Sayyid Posted January 20, 2006 Madaxwenaha DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed. SomaliTalk.com | Soomaaliya Madaxweyaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade) ayaa intii uu Garoowe ku labtay kormel ku sameyey sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha DGPL iyo Ciidamada waxaa ka mid ahaa Meelahuu Kormeerka ku tagay Xerada Tababarada Ciidanka Daraawiishta ee 54aad, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Qorshaynta iyo Hay,da Wadooyinka Nesha. Waxaa uu Madaxweynaha DGPL ka dhageystay Warbixin Madaxdii halkaa Joogtay. Waxaa kalo madaxweynaha DGPL uu Booqosho ugu tagay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo mudo aad u dheer ay shir wada galeen ayadoo loo diiday Saxaafada oo aan la shaacin waxa ay ka wada hadlayeen ayaa hadana waxaa uu madaxweynuhu waday wada Tashi Waxgaradka iyo Isimada si uu u helo Talo midaysan oo lagu soo xulo Wasiiro Waxqabad leh. Sawiro la xiriira booqashadii Cadde Muuse ee Garoowe hoos ka eeg. Quote Share this post Link to post Share on other sites