Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al Shabaab maxaa kala haystaa?

Recommended Posts

Afhayeenka Xarrakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheeka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee Shabaab ayaa shalay galab goob fagaare ah kula hadlay dadweyne la isugu yeeray degmada Baardheere ee gobolka Gedo kuwaasoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

 

"Waxaad la socotiin in cadowga Ilaahey ay qorsheynayaan in ay la soo kordhiyo ciidamadooda Afrikaanka calooshod u shaqeystayaasha, marka waxaa la idinka rabaa in idinka iyo haweenkiina iyo carruurtiinaba ay u kala harin jihaadka oo aad dhinaciina ka kordhisiin halganka looga hortagayo cadawgaasi ku soo duulay dalka iyo diinta" ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo .

dadkaasi tabaaleysan ee tooda heysata ku booriyay in ay dagaalamaan.

 

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in loo baahanyahay iskaashiga walaalaha Muslimiinta iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan si ay u gaaraan horumar iyo baraare, wuxuuna odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dibu heshiisiinta laguna midoobo Kitaabka ALLE iyo Shareecada Islaamka.

 

Abuu Masuur ayaan marnaba soo hadal qaadin erayo ka hadlaya dagaalada iyo waxa loogu yeero Jihaadka kaasoo laga dheehan karo dabacsanaan iyo inuusan ku qanacsaneyn qaabka aan dhamaadka iyo natiijada laheyn ee ka jira dalka gaar ahaan Muqdisho, isagoo horay ciidamadiisa ugala baxay gobolada Banaaadir, Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

 

Booqashada Masuuliyiinta ee Baardheere ayaa warar hoose oo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan inay hordhac u tahay kulan balaaran oo ay yreeshaan Al-shabaab iyo Xisbul ISlaam garabka xasan Daahir Aweys kaasoo la qorsheynayo in lagu dhiso isbaheysi Islaam ah oo cusub kana madax banaan labada Urur ee Shabaab iyo Xisbiga, iyadoo mudada ay joogaan masuuliyiintaas magaalada Baardheere lagu soo rogay Bandow bilaabanaya Maqribkii ilaa waaga ka baryo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this