General Duke Posted April 26, 2007 Kismaayo: Qodobbo la isla gartay shirkii Kismaayo. 26. april 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Shirkii magaalada Kismaayo uga socday wafdigii dawladda Soomaaliya iyo mid kamid ah odayaasha beelaha Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo dhowr ah. Intii aysan qodobbadan soo bixin waxaa la isla la lafa guray waxyaabihii keenay in dagaalladu ka dhacaan magaalada Kismaayo. Qodobada la wada gaaray waxaa kamid ah in odayaashu ay u hawl galaa sidii ay dib usoo celin lahaayeen dhammaan hubkii , saanaddii iyo isgaarsiintii kooxaha hubaysan ka bililiqaysteen xarumaha dawladda, In magaalada ammaankeeda ay dib ula wareegto dawladda federaalka, In dib danbe aan dagaal looga abaabulin Kismaayo iyo in dib ay magaalada Ugu soo noqdaan saraakiishii dawladda ee halkaasi ka tagtay. Odayaasha shirka ka qayb galay ayaa sheegay in qodobbada ay soo jeedisay dawladdu ay soo dhawaynayaan. Tikiniko , iyo saanad kale oo ay lahayd dawladda federaalka Soomaaliya ayaa gacantooda galay malleeshiyaadkii dhawaan magaalada Kismaayo la wareegay, taasoo qaarkeed dad shacab ah gacantooda kusii wareegay. Iminka xaaladda Kismaayo waa daggan tahay , waxaana dadku ay wada sugayaan sida ay u hir galayaan qodobbada lagu heshiiyay. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2007 KISMAAYO: Kulan maanta ka dhacay Kismaayo oo lagu wareejiyay Tikniko iyo Hub ay gacanta ku haysay Beesha **** iyo qodobbo... Posted to the Web Apr 26, 15:37 Kismaayo (PP) - Xubnaha Beelaha **** oo maanta ay kulan yeesheen wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ku sugan Kismaayo ayaa waxay ku wareejiyeen dowladda dhammaan hubkii ay ku qabsadeen dagaal dhawaan ka dhacay Kismaayo. Xubnahaan maanta shirka la qaatay wafdiga ka socda Dowladda ee uu horkacayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Gacmo-dheere ayaa waxay sheegeen inay hubkaas u hayeen dowladda ayna ku wareejiyeen, iyagoo sheegay in ciidammadii dagaalkaas ka qaybgalayna ay weli yihiin kuwii dowladda. Kulankaan ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa lagu lafa guray sababta dhabta ah ee keentay dagaallo qaraar oo ka dhacay Kismaayo dhawaan, taasoo keentay in beesha **** malleeshiyo ka tirsan ay gacanta ku dhigaan Kismaayo, isla markaana uu wafdigaas tago Kismaayo. Xubnaha Beesha **** ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu ka billowday weerar lagu soo qaaday iyagoo warqado qoraal ah oo ay kaga cabanayaan dagaalkaas u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere). Wasiirka ayaa wuxuu sheegay mar uu ka hadlay kulankaas in kulanka uu ahaa mid wanaagsan kuna soo dhammaaday is-afgarad buuxa. Waxaana lagu wadaa masuuliyiinta dowladu ay maanta la kulmayaan dhanka kale ee Beelaha *****ga iyo Absamaha ayaa markii ugu horaysay yeeshay hal afhayeen iyo 15 xubnood oo ay ku wada dhan yihiin , waxayna afhayeen u magacowdeen Ugaas boqow, si ay u la kulmaan wafdiga dowlada. Kulankii maanta ayaa la sheegay in lagu soo bandhigay laba qodob oo mid uu ahaa in la wareejiyo hubka dowlada oo aan wax shuruud ah aysan ku xirnayn ,taasna ay u dhacday sidii la rabay , sidoo kalena baaritaan ayaa weli dowladu ku wadaa in lagu sameeyo sababta dhabta ah ee keentay dhibkaatada jirta oo dhan , si cidii danbigaa lahayd dusha looga tuuro. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 26, 2007 Fair and balanced...Dear Duke...Where is Gedonet on all this? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2007 ^^^Did you think I would be unfair to my kisnmen? http://www.gedonet.com/index.php?news=1352 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 26, 2007 LoooooooooooooL......I didn't know reer Gedo was your kinsmen. I guess that explains why Xamar got the wrong end of the deal. But I am glad useless tribal war was averted!! Thanks for the link Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2007 Wasiirka Arr/Gudaha DFKMG oo Kismaayo kula kulmay Beelaha **** iyo Kablalax Last Updated::2007-04-26 14:34:43 Kismaayo:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Soomaaliya Md.Maxamed Maxamuud Gacmodheere ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay beelaha deegaankaasi ku dhaqan. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyey oo balaaran oo uu Wafdiga Dowlada Federaalka ka socda oo shalay soo gaaray Kismaayo la yeesho xubno kamid ah odayaasha beelaha ku dhaqan deegaanka si loo xaliyo khilaafkii keenay dagaaladii ka dhacay magaalada. Wafdigan ayaa Hotel Maridian ee magaalada Kismaayo kula kulmay labo guddi oo ka kala socda Beelaha Kablalax iyo **** oo la sheegay in ay xurguf ka dhaxeyso. Odayaasha Beesha **** kasoo jeeda oo sheegay in maleeshiyooyinka ku sugan magaalada Kismaayo aysan kasoo horjeedin Dowlada Federaalka ayna taageersan yihiin ciidamada Dowlada ay dib magaalada ugu soo noqdaan. Sidoo kale Beesha Kablalax oo uu Wafdigan la kulmay ayaa loo gudbiyey baaq ka yimid dhinaca DFKMG oo looga codsanayo in aysan qaadib wax abaabul dagaal qabiil ah oo saameyn ku yeesha magaalada Kismaayo. Beesha Kablalax ayaa dhinaceedu sheegtay in aysan ku lug lahayn dagaaladii ka dhacay Kismaayo, balse ka digtay dhibaatada ka imaan karta in magaalada ay gacanta ku dhigaan maleeshiyo beeleed, taasi oo jidka u furi karta amni xumo horleh. Dowlada Federaalka ayaa hordhigtay Beesha **** in marka hore ay ogolaadaan in hubkii dowlada dib loogu cesho, marka xigtana ay ogolaadaan in Amarka iyo maamulida Magaalada Kismaayo loo daayo Dowlada Federaalka Soomaaliya. Wafdigan ayaa sidoo kale kormeer ku tagay dekkada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada oo halkaasi gacanta ku haya ayadoo ay wasiirada Kismaayo ku sugan rajo weyn ka muujiyeen in lasoo afjaro khilaafkan mar dhaw. Wafdiga uu hogaaminayo Mr.Gacmodheere ayaa lagu wadaa in ay kulamo dheeraad ah lasii yeeshaan beelaha kale ee ku dhaqan deegaanka. Ahmed Musse HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2007 Che, how are reer Gedo not my Kinsmen? As for Mogadishu it has been deliverd from the hands of the looters inc. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 26, 2007 Originally posted by General Duke: Che, how are reer Gedo not my Kinsmen? As for Mogadishu it has been deliverd from the hands of the looters inc. Duke...Whoever opposes you politically is not your kinsmen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted April 26, 2007 Duke, I do not understand Duke, I really do not. The title says "Kismayu: TFG get all it wants". What were the people in question withholding or refuse to give to begin with? While the fiasco was unfolding and some commentators were speaking of hearsey, did I not say this is nothing but a popular uprising towards Afgaduud? Nothing else, nothing more? That Afgaduud went because he had reason to go but the mayor did not leave because he had no reason to fear for his life? Did the people in question not say from the outset the captured weapons would be turned over to the TFG Defense Ministry? I mean I do not understand, what did the TFG ask that the people in question had not already offer? Che Guevera, Duke's only kinsman is the one whom he deems is not carrying arms towards Abdullahi Yusuf. He has no other kinsman, it is why his kinsmen keep fluctuating. Mar waa Hussein Aydiid, marna maaha. Marna waa Qeybdiid, marna maaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 26, 2007 ^^^LoooooooooooL That explains why my subclan is not the terrorist list. Reer Gedo was close though. Is Afgudac gonne be part of the TFG that comes back? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted April 26, 2007 Kullanka ugu horeeyay oo ka dhacay hoteelka Maredian ee uu wafdigu degan yahay ayaa waxaa ay kula kulmeen beesha **** oo u gudbisay qoraalo ay ku diyaariyeen khilaafkii sababay dagaalka iyo tabashadooda ku aadan Xukuumada soomaaliya. Wafdiga saddex geesoodka ah ee uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) ayaa waxaa ay beesha **** hordhigeen in ay ogolaadaan in xubnihii laga adkaaday ay dib ugu soo laabtaan gudaha Kismaayo iyo in dawlada KMG ah ay ku wareejiyaan talada Kismaayo oo haatan ay beeshu gacanta ku hayso. Masuul ka tirsan beesha **** ayaa Gedonet u sheegay in ay ogolaadeen qodobadaas uu wafdigu soo bandhigay isla markaana ay jiri doonaan kullamo kale oo kan daba socon doona. Hoteelka Maridian ayuu sidoo kale wafdigu kula kulmay beesha Kablalax oo ay isla soo qaadeen khilaafkii sababay dagaalka iyo sida haatan ay dawladu dib uga hanan karto talada kismaayo. Wafdiga ayaa ka dalbaday beesha Kablalax in aysan samayn wax abaabul dagaal ah islamarkaana ay hogaan samaan awaamiirta dawlada KMGa ah. Masuul ka tirsan beesha Kablalax ayaa Gedonet u sheegay in ay ka gudoomeen wafdiga qodobada ay u soo jeediyeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted April 26, 2007 Che, why come back to a city you will need to have bodyguards covering every every single inch of you every time you walk outside? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2007 Horn, whats wrong with the title, the TFG gets all that it wanted, a return of the loot, an investigation to the real cause of fighting and the troops will come back to the city without much fuss from the clan militia. We all win right? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted April 26, 2007 Duke, you are brimming with confidence. Adeer, none can take on a peacock at its most proud so I will leave you alone since there isn't an argument at all. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2007 ^^^Indeed the TFG has wiped out the Looters Inc in Mogadishu that gives me allot of confidance. As for Kismayu I knew logic would prevail old boy. Peace insha Allah Quote Share this post Link to post Share on other sites