Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dagaalka Makiinadaha Lacagta ee Boosaaso

Recommended Posts

iska hor,imaad hubaysan ayaa ka dhacay tuulada alxamdulilaah ee wadada laamigaa ee isku xidha caasimada puntland iyo dekeda boosaaso taasi oo ka danbeysay ka dib markii ciidan hubaysan oo maleeshiyo beeleed ah ay maalintii shalay ka ambabexeen magaaladan garowe .....

 

 

Ciidankani hubaysan ayaa waxa ay wateen gawaari dhowr ah oo takniko ay ku jirto waxaana wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in baabuurtaasi ciidanka maleeshiyo beeleedkaa ay wateen kala horumareen oo mid ka mid ah gawaaridaasi uu baabuurtii kale oo uu la socday uu ka hormaray markii uu gaaray tuulada alxadulilaah rasaas huwan ah ay ooda kaga qaadeen ciidan halkaasi loogu sii diryaar gareeyey oo maamulka puntland usoo diray ..

 

Waxaana rasaastaasi huwantaa khasaaraha ay geystay uu yahay hal qof oo ka dhintay ciidanka maleeshiyo beleedka gobolka nugaal labo kale ay kaga dhaawacmeen balse lama oga khasaraha gaaray ciidankaasi kale ee wadad u galay inta uu le.egyahay ..

 

Hadaba taliyaha ciidankan c/rashiid bulshaale (wanaaq)ayaa noo xaqiijiyay mar khadka telefonka aad u mashquul ah uu noogu waramayay in gurmad kale oo ah gawaaridii ay wateen uu soo gaaray ka dibna ciidankii wadada u galay ay meeshii ka bexeen oo ay doonayaan in ay usii gudbaan magaalada boosaaso ..

 

Ujeedada ciidan beeleedkani boosaaso ay ugu socdeen ayaa lagu sheegey in ay ahayd ka dib markii dhawaan madaxweynaha mamaulka puntland uu irdaha isugu dhuftay warshadii lacagta boosaaso ku samayn jirtay taasi oo ay sheer ku ahaayeen ganacsato maamulka puntlandna uu lacago canshuur ah ka qaadi jirey ...

 

Waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in warshadaasi in irdaha la isugu laabo ay ka danbeysay markii cade muuse hishiis hoose uu la galay ganacsato ay isku hayb yihiin kuwaasi oo doonaya in warshad lacagta daabacda ay keensadaan oo tan horey u samayn jirtay lagu bedelo laakiin ganacsatadii sheerka ku lahayd ayaa arintani ku tilmaamay mid aysan marnaba yeelayn ..

 

Guud ahaan xaalada magaalooyinka waayan ee puntlandna waa jawi ciidan isku urursi oo ku aadan marxaladaasi soo cusboonaaday iyadoo magaalada garoowe ciidan beeleedyo tiro badan ay is urursanayaan halka magaalada qardhana ciidan uu gaaf wareegayo caawa lamana oga waxa ay arintani kusoo dhamaan doonto..

 

 

Abshir Cabdi Laahi

 

Afnugaal.com Garoowe Puntland Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qardho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qardho ee gobalka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in ay dagaalo dhexmareen Ciidamo ka wada tirsan ciidamada amaanka ee Puntland ,oo ka kala yimid Qardho iyo Garowe ,waxa ayna dagaaladaasi kala dhaceen Shalay galab iyo Habeenkii xalay ahaa.

 

Dhimashada labada dhinacba waxaa lugu sheegay 3 ruux ,sida ay ku waramayaan Warar Madax banaan oo laga helayo Magaalada Qardho waxaana jira gurmadyo ay helayaan dhinacyada kala duwan ee ay dagaaladu dhexmarayaan ,ayagoo ilaa hada aysan jirin cid ka mid ah Puntland oo ka hadashey falkaan.

 

Isku dhacan dhexmaray Labada ciidan ayaa ahaa mid deg deg ah ,waxaana sababtiisa ka soo baxaya wararka kala duwan ,ayadoo warar ay sheegayaan in ay ciidamada Al-Xamdulilaah joogey ay ahaayeen ciidamo daganaa Fariisamaha ay hada dagaaladu ka dhacayaan ayna ciidamada kale doonayeen in ay gudbaan Magaalada Boosaaso.

 

Ciidama ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ,ayaa warar aan la xiijin sheegayaan in ay doonayeen ina y soo furtaan Makiinad lacagta daabacda oo ay gacanta ku heyso Xukuumada Puntland ,ayna ciidamada joogey Al-Xamdulilaah weydiiyeen halka ay usocdaan ka dibna saas dagaalku ku bilowday ,inkastoo aysan jirin Xaqiiqo arintaasi ku aadan.

 

Dadka qaar ayaa siyaabo kale arimahan uga hadlaya ayagoo arimo beeleedyo meesha aysan ka saareyn ,balse labada dhinacba hada ay waxa ay helayaan gurmadyo xoog leh oo kala tagaya Qardho iyo Garowe ,waxaana socda dadaalo ay wadaan Masuuliyiinta Puntland ugu sareysa.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in ay dagaaladan xalay markale bilowdeen isla markaana Xukuumada Puntland ay ciidamo udirtey kala dhex galo dhinacyada dagaaladu udhaxeeyaan ,ayadoo aysan jirin ilaa hada wax ciidamo ah oo gaarey goobta dagaalku ka dhacay.

 

Saraakiisha Madaxtooyada Garowe oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaaladan ka dhacaya degmada Al-Xamdulilaahi ,waxa ayna sheegayaan in ay Xukuumada Puntland war ka soo saareyso dagaaladan.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay dagaalo ka dhacaan deegaano ka mid ah gobalka Karkaar ,kuwasoo dhexmaraya ciidamo ka wada tirsan Ismaamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ,inkastoo ay horey ujireen dagaalo beeleedyo ka dhacayey deegaanadaasi.

 

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is one of the news portals sxb not necesserily the best ,,,,,,

 

What is happening in your neighbour is always a concern ,,,, too bad some ppl died out there. They're still Somalis and Muslims.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Just wondering,obviously they don't have the means to help those effected by the droughts, but do they offer any other social services other than policing and paying state employees.

 

P.S. I do understand their budget is not much to work with.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this