatan ka taagan Soomaaliya. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites