Jumatatu Posted June 5, 2005 WAKIILKA Q/MIDOOBAY EE ARRIMAHA SOOMAALIYA OO WADA TILAABOOYIN UU KU DOONAYO IN DOWLADDA KMG AH ISUGU TAGTO MUQDISHO MARKA LAGA REEBO MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF NAYROOBI, Axad 05/06/05 Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee dhawaantan la magacaabay Francois Lonseny Fall ayaa wada tilaabooyin uu ku doonayo in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya dowladda isagoo isku dayaya wakiilku in dowladda loo raro caasimadda marka laga reebo Madaxweyne C/laahi Yuusuf. Ilo ku dhow dhow dowladda Federaaka ah ayaa Wargeyska QARAN u sheegay in ergeyga cusub uu doonayo in Golaha Baarlamaanka iyo Golaha xukuumaddaba ay isugu tagaan magaalada Muqdisho kana howl bilaabaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan howlaha nabadda ee Soomaaliya isagoo wakiilku doonaya in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu sii joogo magaalada Nayroobi inta Ammaanka magaalada Muqdisho laga shaqeynayo. Ergeygaan cusub ayaa kulamo la qaatay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi isagoo kala hadlay arrintaan iyadoo sidoo kalana uu xiriir dhinaca Teleefoonka ah la yeeshay Guddoomiye Shariif Xasan oo ku sugan Muqdisho. (QARAN PRESS) Quote Share this post Link to post Share on other sites