ANWAR Posted January 2, 2010 Shabelle: DHUUSAMAREEB. Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca ee ka arimiya qeybo kamid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay Caawa gacanta ku hayaan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Saraakiil katirsan maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo lahdlay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in galabta uu mar kale dagaal ka dhacay qeybo kamid ah degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wajamaaca iyo Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Waxa ay sheegeen Saraakiishaasi in caawa ay iyagu gacanta ku hayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud islamarkaana ay ka saareen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kamadaxbanaan sheegashada maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay sheegeen in ay caawa gacanta ku hayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta goolka Galgaduud oo maanta ay dagaal kula wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites