Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu prepares to welcome Somali PM Geedi....

Recommended Posts

Geedi20.jpg

 

Qaban Qaabo looga jiro soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo berita ka soo degaya Garoonka Diyaaradaha ee N0-50

 

Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabo soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo berita muqdisho imaanaya,iyagoo ka soo kictimi doonan magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo in muddo ah xarun KMG ah u ahayd madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Muuqaal ahaan Hotelka maanta waxaa uu ka duwanaa Maalmihii hore, maxaa yeelay hotelka ayaa waxaa uu noqon doona halka uu ku soo degi doona Prof. Cali Maxamed Geeddi sida la sheegay nawaaxiga Hotelka ayaa waxaa soo buux dhaafay ilaa iyo 100 Baabuur Tikniko ah, kuwaas oo sida la noo sheegay sugi doonan ammaanka Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Shir maanta ka dhacay gudaha Hotelka Ramadaan isla markaana isugu yimaadeen madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlayay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, waxaana la diyaariyay sida la sheegayo dhamaan wixii loo baahnaa.

 

Ninka dhawaan ka degi doona Guddoominimada Maamulka Gobolka Baandir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) ayaa ugu baaqay dadweynaha magaalada muqdisho inay si wada jir ah u soo dhaweeyaan Wafdiga Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka soomaaliya,iyadoo Firimbi uu yahay Ninka keliya ee maanta si rasmi ah u sheegay halka ay ka soo degi doona Wafdiga Xukuumadda.

 

Axmed Maxamud Xasan (Baasto) ayaa maanta loo doortay inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada ee soo dhaweynta wuxuuna sheegay mas’uulkan in loo baahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaato soo dhaweynta Wafdiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdisho oo isu diyaarineysa soo dhoweynta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya

 

Muqdisho - 28.April.2005 Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garow xoog leh oo ku aaddan sidii loo soo dhoweyn lahaa ra'iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliyeed, Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in uu maalinta berrito ah gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Diyaar garowga ugu xoogga badan ayaa waxaa uu ka socdaa xaruntii hore ee Villa Somalia, halkaas oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare kuxigeenka dawladda federaalka Soomaaliyeed, Xuseen Maxamed Caydiid oo la sheegay wafdiga imanaya magaalada Muqdisho in uu ka mid yahay.

 

Sidoo kale wafdiga imanay Muqdisho maalinta berrito ah ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cumar Xabeeb oo ah maamulaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Inta badan magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca waqooyi ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarowga soo dhoweynta.

 

Dhinaca kale, wafdiga golayaasha dawladda federaalka ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaan iyagu wadin wax diyaar garow soo dhoweyn ah, qaarkoodna waxay sheegeen in aanay waxba kala socon.

 

Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhoweeyo magaalada Muqdisho iyadoo maalinta Jimaha ee berrito ay tahay fursad kale oo ay dadku shaqooyinkii iyo dugsiyadii waxbarashada ay kaga nasanayaan.

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

 

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysal Wasaare Geedi oo raadinaya kalsoonida shacabka Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan

Posted to the Web Apr 28, 13:16

 

 

Muqdisho:-Raysal Wasaare Dr.Cali Maxamed Geedi ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday inuu safar uu ku tegayo Magaalada Muqdisho, talaabadaas uu qaaday Raysal wasaare Geedi ayaa farax gelisay dhamaan Shacabka Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ka imaanaya daafaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaar garow aad u heer sareeya laga wado magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda Gaar ahaan (Jowhar,Cadale,Aadan-Yabaal iyo Warshiikh, Balcad,Huriwaa, Madiina,towfiiq,Wardhiiglay,Shangaani, iyo degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,taasoo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

 

Safarka uu Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo Magaalada Muqdisho ayaa ku soo begantay waqti ay magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xubnaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladiisa,kuwaas uu u tusay shacabka Magaalada Muqdisho inuusan Raysal-wasaare Cali maxamed Geedi uusan aheyn shaqsi ka muhiima Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

 

Dhinaca kale Raysal wasaare Geedi ayaa ka gaabsaday waxyaalaha uu kala hadli doono Shacabka Magaalada Muqdisho,waxaase loo malaynayaa inay tahay soo af-jarida Sawiradii foosha xumaa ee horay looga siiyey Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo soo qiimaynta xaalada amaan ee ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa ayaa la filayaa inuu Raysal wasaaruhu uu isu tusin doono shacabka Magaalada Muqdisho inuu yahay ninka kaliya ee ka saari kara dhibkii ay shacabka muqdisho ay ku jireen 15kii sano ee lasoo dhaafay.

 

Arrinta Xiisaha leh ee ku aadan Booqashada Raysal-wasaaraha ayaa ah mid taariikhiya maadaama uu yahay nin si rasmiya uga soo jeeda Magaalada Muqdisho, ahna aqoon yahay Soomaaliyeed,kalsoonina ay ku qabaan inta badan shacabka Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kaleba.

 

Inkastoo qaban qaabada soo dhowenta Raysal Wasaaraha ay u riyaaqeen shacabweynaha Soomaaliyeed hadana guushiisa Siyaasadeed ayey ku xiran tahay hadba suu iftiimiyo Dhibaatooyinkii Qab-qablayaashu u geysteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho,iyo inay reer Muqdisho ay ubaahan yihiin shaqsi ku hogaamin kara jidka wanaagsan horumarka u keeni kara,iyo siduu uga samata bixin lahaa dhibka ay ummadu ku jireen 15kii sano ee la soo dhaafay.

 

Ahmed Cali (garyare)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

RAIISUL WASAARAHA SOOMAALIYA CALI MAXAMAD GEEDI OO JIMCAHA IMAANDOONA MAGAALADA MUQDISHO.

Somaliweyn (BBC/April 27 ,2005)

 

 

Raíisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamad Geedi wuxuu shaaca maanta Ka qaaday in uu maalinta Jimcaha ah uu imaandoono magaalada Muqdishow si uu toos ula hadlo dadweeynaha Reer Muqdishow .

 

Raiisul-wasaaraha oo maanat u waramayey Idaacada BBC wuxuu faahfaahin ka dhiibay sababaha uu u tagayo Muqdishow wuxuuna yiri:

â€Waxaan u socdaa dawladda hawsheedii ,iyo in dadweeynaha ku nool Magaalada Muqdishow aay soo dhaweeyan dawladda,dawrkoodana ka ciyaaraan nabadaynta iyo xasilinta dalka gaar ahaan magaalada Muqdishow oo ah caasimadda dalka “ Raiisul Wasaaraha oo hadalkiisii sii ambaqadayaa wuxuu kale oo yiri:

"Waxbadan baa lagu xuuxinaayey oo loo sheegayey dadweeynaha reer muqdishow Raíisul Wasaaruhu sooma socdee bal waxaan rabaa inaan tago dalkayga iyo Caasimadayda.Wax badan oo loo sheegayo shacbiga oo xaqiiqada aan salka ku lhayn ayaan doonayaa in aan kala hadlo dadweeynaha “.

Dadka Siyaasadda u khuurgala waxaay ku tilmaameen booqashada Raíisul Wasaaraha mid sii xoojindoonta mowqifkiisa siyaasadeed isaga oo taageero xoog leh ka kasbandoona dadweeynaha kunool magaalada Muqdishow oo mar horaba sugayey imaanshaha Raíisul Wasaaraha .

Hoggaamiyayaasha Muqdishow qudhooda waxaa la filayaa in aay Raiisul wasaaraha si diiran usoo dhaweeyaan maadaama aay wali ka tirsan yihiin dawladda , aayna horay u sheegeen in Madaxweeynaha iyo raiisul Wasaarahaba aay si diiran ugu soo dhaweeynayaan haddii aay Magaalaad Muqdishow Yimaadaan .

Xarunta warbaahinta Somaliweyn/Gothenburg/Sweden

Somaliweyn Information Center /Gothenburg/Swede

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir caawa ka dhaca magaalada Niarobi oo ay ku kulmeen R.W. Prof. Geeddi, Madaxweyne C. Yuusuf iyo ha'yadaha bixiya deeqaha

 

Shir caawa ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku kulmeen Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo ha'yadaha deeq bixiyeyaasha ayaa looga hadlay safarka Prof. Geeddi iyo sid ay uga qeeb qaadan lahaayen ha'yadahaa deeq bixiyayaasha

 

Sida uu na soo garasiiyaya wariyaha Midnimo ee Muqdisho ayaa wuxuu kaloo sheegay in magaalada Nairobi ay ka socdaan diyaar garow loogu jiro tagitaanka magaalada Muqdisho, wafdi uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wadaa in ay ka mid noqon doonana saraakiil ka tirsan saraakiisha ha'yadaha deeq bixiyaasha.

 

Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo diyaar garow xoog leh oo lagu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa wafdiga Dowladda KMG ee uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqato in ay diyar u yihiin soo dhaweynta aadna ugu faraxsan yihiin in wafdiga DKMG uu soo gaaro Muqdisho.

 

Wixii warar kale dib ayaan idnkala socdiin doonaa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan oo isku raacay in ay soo dhaweeyaan Ra’iisal Wasaare Geedi

 

Khamiis, April 28, 2005(HOL)@19:00GMT: Shir ay maanta ku yeesheen Xarunta Xisbiga Xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka ayaa lagu go’aansaday in la soo dhaweeyo Wafdi berri imaanaya magaalada Muqdisho, kaasi oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iyo C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa labaduba waxay ku dhawaaqeen in si weyn loo soo dhaweyn doono wafdiga Ra’iisal Wasaare Geedi, iyadoo Ku simihii hore ee Gobolka Banaadir Md. Firimbi uu sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir dhamaantood ay ka qeybqaadan doonaan soo dhaweynta madaxda Dowladda Federaalka ee ka imaan doonta Kenya.

 

Sidoo kalena Waxgarad, Ganacsato iyo xubno ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ku go’aansaday in si weyn loo soo dhaweeyo Wafdiga Ra’iisul Wasaare Geedi, iyadoo soo dhaweyntana Guddi loo magacaabay.

 

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay in ay ka xubno ka yihiin Ra’iisal Wasaare ku xigeenka labaad, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) iyo xubno kale oo ka socday Wakiillada Beesha Caalamka iyo weliba Danjiraha Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Afey, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin socdaalka xubnahan ka baxsan Dowladda Federaalka.

 

Diyaargarowga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta ilaa caawa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqdhaqaaqa ugu badanna uu ka socdo Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho. Ra’iisal Wasaaraha ayaa marka uu Muqdisho soo gaaro waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Dadka Gobolka Banaadir iyo Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this