Sign in to follow this  
Liibaan

Riyaale oo Xayiraad ku soo Rogay Xarunta Baarlamanka

Recommended Posts

Liibaan   

Xukuumadda oo Xayiraad ku soo Rogtay Xarunta Baarlamanka

 

Cutubyo boolis ah oo xannibay jidadka, saxaafadda oo laga xarrimay inay foodda geliyaan & Xildhibaannada Guurtida ee Sh. Nuux Horkacayey oo Fadhiga ka Muquurtay iyo weedhihii Saleebaan gulaha ka dhex akhriyey oo Jamhuuriya helay

 

Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa subaxnimadii hore ee Sabtidii xayiraad ku soo rogtay xarunta Baarlamanka Somaliland, isla markaana saxaafadda ka xarrintay inay foodda geliyaaan fadhigii Golaha Guurtida ee shalay oo xambaarsanaaa xasaasiyad iyo xiisad kulul oo ka dhex oogan mudanayaasha Aqalka Odayaasha.

 

Xarunta labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa subaxnimadii hore ee shalay loogu waabariistay jewi xasaasi ah iyo ciidamo tiro badan oo ku wareegsan, isla markaana dhaqaaqa gaadiidka laga xannibay dhammaan jidadka kal duwan ee ku dhow xarunta Baarlamanka.

 

Arrintan oo loo aanaynayo inay salka ku hayso xiisadda ka dhex aloosan Golaha Guurtida, ayaa shalay subax xaaladda ka dhigay mid taagtaagan iyo jewi cakiran, kadib markii ciidammada tiro badan lagu xeeray xarunta Baarlamanka, sidoo kalena waxa la xidhay gebi ahaanba jidadka laamiga, gaar ahaan waddada laamiga ah ee hormara xarunta Madaxtooyada oo labada dhinacba dhaqdhaqaaqa gaadiidka laga xayiray, marka laga reebo baabuurta dawladda, iyadoo guud ahaanba laga joojiyey inay maraan gaadiidka dadweynaha, balse loo oggolaa oo keliya baabuurta dawladda.

 

Sidoo kale, bahda kala duwan ee warbaahinta ayaa laga mamnuucay inay foodda geliyaan Baarlamanka, kuwaasoo tan iyo duhurkii ciidammada ammaanku ku hortaagnaayeen kadinka hore ee xarunta labada gole Baarlaman.

 

Xannibaadda lagu soo rogay xarunta Baarlamanka oo aan si cad loo ogayn sababaha keenay, balse loo aanaynayo in ay ka dambaysay saq iyo baqdin xukuumaddu ka qaadday tallaabooyinka uu qaadi doono Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo Jimcihii dalka ku soo laabtay xilli golihiisu dhex dabbaalanayo khilaaf si weyn u kala qaybiyey, isla markaana uu subaxnimadii hore ee shalay tegay xarunta golaha oo aanay ka soo daahirin badi mudanayaasha muxaafidku, balse u cammirnaa oo keliya xildhibaannada mucaaradka ah ee Guurtida.

 

Sidoo kale, waxa iyagana aan shalay golaha ka soo daahirin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, halka Guddoomiye-ku-xigeenka labaadna intuu golaha galay isla sikinno gudahood kaga baxay.

 

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali oo isagoo dayrka hore ee Baarlamaanka maraya suxufiyiintu wax ka waydiiyeen halkay wax marayaan, ayaa si cadho leh u yidhi; “Golaha ninkii lahaa waakaas ku jira ee orda weydiiya waxaad aniga i weydiinaysaan.” Hadalkaas oo uu ula jeeday Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu subaxnimadii hore ee shalay dhex fadhiistay golaha.

 

Md. Saleebaan oo saacado kadib dibadda uga soo baxay golaha, ayaa isagoo qaar ka mid ah warbaahinta madaxbannaan ugu warramayey gurigiisa, waxa uu sheegay inay wax kasta oo jira wadahadal ku dhammaynayaan, ranaynayana in isfaham ka dhexdhaliyo golaha, haddii cid wax kala tirsanaysaa jirto.

 

Inkasta oo fadhiga shalay ee Golaha Guurtida saxaafadda laga horjoogsaday, ayaa hadana waxa Jamhuuriya u suurto gashay inuu helo codka hadalkii Salaabaan Maxamuud Aadan u jeediyey mudanayaashii madasha fadhiyey, kaasi oo u dhignaa sidan;

 

“Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad waa kii halkan [Golaha Guurtida] ka lahaa, sidaan warbaahinta ka maqlay maamulkayaga ayaa is-haya, annaga ayaa dhexdayada ka soo heshiinayna, goluhuna wuu oggolaaday, anigu taa haddaba ogi, haddaan anigu is-hayno goluhuna wuu qaybsami, golaha qaybsanina ummad ma hagi karo, ilko wadajir ayey wax ku gooyaan. Waxaanna wax qaban kara Gole u midaysan horumarinta dadka iyo dalka, mawaadicda iyo aragtida ha lagu kala duwanaadee.

 

Golaha dadkaa leh, dadkaan u adeegaa, markaa waa in aynu dadkii u adeegnaa, sida aynu iminka galnayna shaqsiyaad iyo qaran ahaan midna u dan maaha, wixii aynu raadinayaa waxa weeye, markii la yidha waxa qaybsan maamulkii aynu wax isla meel dhigno.

 

Rag badan oo markii golaha la soo galay fadhiyey waxay yidhaahdeen Goluhu isma hayo, waa Illaahay mahadii haddii aannu goluhu is hayn oo uu caafimaad qabo, waxaanse leeyahaya wixii aynu kala tabanayno waynu isku sheegi, hawshii qarankana waa inaynu degdeg u galnaa, goluhuna wuu furan yahay, maalin walbana waa la imanayaa, shirguddoonadiina waa inaan doonaa, Xoghayaha Guud waxa uu saaka (shalay subax) igu lahaa Sheekhii (guddoomiye-ku-xigeenka 1aad) wuu xannuunsan yahay, Illaahay ha caafiyo, markaa waxay ila tahay, annaguna waannu is doonani, maanta ilaa caawa (shalay iyo xalay) waa in aannu is helnaa. Wixii turxaan ahna waa inaynu ka saarnaa golaha Ilaahayna waxaan ka baryeyaa inuu saxalka innaga saaro caal baad moodaa inuu ina soo galaye.

 

Abaaro ayaa jira, saddexdeenaa gole khilaafaadka ka dhexeeya ayuun baa ummadda kala qaybinaya, ummaddu ma qaybsami karto haddii ay saddexdaasi is raacaan, ummaddeenana aynu dhowrano oo aynu dhaqano, waxa iga go’an in goluhu ahaado gole wada shaqaynaya oo ujeeddo iyo horumar leh, golayaasha kalena intii awood ah qaybtayda aan ka qaato sidii waxan looga bixi lahaa ee rugta toosan loo qaadi lahaa.”

 

Guddoomiyaha Guurtida oo Xorriyadoodii u soo Celiyey Mudanayaal Ku-xigeenkiisu ka Xayiray Xarunta Golaha

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmi ah shalay xayiraadda uga qaaday afar mudane oo hore Guddoomiye-ku-xigeenkiisa 1aad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre ugu soo rogay xannibaad uu kaga mamnuucay inay foodda geliyaan xarunta Golaha Guurtida badhtamihii toddobaadkan.

 

Sidaa waxa lagu caddeeyey qoraal Guddoomiye Saleebaan shalay u diray Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Jen. Maxamed Saqadhi Dubbad oo uu ku wargeliyey in afarta xildhibaan ee xayiraaddu saarnayd oo kala ah; Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad), Md. Aadan Shire Faarax, Md. Cawil Xuseen iyo Sahal Iidle Dirir ay laga bilaabo isla Sabtidii shalay fasax u yihiin hawlahooda shaqo ee golaha.

 

Qoraalka Guddoomiyaha Guurtidu xorriyadooda ugu soo celiyey xildhibaannada ku-xigeenkiisu ka xayiray xarunta Aqalka Odayaasha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu u qornaa sidan:

 

““Waxaan kugu wargelinayaa in mudanayaasha xayiraadda laga saaray Golaha Guurtida laga qaaday xayiraadii fasaxna ay u yihiin inay soo galaan xarunta Golaha laga bilaabo manta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 16 Jan 2010.

 

Magacyada mudanayaasha Golaha Guurtida

 

1-Cabdillaahi Ibraahim Xirsi

 

2-Aadan Shire Faarax

 

3-Sahal Iidle Dirir

 

4-Cawil Xuseen Axmed.

 

Sidaa darteed, waxaan mar labaad mudane idinku adkaynayaa in mudanayaasha aan laga celin xarunta Golaha Guurtida.”

 

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa Salaasadii toddobaadkan soo saaray qoraal uu ciidammada ammaanka kaga dalbaday in afartaas xildhibaan laga horjoogsado xarunta Guurtida, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay sabab u yihiin khilaaf ba’an oo dhinaca awoodda ah ka dhex qarxay Guddiga Joogtada ah iyo labada guddoomiye-ku-xigeen oo iyagu golaha hoggaaminayey ka hor intii aannu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan dalka ku soo laaban Jimcihii la soo dhaafay, arrintaasoo sababtay in albaabada loo xidho Golaha Guurtida

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this