General Duke Posted August 15, 2007 Ciidamada dawlada somalia oo maalmahan hawlgalo baaxadle kawada gobolka Sh/hoose iyagoo gaaray duleedka jilib ee gobolka Jubada hoose. Dawlada somalia ayaa ciidamo xoogan u dirtay gobolka Sh/hoose iyadoo ciidamadaasi ay hawlgalo burcad sifayna todobaadkan oo dhan kawadeen jidadka isku xira Banaadir iyo Sh/hoose iyo sidoo kale Sh/ hoose iyo Jubooyinka iyadoo dagaalo dhawr jeer ku dhexmareen wadooyinka muhiimkaa maleeshiyooyin ay isbaaro u tiilay jidadka soo gala marka iyo ciidamada amaanka oo iyagu laba jibaaray hawlgalada ay wadaan. Ciidamada dawlada oo horay usoo galay gobolka inay xoojiyaan maamul dhawaan dawlada somalia magacowday ayaa markii dambe hawlohooda ku balaariyay gobolka oo dhan iyagoo shalay gaaray Duleedka magaalada jilib halkaasoo ay isbaarooyinka qaadeen. dhaqdhaqaaqa ciidamadan ayaa cabsi wayn laga dareemay magaalada kismaayo oo kooxaha haystaa ay sheegeen in iyaga lagu soo fooleeyahay arintaasoo aysan wali dowladu shaacin marka laga reebo warar hoose oo sheegaya in hawlgaladu ay socon doonaan ilaa xuduudka wadanka Kenya ay lawadaagto somalia. Ciidamada dawlada ayaa sidoo kale waxay horay isugu dheceen kooxo la sheegay inay ka tirsanaayeen maxkamadihii horay uga arimin jiray gobolka iyadoo kooxahaasi markii dambe ay kala firdhadeen oo dadkooda kala dhexgaleen. Dawlada somalia ayaa u muuqanaysa mid siwayn isugu balaarinaysa dalka iyadoo dhawaan maamul cusub oo loo magacaabay gobolka hiiraan uu bilaabay hawlo baaxadle oo lagu sugayo amaanka Gobolka Hiiraan iyadoo ciidamo dawladu leedahay ay bilaabeen inay hoondayn ka sameeyaan xiliyada hamaynkii iska isku xira gobolada dhexe sida Hiiraan iyo galgaduud. Allmudug.org news agency Quote Share this post Link to post Share on other sites