Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: China TFG sign deal as official visits Xamar

Recommended Posts

Dowladaha Somalia iyo China oo kala saxiixday heshiisyo

 

Shabelle airs news in English

Mogadishu 31, August 07 ( Sh.M.Network)- Dowladaha Somalia iyo China ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo u badan dhinaca dib u dhiska, iyadoo safiirka China ee Kenya oo Muqdisho soo gaary uu u saxiixay dalkiisa halka Somaliyana uu u saxixay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Sida uu Shabelle u sheegay Afhayeenka dowladda KMg ah ee Somalia Cabdi Xaaji Goobdoon, ka hor inta aan la kala sixiixan heshiisyada ergada Shiinaha ay indho indheyn ku soo sameeyeen goobo dhowr ah oo ay ku jirto warshaddii hore ee taraqa, garoonka stadium Muqdisho iyo goobo kale, halkaasi oo dowladda China ay markii hore dhistay.

 

Markii ay soo dhameysteen socdaalkooda ayay kulan ku wada qaateen xarunta madaxtooyada madaxweynaha dowladda KMG ah, C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana halkaasi lagu kala sixiixday heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid tahay lacag dhan halmilyan oo doollar, Taasi oo lagu dayactirayo xarunta madaxtooyada.

 

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in lacag gaareysa 500 kun oo dollar ay dowladda China guddoonsiisay hay'adda WHO, isla markaana sixiixaasi uu goobjoog ka ahaa wakiilka Somalia ee Hay'addaas.

 

Heshiisyada la kala sixiixday ayaa sidoo kale waxaa ku jira ilaa 300 kun oo dollar oo wax looga qabanayo cudurada Malaariyada ee ka jira Somalia.

 

Afhayeenka mar la weydiiyay goorta ay dhaqan galayaan heshiisyada ayaa waxa uu sheegay in marka wafuudaan Chiness ka ay dib ugu laabtaan dalka Kenya la bilaabi doono fulinta qodobada lagu heshiiyay.

 

Dowladda China ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay heshiisyo la galeysay dalal ku yaala Africa, heshiisyadaasi oo la xiriira dhinaca dhaqaalaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Faahfaahin ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo dowlada China.

1. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa shalay galabnimadii heshiis ku kala saxiixday dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo dowlada China.

 

Heshiiskan ay kala saxiixdeen labadan dowladood ayaa waxaa ukala saxiixay ayadoo dhinaca dowlada Soomaaliya uu usaxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalida Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayadoo dhinaca China usaxiixay Safiirka cusub ee China ee arimaha Soomaaliya.

 

Waxyaabaha lugu heshiiyay waxaa ka mid ah In dowlada China dibu habeyn balaaran oo dhinaca dhismahaa ku sameysay goobaha kala ah Vila Soomaaliya ,warshadii hore taraqa,garoonka Muqdisho oo dagaalo la dageen iyo goobo kale ,waxaana dhaqaalaha ku baxaya qaar kamid lasheegay.

 

Dhismaha xarunta Madaxtooyada waxaa ku baxaya aduun gaaraya (Hal Malyan oo Doolarka Mareynkaa) ,waxaana sidoo kale lasheegayaa in dhismayaal kale laga fulinayo magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay heshiiskan noqon doono mid dhawaan hir gala ,isagoo ka dhawaajiyay inba laga yaabo todobaadyada soo socda in uu hirgalo.

 

Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in dhaqaale fara badan loogu deeqay arimaha Caafimaadka Soomaaliya isla markaana loo dhiibay lacagtaasi barnaamijka caafimaadka Aduunka ee WHO kana mid ahaa heshiiskan.

 

Heshiiskan dhexmaray dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Dowlada China ayaa umuuqda mid dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ay ku dooneyso dibu dhiska dalka Soomaaliya ,inkastoo guud ahaan dalka Soomaaliya laga fulin doono ayaa hadana lugu hormarayaa caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

China & Somalia Heshiisyo Ku Kala Saxiixday Muqdisho

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Augosto-2007

 

Heshiisyo wax ku ool ah una badan dhinaca dib u dhiska dalka Somaliya oo ey kala saxeexdeen maanta dowladaha Somaliya iyo China ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku sugan yahay safiirka China u fadhiya Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo.

 

Safiirkan iyo wafdigiisa ayaa waxa kormeer indha-indheyn ah kusoo sameeyeen xarumo dhowr ah oo ey dowladda China horey uga dhistay dalka Somaliya sida Stadio Muqdisho, Warshadii Taraqa iyo Sigaarka iyo goobo kale oo dib u dhis u baahan.

 

Kadib kormeerkooda qiimeynta ahaa oo ey ku bixiyeen wafdigan caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ey abaareen dhinacaas iyo madaxtooyada halkaasoo heshiisyada lagu kala saxeexday, isagoo heshiiskan uu u saxeexay Somaliya madaxweynaha dowladda Federalka mudane C/Laahi Yuusuf Axmed.

 

Sida uu shegay afhayeenka dowladda Cabdi X. Goobdoon ayaa waxaa heshiisyadan iugu jireen deeqo iyo dib u dhis oo xitaa lagusoo bandhigay cadada lacagaha qaar iyo qarashaadka ku baxayo mashruucyadan.

 

dowladda China ayaa horay kaalin lixaadleh ka qaadatay dib u dhiska dalka ee xilligii Kacaanka dowladdi Siyaad Barre, waxeynaa markaa dhistay sida wadooyinka, jaamacadaha, garoomada sportiga iwm.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiinaha iyo Soomaliya oo heshiis ku galay dib u dhiska Xarumaha DFKMG

Last Updated::2007-09-01 20:40:03

 

Muqdisho:- Afhayeenka Dowlada Federaalka Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafada u sheegay in uu jiro heshiis dhexmaray Shiinaha iyo DFKMG

oo la xariira sidii dib loogu dhisi lahaa xarumaha Dowlada ee ku yaal magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu halkaasi safar ku tagay Safiirka dowlada China u fadhiya dalka Kenya.

 

Safarkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu kuurgalayo xaalada magaalada Muqdisho iyo waliba xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

 

Dowlada China ayaa kamid ah dowladihii xiriirka weyn la lahaan jiray dalka Soomaaliya kahor dagaaladii sokeeye, isla markaana horey dalka Soomaaliya uga fuliyey mashruucyo waaweyn oo dhinaca dhismaha ah.

 

Macada qorshahan cusub goorta uu hirgeli doono, balse maanta khudbad uu Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf ka jeediyey furitaanka xarunta Cusub ee Wasaarada Gaadiidka Cirka io Dhulka ayuu ku sheegay in loo baahan yahay Wasaaradaha dhamaantood in ay xarumahooda ka hawlgalaan muddo sadex bilood gudaheed ah.

 

Sidoo kale waxaa isla todobaadkan soo baxay amar ah in dadka shacabka ah isaga baxaan Xarumaha Ciidamada ee ku yaal Muqdisho muddo 10 casho gudahood ah.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dowladaha Shiinaha iyo Somalia ayaa shalay gaaray heshiisyo dhinaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska, iyadoo dowladda shiinaha ay hal Million oo dollar ay ku bixisay in lagu dayactiro xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. They are helping to rebuild the ministries and governemnt offices. Oh as for Chinese products dont use anything as they make 90% of what we consume now days in the US.

Share this post


Link to post
Share on other sites

China oo tageereysa Somalia

2 Sep 2, 2007 - 6:36:07 AM

 

Dowlada China ayaa maalintii Jimcaha bixisay tageero gaareysa $1.5 Milyan taas

oo wax ka tari doonta dhibaatooyinka haysta Somalia.

 

Heshiiskan oo ay sixiixeen Madaxweynaha DFKMG ah iyo safiirka dowlada China u fadhiya wadanka Kenya Zhang Ming ayaa noqoneysa $ 1 Milyan oo dib u dhisid ah, $0.5 Milyan oo tageero xagga bini'aadnimada ah kuwaas oo ay ku jiraan daawooyinka loo qaato malaria-da qiimahadoona noqon doono $132,000.

 

Madaxweynaha DFKMG ah oo ka hadley xafladii saxiixa ayaa sheegey in wadankiisa u baahanyahay tageero dib-u dhis kadib in ka badan 10 sano oo dagaal sokeye ah.

 

Cabdulahi Yusuf Waxaa uu mahad celiyay dowlada China tageerda dhaqaale ay siiyen Somalia.

 

Garowe Online+Wakaaladaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer Mogadishu security is udner control, a few bombs here and there just to make a point will not deter the restoration of the state apparatus.

 

Thus opening ministries, public offices, police stations, prisons, roads, are part of restoring Mogadishu's former status as capital for all Somali's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this