General Duke Posted September 27, 2005 Barre Hiiraale oo maanta kulankii baarlamanka ka soo jeediyey in wadahadal lala furo xubnaha dowladda ee Jowhar ku sugan September 27, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Fadhigii baarlamaanka ee xubanaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ay maanta ku yeesheen hotel Saxafi ayaa loo diiday Saxaafadda in warbixin laga siiyo natiijadii ka soo baxday kulankaas. Fadhiga baarlamaanka ee ay xubnaha labada gole ku yeesheen magaalada Muqdisho oo hore ay caadadu aheyd in markuu dhamaado warbaxin laga siiyo saxaafadda ayaaney maanta dhicin sidii looga bartay xubnaha labada gole inay uga warramaan saxaafadda natiijada kulankooda, waxaana jirtay in maanta markii uu soo dhamaaday kulankii xubnaha baarlamaanka ay xildhibaanada saxaafadda dhabarka u jeediyeen oo ay ku kala dareereen. Arrintaas oo Saxaafadda ku noqotay mid ay aad ula yaabeen, inkasta oo aan la hubin sababta saxaafadda loogu diiday xogta kulankaas ka soo baxday ayaa dhinaca kale warar ku dhow dhow xildhibaanada waxa ay sheegayaan in xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan aaney jecleysan qaabka saxaafadda u tabiso wararka ka soo baxa kulamada baarlamaanka. Sidoo kale warar laga soo xigtay xildhibaanada qaarkood oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa sheegaya in kulankii maanta looga dooday qodoba uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale oo ku saabsanaa in wadahadal lala sameeyo mus’uuliyiinta dowladda fedraalka ee ku sugan magaalada Jowhar si loo dhameeyo khilaafka dowladda ka dhex jira si tanaasulaadna u yimaado. Fikirkaas ayey si weyn uga soo horjeesteen xubna ka tirsan dowladda fedraalka oo iyaga Muqdisho ku sugan waxaana sidoo kale jirta in aan wax is afgarad ah laga gaarin qodobka uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale iyo qodoba kale oo aan la shaacin oo kulankaas lagu soo qaatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jumatatu Posted September 27, 2005 Barre Hiiraale oo u sheegay maanta xubnaha labada gole ee Muqdisho in uu la soo xiriiray C/llaahi Yuusuf kana codsaday in uu dhex-dhexaadiyo xubnaha Muqdisho & Jowhar ku sugan Warar ku dhow dhow shirkii maanta ay hotelka Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole dowladda federaalka ee ku sugsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka mid ah xubnihii kulankaasi ka qeybgalay in uu ka codsaday xubnaha Muqdisho in ay ka ogolaadaan in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinaca dowladda ee ku kala sugan Muqdisho & Jowhar. “Waxaa ila soo xiriiray madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna iga codsaday in aan dhex-dhexaadiyo labada garab ee dowladda federaalka, idinkana waxaan idinka codsanayaa in aan dhinaciina iga aqbashaan arrintaasi dhex-dhexaadinta ah†ayuu ka yiri wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo sheegay in haddii aanan si degdeg ah loo xalin khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka in taasi ay soo dedejin karto burbur ku yimaada dowladda federaalka. Xubnaha labada gole Muqdisho ayaa ogolaaday codsiga dhex-dhexaadinta ah ee uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Hiiraale. C/shakuur Cilmi Xasan-Dayniile-Muqdisho-Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 28, 2005 so Dayniile.com is more reliable than Horn Afrik? Wonders never seize to amaze.. Quote Share this post Link to post Share on other sites