Sign in to follow this  
Nur

Foolxumo Allaa ii Diiday!

Recommended Posts

Nur   

...........................Fadhi xumana, anigaa isu diiday!

 

Walaalayaal!

 

Dhacdooyinka maanta ka dhacaya waddankeena wa kuwo geli doona taarikhda ummaddeena, ummad Allah u kulmiyay kheyraatka dunida, iyo barakooyinka cirka marku Allah nagu mannadeystay inuu Islaam diin nooga yeelay.

 

Haseyeeshee nicmooyinkii Allah na siiyay, waaanu hanan weyenay, hanti jeceyl, kibir , qabyaalad iyo foolxumo badan ayaa laga doorbiday, wanaaggii Allah uu noo soo fidiyay oo ahaa inaan raalli ku noqonno, kuna sabarno inuu isaga oo qudha noo noqdo kaan hoos imaneynay, ka qaadaneynay habka toosan oon ku wada dhaqanno oo u noo soo dajiyay, waann ka madax adeegnay, habkaasoo haddii siduu yahay aan u raaci leheyn balada na dulsaaran ey dhakhso naga kici leheyd..

 

 

Maanta, waxaannu taagan nahay isgoys taariikheed, dhinacaan u dhaqaaqnana waxaa ka muuqda dhib iyo dheef, haddaan dheefta hormarsanno, dhib baa noo dambeyn doona, hadaan dhibka u bareernana, waxaa dhab ah in dheefi ka dambeyn doonto, gaar ahaan, markaan xasuusanno sababta aan dhibka ugu bareereyno iney tahay raalligalinta Allah SWT oo raalli nooga noqday inaan hoos imaanno maamulkiisa sare ee ku saleysan shareecadiisa.

 

Hadaba aan is weydiinno, Shareecada Islaamka, maxey u taagan tahay lana macna tahay?

 

Dhab ahaantii, ereyga Shareecada, oo ah erey Carbeed, wuxuu la macna yahay, ( Dariiq ) la raaco oo lagu gaadho meel loo socdo. Waxaa hadaba is weydiin leh, helkeen u soconnaa haddaan nahay ummad Sommaliyeed?

 

Haddaanan ku heshiin meeshaan u soconno, ummad ahaan, waxan marna laga yaabin inaan isku dariiq qaadno, saa waddada aan mareyno wexey ku xiran tahay meeshaan ku soconno.

 

Dariiqa ama waddada aan mareyno waa tii na gaarsiin laheyd danta uu Allah ka lahaa uunkeenna, hadaba ummaduhu, ilaa waaguu Allah uumay Adam caleyhi salaam wexey kala dooran jireen iney qaadaan dariiqii Allah gaadhsiin lahaa ama dariiqii ka fogeyn laaa Rabigooda, iyo barbaariyahhoda. Siduu Allah yidhi " Waxaannu ( Adamiga) ku hagnay labada dariiq midkood"

 

Taariikhdii Ummadihii tagay waxuu Quraanka nooga soo sheegay iney dariiqyo kala duwan ey kala qaadaan, haseyeeshee dariiq walba wuxuu ahaa mid ku socdaa meeshuu kii jeexay uu la doonayay inuu dadka gaadhsiiyo. Dariiqa Admigu uu jeexdana wwaa lagu lumi jirey, kan Allahna waa lagu guuleysan jirey.

 

Sidaa awgeed , qofkii qaada tubta Allah oo lagu nabad galo, ( Subul As Salaam), wuu nabad galaa, qofkii ka weecdana tubtaas, wuu habaabaa.

 

Ummad walibana waxaa loo soo diray Rasuul, Haddan Somali nahayna, Allah wuxuu nagu galladaystay inuu noo soo diray Rasuulkii ugu dambeeyay oo ugu fadli badnaa Rususha, kuna sifoobay naxariis badan inuu u leeyahay ummaddisa, taasoo ay ka muuqato Shareecada ama dariiqa sahlan ee uu noo jeexay, Shareeco aan dhib ama kadeed laheyn raaciddeeda, oo daba taalla dardaarankii Allah uu la dardaarmay ummadihii Nuux iyo Ibraahim, oo aheyd in la oogo dhaqank hoos yimaadda Allah ( Diin), oo aan lagu kala tagin dhaqankaas, maxaa yeelay, Allah oo qudha buu ka soo dagayee.

 

Ummaddeennu, Sida umadaha kale oo Allah uumay, wuxuu naga yeelay ummad Somali ah, kana duwan umadaha kale, wexeyna ummaddeenna ka kooban tahay, beelo, iyo qoysyo, is yaqaan, kuwaasoo danta uu Allah ka lahaa uunkooda ay eheyd si la isu barto, la isuna haybsado, dabadeedna, la isugu kaalmeysto wanaagga iyo fidinta kheyrka, u gargaarka kuwa liita, baahi tiridda kuwa gaajeysan, iyo ka wada hortagga sharta.

 

Markey noo caddaatay sababta uu Allah umadaha u uumay, haddana uu nooga yeelay beelo iyo qoysyo is yaqaan, haddana Allah na faray inaan isu kaalmeysanno wanaagga, nagana reebay inaan isu kaalmeysanno colaadda iyo falidda dambiga, waxaa noo caddaanaya danta uu Allah ka lahaa ummadddeenna iyo beelaheenna ay aheyd in wanaag dhexdeenna uu jiro, iyo is jeceyl. Dantaas wexey aheyd mid ka weyn danaha gaarka ah ee uu yeelan karo qof, ama qoys, ama beel, maxaa yeelay waxaa qasadku ahaa in ay ummaddeennu u jirto siday Allah ugu hogaaanami laheyd, taasoo ah sababtii uunkoo dhan loo abuuray, siduu Allah yiri, " Uma aanan uumin Jinniga iyo aadamiga sabab aan aheyn iney ii hoggaansamaan ( caabudaan)"

 

Sidaa awgeed bey Shareecaddu ku noqotay waddadii loo mari lahaa hoggaansanaantii Allah, maxaa yeelay, Shareecaddu waa mid Nadaam u dajisa

 

1. Nafta Adamiga dhowriddeeda

2. Hantida iyo maalka dhowriddiisa

3. Sharafka Dhowriddiisa

4. Dhallaanka , ( Nasliga) dhowriddisa

5. Diinta Dowriddeeda ( oo kulligood dhowreysa)

 

 

Shareecada ama waddada loo maro hoggansanaanta Allah, waa nadaamka ugu sarreya ifka, waana kan aakhiro lagu guuleysto hadba intaan ka raacnay, darajooyinka Jannada ugu sarreya waxaa mudan kuwa rumeeyay Allah oo ay ku muuqatay rumeyntooda raacitaankooda Shareecada Allah uu noogu soo dhiibay Suubbanihii Muxammad SASWS. maxaa yeelay, Shareecada waxaa dajiya kan iska leh ifka, aakhiro iyo uunkoo dhan, oo soo faray nabiyaal badan, iney dadku Rabbigooda ay hoggansamaan.

 

Hadaba, maxaa dadkii ka hortaagan iney Shareecadda Allah oo qura raacaan.

 

1. Allah on si dhab ah loo rumeyn, ama aan dheg loo dhigin digniintiisa.

2. Jeceyl adduun laga jeclaado aakhiro.

3. Kibir la iskala weynaado addoonimada Allah, oo lagu gacan sayro in la raaco shareecadiisa.

Kibirku dhowr cudur buu dhalaa, oo ah:

a. Dhaga adeyg ( Juxuud)

b. Is moojin ( Icraad)

 

 

Bal aannu is weydiinno, Sidee Allah ku sare mari karaa hadaan sharcigiisa la sare marin?

 

Ma nagu jiraa kibir aan iskala weynahay inaan raalli ku noqonno xukunka Allah oo ah Shareecadiisa, mise waxaan u aragnaa sida ay gaalada Allah iyo Rasuulkisa aan rumeysneyn, in Shareecaddu ay tahay wax xun ama aan cadaalad ku dhisneyn?

 

Haddaan ka shakinno in Shareecadda islaamku ayan cadaalad aheyn, kulligeed ama qaybo ka mid ah, Muslim-nimo ma ku jirnaa?

 

Yaa Allah addoontiisa uga naxariis badan oo cadaalad fuliyah?

 

 

Allah wuxuu na leeyahay:

 

( Kuwii Allah rumeeyayoow, Allah iska Jira, iskana dhowra Ciqaabtiisa hana dhimanina idinkoon Muslim aheyn)

 

(Kuwii Allah SWT rumeeyayoow, Allah SWT iska jira, hadal qurxan oo fiicanna ku hadla, (Allah SWT) wuu idiin hagaajin waxaad qabataan, wuuna idiin cafin dunuubtiinna, qofkii Allah iyo Rasuulkiisa addeecana , qofkaasi, wuxuu guuleystay guul weyn)

 

(Kuwii Allah aaminayoow, iska jira Rabbigiinna idinka uumay naf qura, naftaasna ka uumay xaaskeedii, labadaas nafna ka dhaliyey rag iyo haween badan, Iskana jira Allah , kaad dartiis isku heybsataan dartiisna aad xidid ku noqotaan , SWT wuxuu ahaa mid mar walba idinka warhaya)

 

( Waxaannu idinka yeelnay ummado iyo beelo, si aad isu barataan, waxaase Allah miisaankiisa u karaamo badan, hadba kuwiinna Allah uga cabsida badan (oo iska xijiya caradiisa, daacaddiisa))

 

Allah wuxuu ku leeyahay suuratul (Al maidah 14 – 16)

 

Allah SWT wa tacaalaa wuxuu na xasuusinayaa inaanan ku dhicin bohoshey ku dhaceen ummadihii hore, umadihii ka weecday nabiyaashoodii dariiqay u tilmaameen, sida ummadda Kirishtaanka ah iyo Yuhuudda.

 

" Qaar ka mid ah kuwii yiri waxaan nahay kirishtaan, waxaannu kula heshiinnay ballantoodii ( In Allah Shareecaddiisa ay raacaan), markaas bey ilaaween qayb ka mid ah wixii la xasuusiyey ( oo lagula ballamay), markaas baan isku dirney ( dhax dhigney cadaawo badan iyo isneceyb) ilaa maalinka qiyaamaha, Allhana wuu u sheegi doonaa wexey ku kala tageen" Ahul kitaaboow waxaa idiin yimid rasuulkeenna oo idinn caddeeynaya wax badan o ka mid ah kitaabka ood qarin jirteen, (dambi badanna idin ka cafinaya) . Dhinaca Allah waxaa idinka soo gaaray nuur iyo kitaab wax kala saara. Oo uu Allah ku hanuuniyo qofkii raaca wuxuu raalli ka yahay waddooyinka lagu nabad galo, idinkiisana uga saara mugdiyaasha una saara iftiinka, kuna hanuuniya waddada toosan"

 

Sidaa darteed, qofkii nuurkaas naloo soo dajiyey raaca wuxuu la mid yahay qof heysta iftiin Allah SWT ka yimid agtiisa qofkii diidana ama ka weecda nuurkaas wuxuu la mid yahay qof mugdi ku jira.

 

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa arrin la isku waafaqsan yahay, taasoo ah in ka nabad galka laga fakanayo naarta maalinka qiyaame ay ku xaqiiqoobeyso in lala yimaaddo isdhiibid (islaam) muuqata iyo isdhiibidda qalbiga ee laabta ku qarsoon,

 

Labadaas shardi oo keensanayaa in loo hoggaansamo Allah SWT ka saremaray nuqsaan, lana adeeco rasuulkiisa loo soo direy naxariista caalamiinta darteed oo ku oogaya xujo khalqiga in Allah SWT uu u digay una bishaareeyay khalqigiisa.

 

Guusha aakhiro, Allah SWT wuxuu kuu xiray Islaannimada qalbiga iyo tan muuqata markuu yiri ( Qofkii doorbida waxaan Islaam aheyn inuu dahaqan ka dhigto (diin), laga aqbali maayo, aakhirana wuxuu ka mid noqonayaa kuwa khasaarey) Suuratul Al cimraan

 

Rasuulka Allah SWT SCWS aayaddaas wuxuu ku sugay markuu xadiithkan, ( Naf aan muslim aheyn jannada ma gasho) waxaa wariyey Axmed, dabaraani, bazzaaz, Imaam Bukhaari wuxuu wariyey (Jannada ma galo qofaan mumin aheyn)

 

Nabad galka dunidana wuxuu ku xirantahay Islaannimada muuqata, maxaa yeelay dhowridda dhiigga iyo maalka wexey ku xiran yihiin Isudhiibidda la isu dhiibo Allah SWT (Islaam) oo muuqata, iyo xaqa islaamka uu ku yeesho labadaas, ha noqoto naf loo dilo naf darteed, ama xaqa Allah oo maalka laga bixiyo. Waxaa marka laazim noqotay in qof walboo raba inuu Allah raalli ka noqdo inuu ku dadaalo siduu u xaqiijin lahaa inuu ku sugan yahay milladii nabi Muxammad SCWS.

 

Waxaa kaloo ognahay in Islaannimada qofka ayan sugnaan karin haduusan ku dhex nooleyn Muslimiin ay isla oogaan Shacaairta sida : (Salaat, Soon etc) iyo Shareecada oo ah Axkaamta kala saarta dadka markey is khilaafaan iyo tan sugta xuquuqda Allah addoontiisa uu ku leeyahay, Taasna waxaa daliil u ah Sunnada nabigeenna SCWS uu noo sunneyay hijradiisii uu ka haajirey Maka, oo uu u haajirey Madina si uu u oogo Hab nololeed oo ku dhisan addoonnimada ALLAH.

 

 

Arrinta Xukunka iyo Shareecada dajinteeda waa arrimaha ugu muhimsan, aasaaskana u ah mujtamac muslim ah istaagiddiisa.

 

Arrintaani wa mid laga maarmaan u ah jiriddah Mujtamac Muslim ah oo taladiisoo dhan ay ku saleysan tahay addoonnimada Allah SWT. Addoonnimadana waa masalo u gaar ah Allah SWT oo qura, sidaas darteed, ku gaar yeeliddaa Allah SWT in asaga oo qura laga qaato sharciga waa ku gaaryeelid lagu gaaryeelay addoonnimo iyo hoggaansanaan.

 

Ku xukumka shareecadaha waxaa ka dhasha xuquuq iyo waajibaad ay addoontu ayaga isku leeyihiin, iyo mid uu Allah SWT addoontiisa ku leeyahay. Waxaa kaloo ka dhasha xarigga isbaheysiga isku xira muminiinta iyo kan baraa'adda laga barii noqonaayo cadowga Allah SWT. Kuwaasoo ah tiirarka ay ku qottonto caqiidada Islaamka.

 

Caqiidadda Islaamka exey ku qotonta Kalimadda Shahaadateynka ee ah:

 

Ma jiro ilaah aan Allah eheyn, Maxamedna waa Rasuulkiisii.

 

Aqbalidda kalimaddaas waxaa ka dhalanaya:

 

1. Xidhiidh Addoonta iyo Allah ay leeyihiin ( Cibaadah/ addoonimo)

2. Xidhiidh ay Addoonta dhaxdooda leeyihiin (Wilaayah/Is-baheysi)

 

Qaybta hore, waa xidhiidh ka dhexeeya addoonta iyo Rabbigooda kaasoo ah labo qaybood.

 

A. Wax Allah ka soo fula, oo ku fula addoontiisa

B. Wax Addonta ka soo fula, oo Allah ku dhammaada

 

A. Wax Allah ka soo fula, oo ku fula addoontiisa :

 

1. Farriimo. ( Quraan & Sunnah)

i. Wax nala faray inaan sameyno

ii. Wax nalaga reebay inaan sameyno

Labadaas ayey ka koobantahay Shareecada la raaco.

 

2. Akhbaar

i. Xaalka abuurkeenna, umadihii hore , aakhiro iwm

 

B. Wax Addoonta ka soo fula, oo Allah ku dhammaada.

 

1. Jaceylka/Cabsida/Rajada/wakiil yeelashada iwm.

2. Mahadnaqa

3. Baryada

4. Ducada

5. Cibaadada oo dhan.

 

Qaybta Labaad waa xidhiidhka ay addoonta Allah dhexdooda leeyihiin, taasoo ku dhisan iney Allah dartii ku walaaloobaan iskuna baheystaan.

 

Wilaaya waa eray carbeed macnihiiso yahay inaad dadka kala doorato ood la jirto hadba kii kuu nafci badan. Diinta Allah ayaa ugu nafci badan wax la raaco, sidaa darteed Allah wuxuu Muslimiinta faray iney isku baheystaan iney ku walaaloobeen diinta Allah, oo marna ayan isku baheysan (wilaaya) qabiil, ama dhiig dartii, inkastoo haddana Allah na faray inaan xariirinno qaraabada annagoon ka hor marineynin jeceylka qaraabadeenna kan Allah iyo u gargaarka diintiisa.

 

Qofkii ka yeeshaa gargaarayaal qolo Allah cadow u ah, waxaa qiyaamaha lala soo saaraa qoladuu jeclaa uu la jiray ama dartooda u dagaallamay, maalkiisa u huray ama u dhintay dartooda.

 

Sidaa darteed waa in loo foojignaado in kalimadda shahaadateynku ayan qofna anfaceyn hadduusan labada qaybood la wada iman:

 

1. Addoonnimo Allah oo dhab ah, oo iskala weyn iney addoon u noqoto qolo kale.

 

2. Is-baheysi uu dadka ku baheysto Allah Dartii oo qura.

 

Kalimadda Shahaadateynku wexey na leedahay:

 

Waa in Meel qudha aad wax ka qaadataaan, meel qudhahna waa inaad ula jeesataaan xaajadiinna oo dhan. Indinkoo raacayaa waddadii ( Shareeacadii) uu idiin jideeyay Suubbanihii Muxammad SAWS.

 

Meesha qudha oo na la faray inaan wax ka qaadanno waa Allah, oo noo so dajiyay Kitaab Quraan ah oo ay ku jirto Shareecadii Rabbigeenna noo jideeyay, oo ay fasireyso Suunnadii carfooneyd ee Nabigeenna Muxammad SAWS

 

Allah SWT wuxuu leeyahy markuu Shareecada raaciddeeda ka hadlay:

 

" Haddaad wax is ku qabsataan, garnaq ugu taga Allah iyo Rasuulka ( SAWS)" taasoo macneheedu yahay, Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnadii Nabi Maxamed SAWS oo aheyd muraayaddii fasiresysa Quraanka sidii ay Hooyadeen Caaisha soo warisay akhlaaqda Rasuulka SAWS ooy ku tilmaanta " Akhlaaqdiisu wexey aheyd tan Quraanka ( Ku taalla)"

 

 

Hadaba, meesha wax laga qaadanayo hadduu Allah yahay, waxa la qaadanayo waa Shareecadiisa oo qudha.

 

Haddaan diidno inaan Shareecadiisa qaadanno, waxaa iga su'aal ah, adoontiisii ma nahay, mise waxaan addoon u nahah meeshaan ka qaadanno qaanuunka aan ku noolnaha?

 

 

Qoraalka soo socda:

 

 

Ugu Sarreynta Shareecada. ( Sovreignty of Sharia)

 

Sidaan hore u soo macneynay, Shareecadda waa Dariiq la maro oo nadaamiya nolosha dadka oo uu Alllah noo soo dajiyey si aan u raacno taasoo uu xaq ugu yeeshay inuu yahay kii na uumay, oo dunida oo dhan lahaa. Haddey nolosheenn tahay magaalo, Shareecadda Allah waa dariiqyadii la marayay oo dadka kala ilaalinayey si ayan isugu dhicin si uu qof walba u gaadho meeshii loo wada socday oo aheyd hoos imaashaha Allah ( Cibaado)

 

Laakin, dadkoo dhan raalli ku ma noqon Shareecadda Allah, qaarkoodna ma rumeynin Allah, umana hoggaansana, sidaa awgeed Shareecadda banii Aadamka uu dajistay waxaa loo yaqaan magacyo kala duwan:

 

Waddamada Ingiriiska ku hadla waxaa loo yaqaan ( LAW), Talyaanigana ( Legge ), Carabtana ( Qaanuun)

 

Shareecadeenna Islaamka wexey ku tiirsan iney ka soo fushay Allah oo ah kii soo jideeyay. Gaar ahaanna Quraanka iyo Sunnada Rasuulkiisa SAWS. Allah wuxuu ku sifoobay inuu yahay SAMAD, macnaha ugu dhowna waa madax bannaani ama ( SOVEREIGN) wax walba isaga ayey ku tiirsan yihiin, isaguna meelna kuma tiirsana.

 

Qawaaniinta Bashariga ah oon soo sheegnay, wexey ku tiirsan yihiin wax heshiis dadku ku heshiiyeen oo loo yaqaan DASTUUR, kaasoo ka qaadanaya ansaxiddiisa dadweynaha oo isu yeelay sifadda madax bannaanidda ay ka madax bannaan yihiin in aan looga sarreynin waddankooda, taasoo loo yaqaan ( SOVREIGNTY) ama sidaan soo sheegnay ( SAMAD).

 

Hadaba, halkey ka timid in dadweynaha ay xaq u yeeshaan iney DASTUURKa ay ku heshiiyeen, u ka sare maro Quraanka uu soo dajiyey Allah SWT?

 

Kalimadda Dimuqraadiyadda loo yaqaan waa fikrad ka dhalatay in laga qaado madax bannaanida ( Sovreignty) boqorrada iyo baadariyaashii Yurub oo dadka gumeysan jirey , oona sheegan jirey iney yihiin hooskii ( Hadhkii) Allah ee adduunka, oo dadweynaha la siiyo xaqaas.

 

Kalimadda DEMOCRACY wexey ka kooban tahay labo kalmadood oo Greek ah, Demo ( Shacabka) iyo Cracy ( Xukunka), sidaasoo kale REPUBLIC oo iyana ah Latin, wexey ka kooban tahay RE ( Boqor) iyo PUBLIC ( Shacabka). Labada macno wexey sinayaan madax bannaanida Shacabka wexeyna ka qaadeen Boqorradii iyo baadariyaashii Yurub.

 

Hadaba, markii aan ka tagnay Shareecaddii Allah, oon nafteennii duudsinnay ( is dulannay) ayaa Reer Yurub nalugu soo salladay oo ay na gumeysteen, ayagoo noo keenay wax walba ooy aaminsanaayeen, taasoo ay ka mid tahay Democracy, ah inaan Allah ka hoos baxno, oo uu shacabka xaq u yeesho inuu banneysto wuxuu dan u moodo asagoon looga sarreyn taladiisa.

 

Marka, waxaan is weydiineynaa Xukunka ma Shacabka ayaa leh mise kii Shacabka uumay?

 

Si aan jawaab ugu hello su'aashaas waxaan u baahan nahay inaan is la garanno macnaha qottada dheer ee kalimadda " SOVEREIGNTY"

 

Sidaan hore u soo sheegnay, eraygan waxaa ugu macne dhow erayga ah SAMAD ee ku jira Quraanka, Surah Ikhlaas, haddaan af ingiriis ku fasirno macneheedu waa "supreme authority within a territory" af Somaligana aan ku fasiri karno " Awood xaq u leh in amarkeeda la adeeco taasoo iskeed u taagan oon looga sarreyn soohdin dhul calaameysan"

 

Macnahaas waxaa nooga soo baxaya dhowr macne:

 

1. Awood aan laga sarreyn.

2. Iskeed u taagan oon meelna ku tiirsaneyn

3. Awood xaq u leh in la adeeco, laguna adeeco si qasab aha wax walboo ay damacdo haba ahaato wax la diiddan yahay, awood aan la celin karin.

4. Awood amarkeedu ku fulo dhulkeeda.

 

Dawladaha galbeedka ayaa qarnigii 16naad soo shaacbixiyay ereygaan oo ahaa in awoodda boqorrada iyo baadariyaasha ay sheegan jireen la siiyo shacabka ku nool soohdinmo dhulalka ay ku noolyihiin. Arrintaas wexey keentay in qofkii awood xooga ah leh, soohdin dhul ahna calaameysan kara, awoodna u leh inuu ilaashado dhulkaas taladiisuna ay ku fusho soohdintaas, in loo aqbalo inuu yahay SOVEREIGN ama SAMAD.

 

Erayga Sovereign wexey reer galbeedku siyyeen sifaadka hoos ku qoran:

 

1.( Absoluteness), taasoo macneheedu yahay in qofka Sovereign ka ah usan qaanuun qabanin, saa isaga ayaa qaanuunka dajiyee, qaanuunkuna maba ansaxo hadduusan isaga soo oggolaan. Qaanuunku rabo wuu jabin karaa, baddali karaa, mana jiro qof hor ka hor istaagi kara wuxuu damco.

 

2. Saremar ( Sare-Mar), awood u dhiganta ama awood ka sarreysa ma jirto, Isaga lama xukumi karo, lamana su'aali karo laakin isaga ayaa inta hoos imaata su'aali kara.

 

3. Midnimo, awooddaas waa mid qudha, labo awood ma wada qaybsan karaan hal soohdin oo dhul ah. Maxaa yeelay haddii labo awood ay kala bixiyaan labo amar oo iska soo horjeeda, fasaad ayaa dhacaya.

 

4. Asalnimo: oo macneheedu yahay in awooddan saremartay ayan ka soo qaadan awooddeeda meel kale oo ka horreysay ama ka sarreysa, oo iskeed ay ula timid cidna ayan u heyn abaal.

 

5. Awood aan cid kale sheegan karin: Haddey dhacdo in awooddan la boobo muddo gaaban ama dheer, marna uma wareegeyso qoladii boobtay, soo xaq u ma lehee.

 

6. Awood aan qalad gelin: maxaa yeelay waxa qaldan iyo waxa quman waa wexey iyada oo qura oggoshahay, marka iyadu qalad ma gasho, wax walba ay sameysana waa quman yihiin.

 

Sidaa darteed waxaa meeshaas nooga cad in SOVREIGNTY ( SAMADIYA) iyo DEMOCRACY ( XUKUNKA SHACABKA) ay yihiin labo waji oo hal macne ka yimid.

 

Sidaa darteed, Sovereignty ( Samadiya) waa wajigii qaanuuniga ahaa, Democracy ( Xukunka Shacabka) waa wajigii wax lagu xukumayay.

 

Hadaba aan is barbar dhigno sifaad Allah uu leeyahay oo uu Quraanka ku sheegay iyo sifaadka ay sheegtaan khalqigiisa ( Nations) ku nool dhulkiisa ( Territories).

 

Allah sifaadkiisa Quraanka ku soo arooray waxaa ka mid ah:

 

1. " Qul huwa Allahu Axad" Wax walba wax baa ka horreeya, mataal ahaan, tirada Lix( 6) waxaa ka horreeya Shan (5), seddxna waxaa ka horreya labo, labana waxaa ka horreya hal (1), halna waxaa ka horreeya eber ( 0) ZERO, sidaa darteed Allah wax ka horreya ma jiraan.

 

 

2. " Allahu SAMAD" Allah waa ka iskii u taagan, cidna ku tiirsaneys, waa kan loo wada baahan yahay isgana aan cidna uu baahneyn, waa ka wax walba sameeyay oon la sameyn.

 

 

3. " Laa yus'alo cammaa yafcalu wa hum yus'aluun" Allah la ma su'aali karo wuxuu sameeyo, iyaguna ( Khalqigiisa) waa la su'aalaa.

 

4. "Facaalun limaa yuriid" Wuxuu doono ayaa sameeyaa.

 

5. "Fa subxaana Allahi xiina tumsuuna wa xiina tusbixuun" Hadaba ka saremar Allah nuqsaan, wax waloo xun, markaad soo kacdaan aroortii iyo markaad fiidsaneysaan.

 

6. "Low kaanat fiihimaa aalihatun illaa Allahu la fasadataa, fa subxaanallaahi Rabbil carshi cammaa yasifuun" Haddey jiri lahaayeen ilaahyo aan Allah aheyn, (cirka iyo dhulka) wey fasaadi lahaayeen, hadaba ka sare mar, inuu ehel u noqdo nuqsaan, Rabbiga carshiga wexey ku sifeeynayaan)

 

 

Hadaba, Waxaa isbarbar dhiggaas ka cad in waxa loo yaqaanno " Democracy" ay tahay nooc SHIRKI ah loo shariik yeelayo Allah. waa nooc jiri jiray waagii Rasuulkii SAWS oo ma cusba:

 

1. Allah Quraanka wuxuu ku leeyahay " Ma wexey leeyihiin Shurakaa ( Kuwo dadka wax ka leh) oo u jideeyay habka loo noolaado ( Diin) hab uusan Allah soo dajinin?"

 

2. "Insaanku ( Dadku) ma wuxuu helaa hadba wuxuu damco?"

 

 

Sidaa darteed, qofkii u bareera inuu taageero In Allah kalimaddiisa laga sare mariyo kalimadda basharka asagoon oqoon wexey Democracy tahay, waa qof lumay " Daalliin" , qofkii daba kaca Democracy asagoo yaqaan wexey tahay oo ka jeclaaday nolosha adduunka tan aakhiro, qofkaas wuxuu ka tirsan yahay kuwa uu Allah u carooday " maghduubi Caleyhim"

 

Qofkii, Dariiqa Allah oo ah sharcigiisa oo qura raacana, waa kuwa uu Allah ku tilmaamay " Kuwii loo nicmeeyay" oo ay ka mid yihiin Nabiyaasha, sadiiqiinta, shuhadada iyo saalixiinta.

 

Nicmadaasna, waa iimaanka, Allaha noo kordhiyee. Amin.

 

 

Nur

 

2007 eNuri Af-Somali Service

Kuwa iga da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga da' yarna, waa iga dambi yar yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Qoraalkan waan soo gaba-gabeeyay, wixii qoraalkeyga waafaqsan muraadka Allah iyo Sunnada Rasuulkiisa SAWS, waa wax uu Allah i fahamsiiyay oo isaga oo qudha uu abaalm ku leeyahay, wixii aan waafqsaneynna waa gaf ula jeedda la'aan ah oon Allah ka baryayo inuu iga cafiyo oon ku muteysan karo cadaab haduusan Allah ii naxariisan. Allah ayaan ka baryayaa inuu ka yeelo qoraalkan mid khaalis u ah wajigiisa deeqsiga ah, kuwuu hanuun la doonana uu ku hanuunsho, anigana iga dhaxalsiiyo iimaan iyo dambi dhaaf. aamin.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Positive walaal

 

Qoraalkan waxaan uga hadlay arrimaha aad ka hadashay qaarkood, haddaadan akhrin hadda ka hor, qayb ka qaado qodobada aan ka hadlay inaad wax ku soo biirisid.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Walaal Nuur,

 

Sida iiga muuqata yeeristaada aad noogu yeerto Alle ka cabsi, waanooyinka diimeed ee aad na siiso ama wacyi-gelinta kale, waxaan ku fekeri karaa in aad ku jiri karto kuwa la oran karo waxay Alle hortiis geysteen wanaag tusaale lagu daydo ayeyna u noqdeen kuwa kale.

 

Waad asiibtay cudurada bulshadeenna haysta oo qoraalkaagan iyo kuwa kale oo goob-kullankan ( forum ) aad ku soo bandhigtay ayaad si tafaftiran ugaga hadashay. Gaar ahaan marka indho diini ah lagu eego ama xal diini ah loo raadinayo. Sheeko xariiro aan weli dhismaheeda wado oo aan u bixiyey Soomaalida iyo hayb sooca oo qaybta Camel milk debate ku jirta ayaan aniguna isku deyayaa inaan dadka ku wacyi-geliyo.

 

Insha Allah qoraalkaagan waxaan ku biirin karo ayaan ku biirin. Adiguna hadday kuula muuqato oo aad sidaas jeclaato qoraalka :mowqifka diinta ee qabyaaladda ama sheeko xariirada aan sare ku magcaabay ayaad ku kordhin wixii ay kuula ekaato in aad ku kordhiso.

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

GJG,

 

I hope you will understand if I say that we have to take consideration to those who read somali in this thread. Ok?

 

 

samafalayaal noqda

 

Dhibaatada hadda ina haysataa waxaa asaas u ah kala qaybsanaan aynu nahay qabaa'il xeerar qabyaaladeed ku dhaqma. Dhibaatada waxaa lagaga bixi karaa in la helo qaab aan mid ku noqon karno. Markaad guudka sare ka eegto waxaad oran kartaa qabaa'ilka soomaalidu waxay u qayb samaan kuwo dagaalo hore ku adkaaday oo dhiigii walaalahood ee ay awoowayaashood daadiyeen awgeed dhaxlay magac la yiraahdo nasab iyo kuwo la diciifiyey oo kuwa ugu hooseeya hadda magacyo iyo maskabo hayb sooc ah loo bixiyey.

 

Weli maynaan baran ayaad moodaa in laga il-baxo isu xoog sheegashada oo lagu bedelo in magac wanaagga, heer qof ama mid qabiil, lagu mutayso qaab saldhiggiisu yahay samo-fal ku dhaqan.

 

Haddaba haddi aynu sidii awoowayaasheen dagaalka u wadno, waa sida aynu hadda nahaye, oo waqtigan casriga ah ee hubka wax gumaadayaa uu gacanta inoogu jiro aynu dil iyo baro kicin dhexdeenna ah joogtayno waa su'aale tollow cid magac wanaagsan loo bixiyaa ma inaga hari doontaa?

 

Waxaa la hubaa in inta aynu kala hayb duwan nahay ee reer hebelo uu u qaybsan yahay qoyska somaaliyeed in dirir iyo dekaan uu ina hurran yahay. Sababta oo ah dan guud sidii loo hormarin lahaa ayaa adkaanaysa.

 

Si dhibaatadan aan uga gudubno hayb soocuna u baaba'o maxaa inoo diiday in qabiilkeennu noqdo SOOMAALI"?

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Toosiye

 

Waxaad qortay: "Dhibaatada waxaa lagaga bixi karaa in la helo qaab aan mid ku noqon karno"

 

 

Jawaab:

 

 

Allah wuxuu ku leeyahay Quraanka ayad uu macnaheedu u dhow yahay :

 

"Ku gaashaanta (islana qabsada xadhigaa Allah (Islam) kulligiin hana kala qaybsamina (qabiil iwm), xasuustana nicmadda Alla ( Islamka) uu idinku galladeystay idinkoo colaadi idinka dhexeyso, uu dabadeed iskiin jecleysiiyay ( Isalm) ood ku noqoteen nicmadissa (Islam) walaalo"

 

Walaaltinnimadaas waxaa laga heli karaa oo qudha Isalmka. Sidaa awgeed ummaddeenna wexey u baahan tahay iney fahamto macnaha Islamka a dhabta ah. Taasna waa howl qof waliba u taalla oo Allah uu warsan doono intuu ka qabtay.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Sheikh Sharif waxaa loo doortay Madaxweynaha ay doorteen labo urur oo siyaasi ah (Isbaheysiga Dib o xoreynta Somalia, iyo Isbaheysiga Gumeysiga Axmaarada) oo Mareykanku citaraafsana yahay.

 

Sheikhu wuxuu ku dhaartay inuu ilaaliyo Dastuurka Dimoqraadiga ah ee Gumeysigu dajiyay.

 

Sheikh Shareef ma fahamsan yahay soohdinta kala soocda Dimoqraadiyadda Iyo Islaamka? Ma yaqaannaa macnaha ay u taagan tahay Dimoqraadiyadda?

 

Haduu jiro qof akhristayaasha boggan ka mid ah , oo yaqaan jawaabta , noo faa'iidee, Allaha kaa jar siyee, aad baan ugu baahnaan lahaa.

 

Hadduusan Sheikhu Fahamsaneyn macnaha qotada dheer ee Dimoqraaddiyadda u taagan tahay, iyo soohdinta u dhexeysa ayada iyo Diinta Islaamka, waxaan jeclaan lahaa in qofkii qoraalkan Sheikha u gudbin kara uu u gudbiyo, waa intaasooy anfacdaaye.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Nuur,

 

Walaal ma xiiseeyo siyaasadda laakiin waxaa aanan garowsan sababta aad mucaaradka wayn ugu tahay Shariifka oo sidaad ogtahay halganka dheer ee dalka lagu xoraynayo kaalin mug leh ka soo qaatay. Isla markaasna hadda lafteeda ku hawlan inuu ka mira dhaliyo ula-jeedooyinkii loo aasaasay uruka dib u xoraynta.

 

Ogow Sheekh Shariif wuu wanaagsan yahay iyo wuu xun yahay midna kuma lehi mana difaacayo. Laakiin marka hore walaal waa inay inoo muuqdaan labo qodob oo ah in: 1) adduunku uusan marna isku dhammayn. Marka aad mid haysoba mid baa maqan. Taas macnaheedu waxaa weeyaan Shariifka iyo qofkasta oo kale oo aniga, iyo malaa adiguba, aynu ku jirno dhaliilo waaweyn ayuu leeyahay! 2) Maah-maahda oranaysa Roma maalin laguma dhisin waa run. Dulucdeedu waxaa weeyaan wax kastaa waqti ayey qaataan talaabo talaabo ayeyna u fulaan. Marka garaadku wuxuu ina siinayaa in arrimuhu SAMIR iyo QORSHE u baahan yihiin.

 

Arrimahaas in aan ku xisaabtano sow ma aha oo waqti aan siino Shariifka iyo inta la socota?

 

Aragtidayda ururka dib u xoraynta soomaaliyeed ama Asmara ha joogeen ama Jabouti ha joogeen wixii ay u halgamayeen way gaareen; wixii dhimanna way dhammaystiri karaan; Golihii Shacabka Soomaaliyeed iyaga ayaa u badan hadda markii la ballaariyey. Hay'addii fulinta iyaga ayaa qabsaday tan garsoorkana qabsan doona. Dalku wuxuu gacanta ugu jiraa wadaado Sheekh Shariifna sakhsi ayuu ka yahay. Haddii ay dhaliilo jiraan ama jiri doonaan waa lala wadaagaa Shariifka eedduna dhammaan culimada iyo inta ku mabda'a ah ayey dusha ka saaran tahay. Hadday is-qilaafkan hadda jira daawayn waayaan cid kale ayey awooddu gacanta u gelaysaa waa halkaas iyo maca-salaama.

 

Waqti muqaalufo ayeynu joognaa Nuur. Waqtigii mucaarad dhib abuuri kara waan ka soo gudubnay. Halkan sidii si nabad ah hore loogaga sii socon lahaa in la tilmaamo oo tubteed la raaco inay habboon tahay miyeysan kula ahayn?

 

Hadal iyo hawraar Shariifka iyo inta la socota iinahooda iyo khaladaadkooda in la tiriyo dawo keeni mayso. Talada sami waxa weeyaan in waxa wanaagsan ee Shariifka iyo inta siyaasad ahaan la socotaa ay qabteen la tiriyo loona mahad-celiyo waayo wax badan oo wanaagsan oo ay qabteen baa jira.

 

Samirna waa loo baahan yahay. Labo sano kadib ayey doorasho, haddii Eebbe idmo, dhici doontaa. Wixii khaladaad ah ee jiraa markaasba waynu sixi karnaa.

 

Sheekh inoo ducee dalkana u ducee.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Postive walaal

 

Hadal aad u qurxan oo xikmad dheer ay ku dheehan tahay ayaad ku hadashay, Allaha kaa ajar siiyo, miisaanka xasanaadkaagana ha ku culeysiyo( Wallahu min waraa il qasd). Waan kugu raacsnahaya in loo baahay xasilloni iyo xikmad lagu gaaro muraadka Allah, haseyeeshee maadaama aan ahay Moderator, ama mid kulmiya aragtida ummaddeenna kala qaysbsan, sida aan u jiclahay in niyaddaada wanaagsan ay run u noqoto, ayaan intaasoo kale ka baqayaaa in annagoo bohol dheer nalagu riday hadda ka soo baxnay, oo nala xabaali waayey, in qaarkeen loo adeegsado sidii qaarkii kale wexey dhiseen u dumiyaan. Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay" Laa tattakhiduu bitaanatan min duunikum, laa ya'luunakum khbaalan, wadduu maa canittum, qad badatil baghdaa u min afwaahihim, wa maa tukhfii suduurahum akabr!"

 

Sidee baan mas ula seexannaa sariirta? Walaal, markey awoodi waayeen iney Islaamka ka tirtiraan waddankeenna oo labaatankii sano oo hore loo adeegsaday iney qabil u udeegsadaan iney isku kaaya laayaan, ayaa hadda wexey bilaabeen iney madhab diineed oo la isku diro noo adeegsadaan, weligeed lama sheegin labo wadaad oo hub isu qaadatay, waanad ogtahay qolada magacooda loo adeegsaday oo aan hubo iney iyagu bari ka yihiin baatilka loo nisbeeyay, saa waa walaalahayo.

 

Ma moogi, in Allah yiri " Haddey nabad uu liicaanna, adiguna u liic waxaase Allah na xasuusiyay, inay khiyaano ka marnayn raggaas " Haddey doonaan iney ku khayaanaan se, (ogow) iney mar hore Allah soo khayaaneen ( isku dayeen iney Allah khiyaanaan) markaasuu Allah idiinka hiilliyay ood ka gacan sarreyseen"

 

Waxaan u baahan nahay, sidee baan ku hubinnaa in nabadina lagu gaadho, annagoon iibinin diinteenna!

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Add baad uga run sheegtay siday wax u jiraan Sh. Nur.

 

look at the sharif of 2 years ago .. and look at the sharif we see today ... farqiqa u dhexeeya intuu le'eg bal fiiri .. hadii kursi jacayl oo ka tagay mabaadi'da oo ku taagnaa oo dhan .. wax wanaagsan kama soo socdaan ! waan wax aan u wada joogno oo aan wada arki doono !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

duco kugu dhacday....

 

qof kasta iyo suu Allah u hanuunshay,iyo waalidkiis iyo imaamkiisa ama macalimkiisa i.w.m.

kuwaasaa naga amiiro ah sababtoo ah wadan iyo dawlad ma lihin ...mise sidii loogu talagalaaba saa ah ?

 

when are these clowns leaving we don't need a federal government

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhi Muridi

 

Waxaa Amiir noo ah Suubbanihii Nabi Muxammad SAWS, ifka iyo aakhiro. Allahu Mowlaanaa, wa laa mowlaa lahum!

 

Taladoo dhanna, wexey gacanta ugu jirtaa Allah oo Qudha " Innal amra kullahu lillaah"

 

Hadduu Allah doonana, asagoo qudhaa ku filan inuu ka guuleysto " Wa low shaa Allahu lantasara minhum" laakin, qaarkeen buu qaarka kale ku imtixaanayaa, maxaa yeelay waa xikmaddii Allah u uumay dadka, waxaana xaq ah iney is khilaafaan dadku, marka laga reebo inta Allah ugu naxariistay iney asagoo qudha addoon u noqdaan " Wa laa yazaaluunawa mukhtaliffina illaa man raxima Rabbuk, wa lidaalika khalaqahum"

 

Cidhibta dambena waxaa leh, Taqwada.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Walaal Nur,

 

Dad baa ku dooda in wadaadadu ku xeel dheer yihiin baayac-mushtarka iyo guurka laakiin siyaasadda soo gelooti ku yihiin. Siday wax u socdaan markaan eego marmar baan is iraahdaa arrintaasi waa run! Intan waa iga kaftan.

 

Waxaad tiri:

 

Walaal, markey awoodi waayeen iney Islaamka ka tirtiraan waddankeenna oo labaatankii sano oo hore loo adeegsaday iney qabil u udeegsadaan iney isku kaaya laayaan, ayaa hadda wexey bilaabeen iney madhab diineed oo la isku diro noo adeegsadaan, weligeed lama sheegin labo wadaad oo hub isu qaadatay, waanad ogtahay qolada magacooda loo adeegsaday oo aan hubo iney iyagu bari ka yihiin baatilka loo nisbeeyay, saa waa walaalahayo.

 

Mar haddaan sidaa u ognahay in aan ka digtoonaano oo iska ilaalino in aan dabinka ku dhacno ayaa loo baahan yahay. Qorshe ku salaysan nabad oo ina samato bixinaya in aan samaysano ayaa loo baahan yahay. Haddii la doonayo in dalka la badbaadiyo qorshahaas in dawladda keliya laga dhawro ma ahaa ee waa in laga wada qayb qaataa. Gaar ahaan dadka aqoonta sare leh oo aad ku jirto waa inay nabad tilmaamaan oo nabad ka hadlaan kuna dhaqmaan.

 

Waxaa tiri:

 

Ma moogi, in Allah yiri " Haddey nabad uu liicaanna, adiguna u liic waxaase Allah na xasuusiyay, inay khiyaano ka marnayn raggaas " Haddey doonaan iney ku khayaanaan se, (ogow) iney mar hore Allah soo khayaaneen ( isku dayeen iney Allah khiyaanaan) markaasuu Allah idiinka hiilliyay ood ka gacan sarreyseen"

 

Nabad way u liiceen. Ciidankii xoogga ku soo galay dalka wuu ka baxay. Kuwa jooga ama imaan doonana adigoon dagaal adeegsan ayaad dariiqo sharci ah oo Golaha Shacabka ama gole kale la marayo ku saari kartaa. Wax baahi ah oo loo qabo in cid lala dagaalamo meesha ma taal. Ansi waxaa la oran karaa dadka dagaalka doonaya hadda dano shisheeye ayey u shaqaynayaan. Waayo dagaal dambe oo soomaali dhexdeeda ah dan shisheeye ayuun buu u adeeggayaa.

 

Sidaan hore u iri dawladdii soomaaliyeed hadda dhab ahaantii waxaa garwadeen u ah wadaado. Qarannimadii soomaaliyeed oo soo noqotay iyaga ayey hadda gacanta ugu jirtaa. Culayska fulay oo Alle iyo umadduba eegayaan kulana xisaabtami doonaan inay gartaan baa habboon. Waxay ku dhan tahay waa in wadaadadu isu liicaan; dhammaantood, kuwa Asmara, Jabouti iyo kuwa dalka gudihiisa ku nool. Dar Ilaahay iyo danta guud ee ummadda inay isugu liican oo dagaal dambe aan la maqal baa loo bahay yahay.

 

Shaydaanka inta layska naaro in taas la garto sow ma habboona?

 

Dawladdana meelaha la is leeyahay way ka khaldan tahay in lala toosiyo ee aan la mucaaradin sow ma habboona?

 

Waxaad tiri:

 

Waxaan u baahan nahay, sidee baan ku hubinnaa in nabadina lagu gaadho, annagoon iibinin diinteenna!

 

Diinta shakhsi iyo dawlad midna ma iibin karo. Gacanteenna ayey ku jirtaa. Cadowga rasmiga ah ee diintu waa inaga oo dalka dagaalkan joogtada ah ku wadna oo dadka wax dhinta wax dhoofa iyo wax silic iyo saxariir dalka gudihiisa u jooga ka dhigna. Calool baahani waa wax walba u nugul. Waxay markaas ku soo noq-noqonaysaa nabad. Si ay diintu u badbaado xayndaab nabad ah iyo dal horumaraya ayey u baahan tahay. Xilka qofkasta saaran gaar ahaan dadka wax garadka ah waxaa weeyaan markaas samir iyo wada shaqayn nabad ku salaysan oo aan yeelano- ilaa madax iyo minjo.

 

Tan aan adiga iyo dadka kula mid ah ugu yeerayo waa nabad in aan isku waanino. Waa talo walaal oo ku socota dhammaan inta qalbigoodu wanaagga u furan yahay.

 

Alle ha inaga garan siiyo.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Positive

 

Waxaad qortay: " Dad baa ku dooda in wadaadadu ku xeel dheer yihiin baayac-mushtarka iyo guurka laakiin siyaasadda soo gelooti ku yihiin. Siday wax u socdaan markaan eego marmar baan is iraahdaa arrintaasi waa run! Intan waa iga kaftan.."

 

 

loooooooool @ in wadaadadu ku xeel dheer yihiin baayac-mushtarka iyo guurka!

 

 

Runtii, labadaas ba waa labo strategy oo maanta wadaaddada anfacday, wadaaddadii haween badan bey astureen, carruur badanna waa dhaleen, business badanna waa u sameeyeen, laakin adigaba waad ila ogtahay in 3/4 ama 75% score ayan xumeyn, gaar ahaan haddii maanta taag iyo tiroba ay wadaaddada badan yihiin, Allah fadligiisa. Jihaadka firaashka waa inuu sii socdaa si carruurtu u badato, vote badanna wadaaddadu u helaan inshAllah.

 

Tan haweenka ku saabsan ayadana waxaan ka oran lahaa, ninka u talin kara labo haween oo xaasaskiisa ah, siyaasad buu u baahan yahay, taasna, wadaaddada ayaa uga cilmi roon nimanka kale. Wadaddada qaar baa afar xaas leh, oo ku kala wada " Domestic politics". taasna waa mid cilmaaniyiinta la dheer yahay. Ninkaan labo xaas cadaalo ku dhaqi karin, uma sahlana inuu ummaadda cadaalo ku dhaqo.

 

Nimankan kale, wexey wadaaddada dheer yihiin kitaabka Nicolo Macchiavelli, Prince cilmiga ka buuxa ooy ugu muhimsantahay beenta, iyo ballan ka baxa, waana middaas tan aan uga digayo wadaaddada.

 

 

Walaal, maalmaha ama sanadaha soo socda ayaa aragtideyda muujin doonta iney wuxu yihiin sidaad moodo, oo ah kurtun, ama sidaan moodo Bahal.

 

Waxa hadda ii muuqda in Sheikh Shareef iyo raggiisa "Moderate"ka ah ay kubad la cayaarayaan rag ka xeelad badan, cayaartooydoodii iska dhicin lahaana ay goobta ka maqan yihiin, raggey la cayaarayaanna waa niman baas oo soo gubtay, gaar ahaan ku xeelad dheer khiyaanada iyo beenta iyo jariimadaha bani Adamka oo badan. Caano biyo lagu badhxay, ma dhadhammaan sida caanaha, biyana u ma eka . Isbaheysiga haddu yahay kursi lagu xukumo, waddanka, waxaa ii muuqata inuu lug ka jaban yahay.

 

Hadduu muujiyo Sheikh Shareef sidaad fileyso, waa kheyr badan, laakin, anugu rajadeyda ma fiicna, laakin Alley leedahay.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this