General Duke Posted November 12, 2008 Boosaaso: Musharaxiin maanta soo gaaray magaalada Boosaaso 11. November 2008 Boosaaso(AllPuntland)-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland soo gaaray labo Musharax oo u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland, kuwaasi oo ka yimid dibadaha, waxayna xubnahaasi kala yihiin Musharax C/raxmaan Faroole iyo Nuuraddiin Aadan. Musharax C/raxmaan Faroole oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyay garoonka diyaaraddaha ayaa waxaa halkaasi Saxaafadda kula hadlay musharaxa isagoo ugu warbixiyay doorashada Puntland iyo waxyaabihii ku dhaliyay inuu isku soo taago xilka Madaxtinimada Puntland. Mr. Faroole ayaa sheegay in uu ka mid noqdo musharaxiinta in ay ku dhaliyeen dad fara badan kana codsadeen inuu isa soo taago, sidaasi darteedna uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Puntland, wuxuuna sheegay in hadii la doorto uu isbadal ku sameyn doona dhinacyada amaanka iyo dhaqaalaha. Degmooyinka Puntland ayaa waxaa si rasmi ah ugu bilowday olalaha doorashada Puntland, iyadoo musharax walba uu booqanayo magaalooyinka waaweyn ee Puntland si ay dadka ugu sharxaan musharaxnimadooda. AllPuntland, Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 12, 2008 Musharax Faroole oo soo gaarey magaalada Bosaso 11 Nov 11, 2008 - 11:38:07 AM Waxaa maanta Nov 11, 2008 soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari [Puntland] Mushrax Cabdiraxman Maxamad Farole isaga oo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhoweeyeen dadweyne aad u farabadan kuwaasoo ka tirsanaa qaybaha kala duwan ee bulshada. Musharaxa oo hadal kooban warbaahinta ku siiyey garoonka diyaaradaha ee Bandar qaasim Airport ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii halkaas ku soo dhoweeyey isaga oo sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu soo noqshada Puntland. Markas kadib ayaa musharax waxaa loo soo galbiyey Hotelka uu ka dagay magaalada Bosaso isaga oo halkaas kula hadley saxafaada ka howlgasha degaanada Puntland. Cabdiraxman Faroole oo halkaas hadal ka jeediyey ayaa kadib warbaahinta waxaa ay su'aalo ka waydiisay safarkiisa iyo qorshaha musharaxnimo. Waxaa xusid mudan in saxafiyinta waydiiso su'aal la xiriirtey mowqifkiisa ku aadan in xukuumada Puntland magacowdo guddiga ansaxinta iyo xalinta khilafaadka xubnaha Barlamanka ayaa ku jawaabey ineysan aheyn wax Dasturi ah balse hadii aysan jirin sharci hore oo qeexaya waa lagama maarmaan in Xukuumadu magacowdo eedii ka timaadana iyadu qaado. Dhinaca kale waxaa islamaanta ka soo dagey garoonka diyaaradaha Bosaso Musharax Nuradiin Aadan Dirie. Maamul goboleedka ayaa waxaa ka bilowdey olilihii dorashiinka iyada oo musharaxiin badan ku soo qulqulayaan gudaha Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 12, 2008 Garoowe: Musharax Axmed Saciid Aw-nuur oo khado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah Haweenka Puntland 11. November 2008 Garoowe(AllPuntland)-Axmed Saciid Aw-nuur oo ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Puntland ayaa maanta khado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah haweenka Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe, isagoo khudbad uu kaga hadlayey barnaamijkiisa ku aadan ololaha doorashada xilka Madaxweynenimo u soo jeediyay. Axmed Saciid Aw-nuur oo horay u hayey xilka Wasiirka Dekaddaha ee Puntland ayaa ka degay xilkii uu ka hayey xukuumadda xiligan jirto, wuxuuna ku soo biiray musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Musharax Axmed Aw-nuur ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed mudadii burburka ay kaalin muuqata oo wax ku ool ah ka qaateen dib u dhiska dalka iyo nolosha qoyska, sidaasi ay tahayna maamulada jira aysan ka dhex muuqan gaar ahaan maamulka Puntland oo ay ku lahaayeen tiro yar, wuxuuna ka codsaday haweenka in ay ku taageeraan ololaha uu ugu jiro xilka ugu sareeya Puntland. Mr. Axmed Aw-nuur ayaa u balan qaaday haweenka Soomaaliyeed marka uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Puntland in haweenka Puntland ay kaalin muhiim ah ku yeelan doonaan xukuumadda iyo hey'addaha dowladda, isagoo ku amaanay Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay horumarinta dhinaca arrimaha qoyska iyo haweenka. Axmed Saciid Aw-nuur ayaa mar uu ka hadlayey dhinaca dhaqaalaha uu sheegay in Puntland dhaqaalaha ka soo xarooda dalka uu ku filan yahay guud ahaan mushaarka shaqaalaha dowladda iyo difaaca dalka, isagoo xusay in dhaqaalaha ka soo xarooda dekadda iyo ilaha kale loo maamulo si qaldan. Mas'uulkan ayaa si kulul u weeraray xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamuud Muuse Xersi, isagoo ku eedeeyay in ay wax badan ka qaban weyday xaaladaha ka jira Puntland sida amniga, burcad badeeda, sicir bararka iyo soo celin la'aanta deegaanada ka maqan Puntland. Mas'uul kasta oo u tartamaya xilka Madaxtinimada Puntland waxaa uu hal qabsi ka dhigtaa inuu wax badan ka qaban doono arrimaha sicir bararka, soo celinta amaanka iyo deegaanada ka maqan Puntland, waxayna musharaxiinta ka wada siman yihiin eedeymaha ay u jeedinayaan Xukuumadda xiligan shaqeyneyso. AllPuntland, Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites