Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Nabad

Recommended Posts

Salaan...

 

I am aghastly sick and tired dagaal micno lahayn so noqnoqdo. We suffer from short memory, since, it seems, we've already forgotten the 500 or so people who perished the last couple months in Xamar.

 

I am completely appaled about this indifference of dhiig Soomaali micno daro u daada mar walba.

 

Tired of it completely. Really.

 

It is about time for nabad, regardless what one believes or political [read 'tribal' for most of the time] or ideological one espouses.

 

Pray for nabad. Promote for nabad. Sanction for nabad. U horseed nabadda.

 

Noqo nabaddoon. Dagaaldiidnimo ku dadaal.

 

Say for Nabad. Nabad.

 

No nolol without nabad.

 

Iftiin ma jiro hadee nabad jirin.

 

Nabad brings forth barwaaqo, horumar.

 

Every Soomaali living our country deserves nabad.

 

Yaana nabad u qalmin? Yaana nabad rabin? Yaa jecel hoobiye iyo see-kaa-uu uu mar walba kor ka maro, oo dabasocdo oo goortee ku dhaceyso ogeyn?

 

Dadkeena soo nabad uma qalmaan? Ma xoolahee ka daran yihiin?

 

Also utterly tired of dagaaldoonada inta ku jiro, while fully living at their cushy and comfortable nabad dwellings in the Galbeedka, advocating in the meantime the destruction of their already experienced harship people, overburdened country and bantustanized nation.

 

So, any article you've seen or come across that advocates for peace iyo dhexdhexaadin, baliis contribute. It is the sole opening and raison d'etre of this thread.

_________________

 

Ururka Al Islaax oo sheegay inuu guddi u saaray sidii u dhex dhaxaadin lahaa Dowladda iyo Maxkamadaha

 

Xubno ka tirsan Ururka Al-islaax ay shaaca ka qaadeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho in ay saareen Gudi ka kooban 7 xubnood oo uu gudoomiye u yahay C/raxmaan Baadiyoow, kuwaas oo dhexdhaxaadin doonaan Golaha Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

haddaba war ay soo saareen Ururka Al-Islaax loona qeybiyay Saxaafadda ayaa waxaa u qornaa sida tan.

 

Dalkeenu wuxuu marayaa marxalad adag oo uu qarka u saaranyahay dagaallo sokeeyo iyo faragelin shisheeye, oo wajiyo badan leh, gaar ahaan mid milateri.

 

waxa uu shacbiga soomaaliyeed soo dhaweeyay, xarakada Islaaxna ay taageertay heshiiskii Khartuum, ee ay wada gaareen Dowlada Federaalka Kmg ah iyo Golaha maxkamadaha Islaamiga ee Somaaliyeed. heshiiskaas oo dhaliyay rajo cusub iyo yididiilo nabadeed. hase -yeeshe, waxaa soo ifbaxaya caqabado cusub oo daciifin kara dib - u -heshiissiinta iyo arimo u muuqdo ifafaalo dagaal.

 

waxaa la hubaa hadii aan soomaalidu heshiin in faragelin shisheeye ay sii xoogaysanayso, dalkeenuna uu halis ugu jiro in ay ka lunto qaranimadiisa iyo midnimadiisuba.

 

Sidaa darteed,waxaa lama huraan ah in Dowlada Federaalka Kmg ah iyo Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan dhamaystirka heshiiskii Khartuum. waxaana waajib ku ah waxgaradka Soomaaliyeed iyo Ururada bulshada rayidku inay isu taagaan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo hakinta

waxii dhaawici kara.

 

Hadaba, Xarkada Islaax, ayada oo ka ambaqaadeysa dareenkaas, gudaneysana waajibka dib u heshiisiinta ee diinteena Islaamku ina farayso, waxay magacowday. [Read here the magacyo of the guddiga.]

 

hawlaha gudigaas waxay noqonayaan la xiriirka DFKMG, Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee soomaaliya, iyo dhamaan xoogagga nabadda iyo dib u - heshiisiinta si loogu wada shaqeeyo dardargelinta hawlaha dib- u - heshiisiint , iyo najixinta shirka Khartuum.

 

Nabad I

________________

 

Warbixin uu Magaalada Nairobi ka soo saaray Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall ayaa loogu baaqay Dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo maxkamadaha Islaamka in ay txigeliyaan heshiiskii Colaad joojinta ee ay ku gaareen Magaaalada Khartoum.

 

Danjire Fall waxaa uu ugu baaqay labada dhinac in ay maleeshiyooyinkooda xakameeyaan, isla markaana ay dib u sii amba qaadaan wada hadalladii uga furmay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan 22-ka bishii June ee aynu ka soo gudubnay.

 

Danjiraha wuxuu sheegay in hoggaanka Dowladda Federaalka iyo wakiillada Maxkamadaha Islaamka ay sameeyeen bilow wanaagsan markii ay bishii hore ku kulmeen Magaalada Khartoum, wuxuuna labada dhinacba ugu baaqay in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara in ay iska hor imaadyo dhexmaraan.

 

Fall waxaa uu sheegay in haddii aan nabadgelyo laga helin dalka Soomaaliya ay adkaan doonto in gargaar ay u baahan yihiin lala gaaro dad badan oo ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya

 

Hadalkan Ambassador Fall ayaa wuxuu ku soo beegmayaa kadib markii ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya ay gudaha u galeen Dalka Soomaaliya, iyadoo taasina ay keentay in ay Maxkamadaha Islaamka ku hanjabaan in ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina arbacadii aynu ka soo gudubnay ayuu Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay qabsanayaan fariisin ay Dowladda Federaalka ka taliso, isagoo taasina ku tilmaamay daan-daansi ay Maxkamadaha wadaan, wuxuuna ugu baaqay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

 

Nabad II

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Maxkamadaha Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay labduba inay ka qaybgalayaan shirka lagu Sudan oo lagu wado inuu dhawaan ka furmo Magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

 

"Annagu waxaan go'aan ku gaarnay inaan ka qaybgalno shirka Sudan, innagoo eegayna danta shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed maanta isagoo la hadlayay warbaahinta dibadda dalka.

 

Warkaan oo u siiyay Sheekh Shariif Website-ka Allafrica ayuu ku sheegay in ay go'aankooda ay ku gaareen inay ka qaybgalaan shirka Sudan uu yahay mid ay ugu daneynayaan shacabka Soomaaliyeed balse aysan cid kale ugu daneynayn.

 

"Waxaan ka qaybgalaynaa shirka Khartoum oo aan la hadlaynaa Maxkamadaha innagoo aan wax shuruud ah ku xirayn" ayuu sidoo kale C/raxmaan Diinaari u sheegay isla webkaas, waxaana uu caddeeyay in go'aankaan uu yahay mid ugu daneynayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Dowladda iyo Maxkamadaha ayaa u muuqda inay ku daaleen diidmo fara badan oo ay dhowr jeer ku diideen ka qaybgalka shirkii lagu waday inuu ka furmo Sudan 15-kii Bishii July kaasoo ahaan lahaa wajigii labaad ee Shirka, balse wxuuu soo gaaray 15-ka bishaan oo maanta ku beegnayd, balse dib mar kale loo dhigay.

 

Arrintaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweynaya dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay tani ka dhigaysaa tallaabo horumar leh oo ay labada dhinacba horay u hijiyeen.

 

Xigasho

________________

 

Nabad iyo tanaasulid wax dhaanto ma jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this