Sign in to follow this  
Nur

Foolxumo Allaa ii Diiday!

Recommended Posts

Positive   

Magac wanaagsan baad u bixisay markaad tiri 'jihaadka furaashka'. Bi macna ma aha raaxo ee waa hawl. Meel baan ka akhriyey in maraykanku marka dalka Afghanistan ay intel-ka urursanayaan ay ku xod-xotaan ragga dhowrka xaas leh kiniinka hamada kordhiya ee loo yaqaan Viagra. Hal gabar may iska haystaan ayaad is-weydiin kartaa haddii aysan labo iyo ka badan awood u hayn.

 

Wadaadadeennuse hilibka ayey aad u cunaan kaas oo la sheego in uu xaggaas isaguna wax ka taro.

 

Wadaad xer ah oo reer soo martiyey ayaa laga hayaa "lafo buurbuuranley ridu waa belaayee, wankii bari laa belaayada kaa xijaabee Ilaahay maad ka yaabtaan oo na siisaan".

 

Nimco kastaa nusqaan leh ayey soomaalidu ku maah-maahdaa. Koley meesha guurku ku bato furistuna way ku badataa. Dhibaatadeeda ayey leedahay marka gabdhihii wax la dhadhansiiyey bannaanka la dhigo.

 

Markaan ku soo noqdo qodobkii doodeenna, isagaa wax walba oge, Ilaahay ha ina waafajiyo sida khayrku ku jiro.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

loooooooooooool@ Meel baan ka akhriyey in maraykanku marka dalka Afghanistan ay intel-ka urursanayaan ay ku xod-xotaan ragga dhowrka xaas leh kiniinka hamada kordhiya ee loo yaqaan Viagra

 

Hilarious! wallee

 

Wadaaddada Somalia waa educated, caano geel baa waddenkeenna laga helaa. Jahaadka firaashka wa hadba sida loo niyeysto, dhallan fiican dartii baa loo jideeyay guurka ee ma aha sida casriga ah, aniga awoowgay xaas aad u qurxan buu ku furay dhallaan la'aan, kuwa kale labaatameeyo carruura ayey u dhaleen, wadaad lacag leh buu ahaa, tulladuu tagana waa ka guursan jirey, wuxuuna raadsan jirey haweenba tay ka da' yar tahay kana akhlaaq fiican tahay si ay ubad fiican ugu dhasho,

 

Xagga furriinka badan waa wax jira, laakin taasi guur yari daawo u ma aha, saa haddey gabadhu guursato waxaa dhici karta iney nin fiican hesho, haddeyan guursan, waa la hubaa ineyan helayn nin fiican.

 

 

Walaal, Allaha ina waafajiyo tan kheyrka ku jiro, Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay asagoo la hadlaya Nabigiisa Muxammad SAWS: "Haddey ahaan lehayd dan adduun oo gaaban oo la gaadhi karo, ama safar dhow, wey ku raaci lahaayeen..... laakin socdaalkii baa ku dheeraaday"

 

(لو كان عرضاً قريباً وسفراً قاصداً لا تّبعوك ولكن بعدت عليهم الشقّة وسيحلفو& #1606; بالله لو استطعنا لخرجنا معكم يهلكون أنفسهم والله يعلم أنهم لكاذبون)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Fatwada Sharif Nur iyo Sheikh Cumar Faaruuq, waxaa iiga muuqada in aan labadaas Caalim inkastooy yaqaannaan cilmiga sharciga ah, in ayan u caddayn macnaha Dimuqraadiyadda ay u taagan tahay.

 

 

Hadaba , labada Caalim iyo inta kale oo taageertay Dawladda Sheikh Shareef, waxaa ila quman iney hubsadaan meeshay ummadda u horseedayaan iney tahay meel Allah ka raalli yahay.

 

Waxaa u baahan in culimada la weydiiyo, mas-aladahaan:

 

1. Dowladda ma waxaa laguu soo dhisay dhab ahaan sidii tii Cuthmaan Ibnu Caffan,( Siduu Sharif Nur Ku matalay) taasoo haddey xaqqiqo noqoto, fulineysa qaybata hore ee shuruudda ugu horreysa istaagidda dowlad islaam ah oo u baahan in jawaab loo helo sida wax u abaabulmeen ( Al TAKWIIN):

 

A. SIDII BAA LAGU DHISAY DOWLADDA? ( Ma Si Waafqasan Shareecada Islaamka oo amaanadii Allah ka so baxday baa?)

 

B. YAA DHISAY? ( Ma Dad madax bannan, oo cuduul ah ( Lagu wada kalsoon yahay diintooda iyo akhlaaqdooda, sida xataa Mareykanku u daba galaan qofka is sharaxa)

 

C. HALKEE lagu DHISAY? ( Ma waddanka gudihiisa, mise dibeddiisa?) Maxaa u diiday in Dowladda lagu dhiso waddanka gudihiisa haddii cadowgii u dhab ahaan u baxay? ma bannaan tahay sharci ahaan in dad dibedda jooga, oo dibedda kaalmo ka soo helay inay xukunka waddanka sheegtaan ayagoo sheeganaya awood ajnabi iyo ictriraaf caalamai ah? Dawladdu ma wexey u baahan tahay iney iney ku ansaxdo sharciga Allah, mise, Sharciga Axmaarada u Talisa African Union oo aan iska xoreynay?

 

2. Dowladdi Cuthmaan, Siyaadada oo ah mulkiga xaqa ah waxaa lahaa Allah SWT ( Quraanka) iyo Sunnada. Laakin Dastuurka DKMG wuxuu siinyaa Siyaadada Shacabaka Soomalida sida ku qoran hoos:

 

 

QODOBKA 1:1 SIYAADADA DADKA SOOMAALIYEED

 

 

1) Dhamaan awooda siyaddada waxaa leh dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu dhaqmi karaan si toos ah ama si dadban iyagoo u maray wakiiladooda, si waafaqsan Axdiga iyo shuruucda dalka.

 

 

Qodobkani wuxuu siinayaa xaqa sharci dajinta Shacabka, iyo inuu wuxuu doono jideeyo.

 

 

2. Xoriyada ku dhaqanka siyaaddada looma xilsaari karo qof, koox ama dabaqad mana jiro qof iskiis/iskeed isugu xilsaari kara ama fulin kara awood dowladeed oo aan ka soo jeedin Axdiga.

 

Qodobkani, wuxuu ka qaadaya awoodda al amru bil macruuf wal nahyu canil munkar, maa daama ay dowladdu tahay dowlad cilmaani.

 

 

3. Dowladu waxay dhiirigalineysaa Midnimada dadka Soomaaliyeed, horumarinta dhaqanka , hidaha iyo caadooyinka

 

Qodobkani wuxuu ka hor iman doonaa diinta Islaamka, maxaa yeelay hiddaha iyo dhaqanka Somalida qaarkiis waa kii uu Islaamka xarrimay.

 

 

Hadaba, Qofkii moogow ogow, kii ogowna Allah ka cabso.

 

 

War Allah ha laga cabsado Somaliyey, aakhiradiinna ha ku iibinnina adduun dhammanaya.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Culimada Somalida ayaa wexey ka dalbeen Sheikh Shareef inuu wax ka baddalo Axdiga Qaranka lagu dhisayo.

 

Aniga waxaan ku darsan lahaa dalabaadka culimada dhowr qodob.

 

 

1. (SIYAADADA) oo ah Awoodda ka dambeysa sharci dajinta iyo abaabulka Dowlad Somaliyeed, waxaa Leh Allah oo Qudhah, lalamana qaybsan karo.

 

2. Waa inuusan jirin Xeer ama sharci ama fulin siyaasadeed ( Ordinance) ka soo horjeedda Quraanka Iyo Sunnada.

 

3. Dawladdu waa iney u shaqeysaa iney wanaagga umadda u horseeddo, una suuro geliso sidii wanaaggaas lagu gaadhi lahaa. Waana iney shartoo dhan ka hor istagto, ayna howlgeliso sidii loo joojin lahaa inta ay awooddeeda dhan tahay.

 

4. Dowladdu waa iney u howl gashaa sida ay ugu adeegi leheyd shacabka oo ka baahi tirto baahida aasaasiga aha, sida cunnada, tacliinta, caafimaadka (gaar ahaan cudurrada maskaxda gala oo ku dhacay dadka ku waashay dagaallada sokeeye, iyo kuwa bahaloobay sida Warlordska ) iney gargaar siiso agoonta, masaakiinta, dadka la liido iyo kuwa shaqo la'aanta ah ayadoon cidna loo fiirin qabiil, ama deegaan.

 

5. Raciyadda Somaliyeed oo dhan wey u siman yihiin Shareecada horteeda, oo ilaalineysa xaqa raciyadda ay u leedahay nolosha, hantida, xornimada cibaadada, xornimada shaqsiga ah, xornimada dhul marka, xornimada ururro wax hagaajiya, iyo kuwa tijaarada. U sinnaan shaqo helidda, iyo xuquuqda zakada.

 

6.Qof Raciyadda ah looma diidi karo xuquuqdaas kor ku qoran ayadoon maxkamad Shareecada Islaamka ah aan la soo marin. Qofna lama ciqaabi karo asagoon lagu helin dambi soo maray maxkamadda shareecada Islaamka oon qofna u eexanin oon lagu caddeyn Dambi, asagoo la siiyay xaqa inuu is difaaco ama keensado qof gar yaqaan ah oo u dooda.

 

7. Madaxweynaha Somaliya waa inuu Yahay Muslim, Rag, Amaano leh, oon sameynin dambi Weyn uusan ka tawobo keenin, ama Dambi Xuquuqda dadka, oo lagu kasloon yahay, caadil ah, lagu yaqaan inuu Allah ka cabsado, aad u fiirsi badan iyo la tashi intuusan talo goynin.

 

8. Madaweynaha ayaa ugu sarreeya maareynta dawladda, hadduu doonana xilkiisa qaar ka mid ah wuu ku wareejin kara qof kale ama hay'ad uu ku kalsoon yahay.

 

9. Madaxweynuhu asagoo raacaya mabd'a Shuurada waa inuu la tashadaa dadka cilmiga u leh hadba arrrinta u qaraarka ka gaaqrayo, waana inuu sameysta ahlul Xal-wal-Caqd (Xil Dhibaannada) ka koobma Culimada, Ganacsatada, Haweenka (si gaar ah lagala tashado arrimaha haweenka iyo carruurta ku saabsan, si guudna lagala tashado arrimaha bulshada iyo ummadda ay ka mid yihiin) iyo aqoon-yahannada (Technocrats) Somaliyeed oo kulligood ku sofoobay, Taqwo, Cadaalo, iyo akhlaaq wanaagsan,

 

10. Madaxweynuhu xaq u ma laha inuu hor istaago oo uu joojiyo falgalinta sharciyaasha, qayb ka mid aha ama guud ahaanba, asagoon la tashan guddiga Shuurada.

 

11. Dadweynuhu, oo ay matalayaan Ahlul Xalli Wal Caqdi wexey xaq u leeyihiin iney doortaan ama ay cazilaan Madaxweynaha markey arkaan in danta ummaddu ku jirto sodaas.

 

12. Ahlul Xalli Wal Caqd (Xil Dhibaannada ) waxaa soo dooranaya dadweynaha markey Maxkamadda oggolaato iney:

 

A. Maalkooda Ku heleen Xalaal, kana bixiyeen Zakada.

B. Iney Dambi ka galin Ummadda, dambi weyn oo ayan ka tawbo keenin ayan ka gelin Allah.

C. Deyn ama xaq dad ku leeyihiin aan loo hesyan.

D. Lagu yaqaanno, talo wanaag, ka fiirsasho, iyo akhlaaq fiican.

 

13. Madaxweynuha iyo wasiirradiisa iyo Ahlul Xalliga ka ma sarreeyaan sharciga.

 

14.Xubnaha Dawoladda, shaqaalaha dowladda iyo dhamman shacbiga waa isku wada xuquuq, islu saf beyna wada galayaan markey dawladda waxga baahan yihiin iyo markey maxkamadda sharciga soo hor istaagaan.

 

15. Maxaakimta Shareecada waa iney ka madax bannaan tahay xafiiska madaxtooyada iyo qaybaha kale ee Dawladda. Ahlul Xalli Wal Caqdi ayaa Waxey dooranayaan Qaalliyaasha Maxaakimta. Umana baahna inuu Madaxweynaha ansaxiyo.

 

16. Ciidanka booliska wexey hoos imaanayaan Maxkamadaha.

 

17 Militariga wuxuu hoos imaanayaa Madaxweynaha.

 

18. Xeer ama shuruuc ansaxeysa ma jirto haddeyan waafaqsaneyn Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabiga SCWS

 

19.Dowladdu u ma dulqaadaneyso dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda Caqiidada Islaamka iyo jiritaanka Dowladda Somalida

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Marka kowaad Axdiga Qaranka iyo dawladuba waa ku meel gaar. Qorshuhu waxa weeyaan in Dastuur Qaran oo cusub la sameeyo. Dastuurkaas cusub ayaa markaas jidayn doona in dawlad qaran oo rasmi ahi dhisanto. Waqtigan xaadirka ah labo arrimood ayaa ugu muhiimsan in laysku mashquuliyo.1) in dalka laga abuuro xaalad nabadgelyo iyo degganaansho si markaas waqti loogu helo in la qoro Dastuurka cusub aftina loogu qaado. 2) in Dalka loo diyaariyo in doorashooyin xaq ah oo xalaal ahi ay ka dhacaan.

 

In hadda xabad wax lagu raadiyaa labada qodob ee sare ku qoran ayey dib u riixaysaa. Dagaal ka dib arrintu markasta nabadgelyo ayey ku dambaynaysaa. Waqtigan oo dagaal dheer aynu ka soo gudubnay fursadan furan ee nabadgelyada ah in laga faa'iidaysto ayaa waajib ah. Haddii taas hadda la garan waayo waxaa dhici karta in dhaqso loo galo waqti ay adkaan karto in nabadgelyo la abuuro.

 

Caqliga sami waa kan waxa soo socda garta oo markaas si nabadgelyo iyo raxmadi ku jirto ugu diyaargarooba; waxyeeladana ka fogeeya naftiisa iyo gaar ahaan nafaha kale.

 

Tan labaad waa wax jira in Axdigan ku meel gaarka ahi uu lahaan karo qodobo aan diinta waafaqsanayn. Qodobadaas dastuurka cusub ee la qori doono ayaa lagu saxayaa. Fekerka oranaya wax ha laga beddelo axdigan hadda jiraa ma aha mid laga fiirsaday; xalna ma aha in axdigan wax laga beddelo ee waa in lagu meel gaaraa. Ka dibna mid cusub oo inagu aynu qoranay lagu beddelaa.

 

Qolada mucaaridka ahi waa inay gartaan in aan hadda loo bahayn wax baa khaldan iyo halkan baa khaldan waayo khaladaadku way badan yihiin.Wax kastaa waqtigeeda ha sugeen! Hadda waxa loo baahan yahay in xaalad nabadgelyo la abuuro oo markaas: B)Dawladda iyadoo la iskaashanayo loo hawlgalo in laysla meel dhigo ummadda meeshii loo hoggaamin lahaa. T) La isla meel dhigo waxa laga yeelayo Ciidamada ajnebi ee dalka jooga iyo kuwo cusub oo dalka imaan kara. J) Iyadoo laga wada qayb qaadano la sameeyo dastuur cusub loona diyaargaroobo doorashooyin xaq iyo xalaal ah labo sano iyo bar ka dib.

 

Waa muhim wada-tashi iyo is-maqal in aynu yeelano. Qorigana in layska wada dhigo weeyaan oo wada hadal wax lagu xaliyo. Anigu ma garan karo faa'iido ku jirta in aad disho walaalkaa/walaashaa oo diin iyo dalba aad wadaagtaan. Aakhirona ciqaab ayaa lagala kulmi karaa ficilka noocan ah ifka silic iyo saxariir qofka naftiisa ah iyo nafaha dadka kale.

 

Gaar ahaan culimada iyo wax-garadka soomaaliyeed waa in ay dadka ku waaniyaan in dagaal soomaali dhexdeeda ah laga waantoobo. Sidaas waa in aynu yeelna haddii aynu doonayno in diin iyo dal la badbaadiyo.

 

Ilaahay kuwii dantooda garta ha inaga dhigo.

Aamin.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Warkan Waxaa Sheegtay VOA

 

Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa Wafdi ka tirsan DKMG ah oo Shaley Muqdisho ka dhoofey una kicitey Dalka Itoobiya oo uu hogaaminayay Cumar Xaashi, ayaa faah faahino ka bixiyay Socdaalkooda.

 

Cabdi Qeybdiid oo u waramey Idaacada VOA-da Laanteeda Soomaalida la hadasha ayaa ku sheegay Ujeedka Safarkooda ka qeyb galka Xaflad tababar loogu soo xirayo Saraakiil ka mid ah noqonaya Ciidamada Bileyska ee DKMG ah oo Dalka Itoobiya Muddo sanad ah waxbarasho u joogay.“Akademiyada Ciidanka Bileyska Itoobiya, Saraakiil Bileys ah oo Soomaaliyeed oo dhalin ah oo ka qalin jabineysa oo dhameysatey tababarkii Sarkaalnimada Munaasabadaas ayaanu ka qeyb geleynaa”.

 

Waxa kale oo uu sheegay in Saraakiishan oo dhan 30 Sarkaal halkaas la geeyay sanad iyo bar ka hor loona geeyay in Leyli Sarkaal nimo loo soo tababaro, waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan Saraakiil kale oo halkooda waxbarashada ka sii wadaya.

 

Cabdi Qeybiid ayaa sidoo kale sheegay in Ujeedka tegitaankooda Itoobiya qeyb ka tahey sidii mahad celin ugu jeedin lahaayeen Dowlada Itoobiya guud ahaan Gaar ahaa Ciidanka Bileyska, kaalinta weyn ee ay ka qaateen sida ay uga gacan siiyeen tababarada dhinaca Ciidamada, sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhanka kale Safarkoodan Itoobiya ku tageen ayuu sheegay inuu qeyb ka yahey Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya iyaga iyo Itoobiya, lugna aanu ku laheyn faragelin Shisheeye oo Itoobiya wali ku heyso arimaha Soomaaliya, dhanka kalena ayna mudneyn shacabka Soomaaliyeed qeybhiisa kale inay ka muujiyaan Didmo.

 

Waxa kale oo uu intaa ku darey, Maadaama Soomaaliya ay tahey Dal bur burey cid walba gacan kaalmo u fudineysa Inay soo dhaweynayaan oo ayna ku eekeen oo keliya Itoobiya, ayna jiraan wadamo kale oo tababaro u fidiyay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Arrintan maamulkan dawladeed ee hadda jooga u gaar ma aha ee waxay muujinaysaa qaran-jabka dhacay. Ku dhowaad laabatankii sano ee aynu dagaalka gudaheenna ah ku jiray natiijo ka dhalatay baan u arkaa. Dadka qaarkood waxay ku qiyaasaan in aynu 300 oo sano dib u celinay hab-dhismeedkeenna dawladeed iyo caafimaadka bulsho hanan karta maamul dhexe oo caddaalad ku hoggaamin kara iyaduna ay kalsooni siin karto.

 

Marka hore hal shuruud haddii aynu buuxino waxan iyo wax la mid ah waynu ka gudbi karnaa. Shuruudu waxaa weeye in muqaalufo aan liicin oo Soomaalida dhexdeeda ah la helo. Marka taas la helo kadib wixii dadka iyo dalka u dan ahna lagu dhaqaaqo ayaad qosli kartaa. Haddii kale qofkii diin, qarannimo, dad iyo dal dani ka hayso waa u oohin.

 

Ilaahay laabteenna burcad ha isu keen mariyo.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Muqaalufo ayey dooni

 

Mar baan arkay qab-qable dagaal

oo afar gaari iyo afartan

dhallinyaro ah wata afar silsiladood

oo rasaas ahna ku jeeni-qaaran. “ afarta

Reer Cali, Cidla-jiife iyo Wax-iskama-

celiye waa caawa meesha ay galaan”

ayuu ku cel-celinayey isagoo caraysan.

 

Waxan is-weydiiyey afartankan uu

wato iyo afartan kale hadday

dhintaan muxuu faa’iiday? Maslaxo

iyo maraanmarse ma garan waayey?

 

Muqaalufo ayey dooni ee muu garto

ayaan is-iri!

 

Mar baan waxaan arkay wadaad

surwaal gaab ah oo agab dagaal

sita,indhahana gaduudka aad moodo

in uusan afar maalmood tukan. “Afartaa

magaalo iyo afarta ka dambeeya waa

in aan qabsanaa oo kuwii Ahlu Takfiirku

aysan ku tukan” ayuu ku cel-celinayey

isagoo caraysan.

 

Waxan is-weydiiyey ninkanu sidan

uu ugu heelan yahay dagaalka hadduu

ugu hagar la’aan lahaa xasuusta Alle

iyo cibaadadiisa arrinni side bay noqon

lahayd? Naxariis Alle iyo nimco in laga

dhergo ayey u badnaan lahayd ayaan

is-iri.

 

Muqaalufo xasuusta Alle lagu oogo ayey

dooni ee muu garto ayaan is-iri!.

 

Mar baan waxaan arkay nin xildhibaan ah

oo kabahiisii midna gashan midna degta ku

sita.” Eray Macaane, Awliyo sheegte iyo Ilma

Waranle waa in aysan xukunka u soo dhowaan

oo laga horjoogsadaa” ayuu ku cel-celinayey

isagoo caraysan.

 

Waxaan is-weydiiyey cantafuude ma

wuusan fahmin in marka ay nabadi jirto

arladu wada nimco iyo jago

tahay ? Hadduuse meesha xoog ku haysto

sow mid kale oo xoog wax ku dooni

imaan mayo?

 

Alla ninkan iyo kuwa kale muqaalufo yaa

u sheega ayaan is-iri!

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Xiin.

 

Waxaan kaa dalbayaa inaad akhriso mar labaad qoraalkan, oo ah mid aan waqti badan ku bixiyay qoraalkiisa iyo isku duwiddisa uguna talagalay si gaar ah arrimaha aad ka sharqamisay.

 

 

Akhi, markaad akhriso waxaan qorey, sidee baad u aragtaa qoraalka, iyo Sifada ay leedahay Dawladda TFG?

 

 

Haddaan labadeennu xaqdoon nahay, shaki ku ma jiro inaan isu keeni doonno wixii dan ah oo xikmad ku jirto, laakin, diinta cilmi qoto dheer bey u baahan tahay, hadaba saanta yara gaabi si aan dhagax wlaba u rogno oon waxa ku hoos jira usoo saarro.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maashaa Allah, Qoraalkan aad ayaan ugu bogay, sida Sh. Nur & Positive -oo ra'yiga ku kula duwan isula wada hadlaan ayaa tusaale wanaagsan ah, haddii sidan oo kale dad badan oo halkan ka dooda adeegsan lahaayeen sow ma fiicnaateen?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nur:

Walaal Xiin.

 

Waxaan kaa dalbayaa inaad akhriso mar labaad qoraalkan, oo ah mid aan waqti badan ku bixiyay qoraalkiisa iyo isku duwiddisa uguna talagalay si gaar ah arrimaha aad ka sharqamisay.

 

 

Akhi, markaad akhriso waxaan qorey, sidee baad u aragtaa qoraalka, iyo Sifada ay leedahay Dawladda TFG?

 

 

Haddaan labadeennu xaqdoon nahay, shaki ku ma jiro inaan isu keeni doonno wixii dan ah oo xikmad ku jirto, laakin, diinta cilmi qoto dheer bey u baahan tahay, hadaba saanta yara gaabi si aan dhagax wlaba u rogno oon waxa ku hoos jira usoo saarro.

 

 

Nur

Nuurow horaan u aqriyey, hadanna codsigaagi aawadii baan ugu laabtay oo isha u mariyey. Waxaa tahay nin waacith ah, oo jecel inay diintu sara marto,taana naa marqaati kaaga ah.

 

Intii dhowr asbuuc ah waxaan u guntaday bal inaan helo cid si waadix ah oo mugti ku jirin ugu dhiirrata in sharif gaal ilaahay ka furtay oo dhiiggiisu xalaal yahay uu yahay, cid xiwaar igala gasha sababta keentay in nin ilaah lihi oo aakhiro ka danbeyso uu umad dhan ka aragti duwan uu riddah ugu yeero, oo dagaal ku iclaamiyyo asagoon haba yaraatee cawaaqibteeda diiniga ah aan aad u dhuuxin. Raggii brother Caddow lahaa iskama dhimman oo maaha oo keliyya inay ku dhinteen dagaal sokkeeyye ee waxaa wehliyya in loo dilay inay dawlad ridda ah u shaqeeyyaan. Warlordskii waa danbiilayaal ee goor may noqdeen gaalo. Ninkii ku khilaafa hadduu gaal noqdo oo dhiiggiisu ku bannaanaado ma fidna ka weyn baa jirta?

 

walaal, usuusha islaam ka eed sida quruxda badan uga hadashay yaa ilaaliyya maanta? wiilal bela ah oo dagaalka ku faana, oo geesiyaala oon boqol ka waaban cid walba iyo reer walba oo soomaali ah waa laga helaa. Waxa alshabaab kaga duwanyihiin kuwaa soo sheegashada ay diinta sheegteen maaha? siyaasadba ha joogtee, ightiyaalka, isqarxinta, laynta, iyo magaalooyin amni ah la wareegood for strategic reasons, goormay noqotay difaaca sharciga islaamka? dalka, ilaah ka sakow, horta yaa leh, ma koox, mise kooxo? hadday dadkala aragti duwan oo muslim ahi dalka wada lee yihiin yaa koox gaara siiyey awooda ay siyaado ku sheeganayso? maxaa kaliffay in 5000 oo AMISOM ka socda dartood dhowr boqol oo kun oo somali ihi u qaxaan maanta guryahoodii iyo dalkoodiina bahalladu ka ciyyaan? xikmadda ku jirta in wax wada hadal lagu heli karo [waa bixidda ciidamada shisheeyyee] qori caaraddi lagu raadiyyo bal maxay tahay?

 

War taariikhda miyaadan aqrin, oodan arag in tadariijka, iyo xikmaddu ka sarreyso muruq ku faanka iyo hawada beenta ah ee lagu fitnoobo? Hadduu sh. Umul sheekh ka yahay, ku ganacsan karo, ku dhiiran karo inuu wax ka wacdiyyo Kenya [waa beled masiixi ah e] asuusan Kismayyo tegi karin oo naftiisa uga baqoyyo, bal ii sheeg waxa nuura ee kujira ?

 

Wax walba waxbaa ka horreeya ee bal fasir waxa laga wado dawlah riddah, multazimaadkeeda diiniga ah ee aad garanayso? Sharif waa gaal, Faroole waa gaal, Riyaalana waa gaal, miyyaad rabtaa in sharci islaami ah lagu ilaaliyyo, oo diinta loogu hiiliyyo?

 

Waa fitna cad, oo shidaalkeedu yahay ciil qab, iyo caro. Waa aano iyo aarsi. Waa wixii ina rag yeeli jirey markuu rag iska dhicinayyo. Diinse maaha oo ma taaban, kama muuqatto oo laguma oga.

 

Tani ducay leedahay ee difaac ma leh ya Nur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhi al xabib, I am multi tasking as I write this piece and your questions are always very rich and require thoughtful responses, inshallah, I will respond soon, please be patient with me.

 

Akhuukum

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this