Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Millitary officers graduate

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Casuumad u Sameeyey Saraakiil Millatari ah oo ka soo Qallinjabiyey Itoobiya

 

 

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md. Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa shalay casuumad soo dhaweyn ah huteel Maansoor ugu sameeyey dufcaddii labaad ee saraakiil milatariga Somaliland ka tirsan oo ka soo qallinjabiyey waxbarasho dalka Itoobiya.

 

 

Saraakiishan oo tiradoodu dhan tahay 17 waxay muddo afar sanno iyo badh ah jaamacad ku taala dalka Itoobiya ku soo qaateen culuunta Ingineerka milatariga, waxaanay hadda oo ay soo dhammaysteen aqoontoodii dib ugu soo laabteen Somaliland.

 

 

Hoggaanka tababarada ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed oo casuumaddaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiishaas cusub ee soo qallinjabiyey, isagoo mahadnaq ballaadhan u jeediyey sida ay waxbarashoodii ugu samreen muddadii afarta sanno iyo badhka ahayd ee ay dhiganayeen.

 

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya oo dalkeeda saraakiishani wax ku soo barteen ay Somaliland ka caawiso deeqaha waxbarashada iyo dhinacyada tababarada. Waxaannu tilmaamay in saraakiishan laga xushay ardayda dugsiyada sare ee dalka muddo.

 

 

Taliyaha oo la hadlayey saraakiisha ciidanka ee soo qallinjabiyey, waxa uu kula dardaarmay in cilmiga ay soo barteen ay ugu shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ugu samraan oo ay mutadawacnimo ugu shaqeeyaan, isagoo u ballanqaaday in kor loo sii qaadi doono aqoontooda.

 

 

Sidoo kalena, Wasiirka Gaashaandhig Md. Saleebaan Warsame Guuleed oo isna hadal u jeediyey saraakiisha casuumadda loo sameeyey, ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland maanta marayo heerkii ugu fiicnaa, isla markaana ay u soo baxeen Ingineero wax badan ka tari doona dhinaca cilmiga tiknolojiga iyo aqoonta sare ee ciidanka.

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil soo dhamaystay culuunta millatariga oo soo dhawayn loo sameeyey

July 9th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa(Somaliland.org)-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu soo dhawaynayay 17 ka mid ah Ciidamada Millatariga oo dalka Itoobiya ku soo dhamaystay waxbarashada Engineerinka iyo Culuunta Millatariga qaybo ka mid ah, kuwaasoo qada-sharaf shalay loogu sameeyey Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladdan qado-sharafta ahayd ee lagu maamuusayay 17 kaas dhalinyarada ah ee waxbarashada soo dhammaystay oo dhawaan dalka ku soo laabtay ka dib markii ay dhawr sano mid ka mid ah Kulliyadaha Ciidamada Itoobiya ku baranayeen culuun kala duwan, isla markaana ka sokow Wasiirka waxaa Munaasibaddaas ka qaybgalay Taliyayaasha Ciidamada Millatariga, Booliska, Saraakiil kala duwan oo ciidamada ka tirsan iyo marti-sharaf kale.

 

Ugu Horreyn Wasiirka Gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed, oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko 17 sarkaal ee dhalinyarada ah ee soo dhamaystay waxbarashada kala duwan, waxaanu hambalyo u soo jeediyey dhalinyaradan soo qalin-jabiyey Waxaanu ku amaanay dedaalka ay muujiyeen.

 

Waxa iyaguna munaasibadan ka hadlay labada taliye ciidan Maxamed Saqadhi Dubbad iyo Nuux Ismaaciil Taani oo kula dardaarmay dhalinyaradan soo dhamaystay culuunta kala duwan inay ummadooda ugu shaqeeyaan waxa ay soo barteen,

 

Waxaanay u soo jeediyeen inaanay iska waynaynin shaqada ay soo barteen sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen oo aanay wax kale ku doonin, balse ay ogaadaan cidda u sahashay inay wax soo bartaan inay qaranka tahay, sidaa daraadeedna, uu qaranku uga baahan yahay in muuqato waxyaabaha ay soo barteen oo ku dabaqaan hawl-maalmeedkooda shaqo ee ay qaban doonaan haddii Illaahay yidhaahdo.

 

Source somaliland.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

jacayl baro , cowke wuxu moodaya , ardeydii reer bugland eeh sudan ka qalin jabiisay oo kalle eeh xirfada budhcad badeedka so bartay, eeh sawiiradooda sidi celebratyga lo qaadi jiray

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xaji are you scared to show your soldiers? ileen 400,000 people ba tihin ee ciidan badan kama sugayo halkas afar ama shan ciidan wato dharka rumble in the jungle ma wayday?

 

Somaliland small population size causes this lack of infantry and from what I read also the soldiers in somaliland work part time lol so maybe they were shoe busying shoe shining in town this day maybe next time hey.

 

By the way why are they going to ethiopia to get trained for? don't they have their own facility to train their soldiers? :confused:

 

Let me give you a hint, never train your soldiers in ethiopia it's bad luck because these are the same guys who rain away from hamar so if your getting trained by chickens guess what u will become?

 

Puntland trains it's own soldiers sxb, because we are confident in defeating our enemies both in hamar and hargeisa and we did it before. That's why you hear of hardly any puntland casualties in hamar and its dued to the well training our boys get.

 

I am going for my 6 months training at carmo and asking to be get posted at tukaraq and believe me our soldiers are all mixed and everyone is everywhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this