Sign in to follow this  
General Duke

List of lies from so called Islamic courts...

Recommended Posts

Faalo: Maxkamadaha Islaamiga Muqdishu been ma sheegaan?

Posted to the MOL September 27, 2006, 8:04 am

 

 

Kooxaha Maxkamdaha Muqdishu ee magaalada kismaayo xooga ku qabsaday ayaa waxay sheegtaan inay yihiin koox u socota inay diinta alle u adeegaan una sahlaan dadka somaliyeed sidii ay diinta islaamka isugu xukumi lahaayeen.

 

 

Haddaba arimaha illaa hadda dad badan oo diinta jeclaan lahaa in la isku xukumo ka yaabisay oo ka didisay ayaa ah markay arkeen niman culumo sheeganaya oo haddana been cad maalin walba sheegaya. Dadka muslimka dhabtaa ayaan lagu aqoon inay been sheegaan. Haddaba imisay le'eg tahay beenta illaa hadda Maxkadaha Muqdishu sheegeen? Hoos ayaan ku soo aruurinay beenta maxkadaha ee 2 bilood ee u dambeysay:

 

 

Waxay horey u sheegeen inaysan Kismaayo qabsan doonin taas oo ay buriyeen oo haatan ay magaaladdii xoog ku qabsadeen.

 

 

Xasan Turki oo wata ninka wata ciidanka Kismaayo qabsaday ayaa maalmo ka hor intuusan Ksimaayo tegin sheegay inuusan Kismaayo u socon ee u socdo Afmadow. taas oo been noqotay oo meesha xasan turki u socdayna ay ahayd kismaayo. Mar wax laga weydiiyay maxaa kismaayo ku keenay maadaama aad u socotay degmada afmadow ayuu ku jawaabay; annigoo meeshaan maraya ayaa arkay magaalada oo la baneeyay markaas ayaan ku soo leexday si aan u sugo nabada.

 

 

Ciidanka Yuusuf Indhacadde oo xoog ku haysta magaalada Marka ayay waxay maxkamadaha muqdishu ku tilmaameen magaalada Marka meel ay maxkamaduhu gacanta ku hayaan oo aysan ka jirin wax takri fal ah oo ka dhan ah xaquuqda dadka deegaanka. Taas oo been ah iyadoo la soo xaqiijiyay in dadka Sh/hoose ay caadamada Indhacadde ku hayaan dhibaatooyin ka baxsan bini'aadninimada.

 

 

Waxay kooxaha Maxkamaduhu inkireen inay ciidamo shisheeye keeneen wadanka. Haddana waxaa la arkay Xasan Turki oo isagoo Kismaayo ka qudbaynaya ku faanaya inay wataan kooxo ajnabi ah. Waxaa kaloo Kismaayo lagu arkay ciidamo ajnami ah wajigu u duuban yahay.

 

 

Waxay Inkireen in calankii Somaliya ay gubeen kuna badaleen mid ay kale oo iyagu samaysteen.

 

 

Waxay inkireen in dad ku dhinteen mudaharaadkii Kismaayo ee looga soo horjeeday qabsashadooda magaalada kismaayo.Iyadoo la soo xaqiijiyay in 3 qof ku dhinteen maalintii ugu horeysay ee mudaharaadka oo ku jiray wiil yar oo dhawr iyo toban jir ah.

 

 

Waxay ku sheegeen mudaharaadkii Kismaayo ee looga soo horjeeday mid ay ka dambeeyeen dumarka jaadka gada, iaydoo la soo xaqiijyay in dadka Kismaayo aysan ukala harin mudaharaadkaas oo wali socda.

 

 

Waxay horey u sheegeen inaysan marnaba weerari doonin magaalada Jawhar ugu dambeyna magaalada Jowhar xoog ayay ku qabsadeen.

 

 

Waxay sheegeen inaysan Puntland weerari doonin, haddana 2 bil ka hor ayay ciidan ay ku saareen laga soo cayriyay Puntland ka dib markii dadkii deegaanku isabaabuleen.

 

 

Haddaba kooxo diin sheeganaya oo waxaa oo beena sheegay side loo rumeysan karaa inay rabaan inay heshiis la galaan dawlada KMG ah? Jawaabtu waa sahlan tahay, oo somalidu waxay ku maahmaahdaa; ‘mar idage allaha dago, mar labaad idagase annigaa isdagay’.

 

Waxaa shaki ku jirin in ujeedada maxkamadaha Muqdishu oo xaqiiqdii ah qabiil huwan shaar diimeed inay tahay inay wadanka oo dhan gobol gobol u qabsadaan ka diba dawlad ku dhawaaqaan intaas ka horna ay dadka somalida ku mashquuliyaan heshiis been ah oo aysan habba yaraatee aysan ku talo jirin inay hirgaliyaan.

 

Dawlada Somaliya ayaa hadda laga sugayaa inay la yimaadaan qorshe cusub oo looga hortagayo kooxdaan diinta alle ku qaraabayana oo Wasiirka Gaashaandhiga oo mar heshiis la ahaa ku tilmaaamay horar Muqdishu ka soo yaacay.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Waxay ku sheegeen mudaharaadkii Kismaayo ee looga soo horjeeday mid ay ka dambeeyeen dumarka jaadka gada, iaydoo la soo xaqiijyay in dadka Kismaayo aysan ukala harin mudaharaadkaas oo wali socda.

More then anything else this is what irritates me. You especially see people like the already fascist Jimcaale and Sophist sneering and demeaning true feelings of the people.

 

Midba yaaba yidhi timir iyo hee wax kale ma la siiyo as if he expects us to laugh with him. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think we need to go past individual differences and recent history. The people behind the courts played members of a certain clan against each other for more than a decade now.

 

Look in Mogadishu, Hiiraale became the enemy when he started the Jubaland project.

 

Hiiraale, proved to be his own man when he said NO to Seeraar, Abdiqasin and others.

 

He is not defeated and striped of his support as proven by the reception in Gedo..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this