Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Baarlamaanka Ingiriiska oo la Horkeeni Doono Mooshin lagu Taageerayo Doorashadii SL

Recommended Posts

Baarlamaanka Ingiriiska oo la Horkeeni Doono Mooshin lagu Taageerayo Doorashadii Somaliland

 

Sida uu ku soo warramay weriyaha Jamhuuriya ee London Mr. Khadar Xasan Cali, Agaasimaha xafiiska jaaliyadda Somaliland ee Wales Mr. Cabdikariim Aadan, ayaa weriyaha Jamhuuriya ee London Mr. Khadar Xasan Cali u xaqiijiyey in toddobaayada soo socda mudanayaasha Golaha Baarlamanka Ingiriisku ay cod u qaadi doonaan mooshin ku saabsan in Aqalka Baarlamanka Britain si buuxda hambalyo iyo bogaadin ugu diro shacabka iyo qaranka Somaliland, tallaabadaas oo ah mid lagu taageerayo doorashadii madaxtinimada ee sida dimoqraadiga ah uga qabsoontay Somaliland dabayaaqadii bishii June ee la soo dhaafay.

 

Mooshinkan oo ay saxeexeen shan ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Ingiriiska ee sida weyn ugu ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo uu hormood ka yahay Md. Alun Michael, isla markaana ay ka mid yihiin Md. Tony Baldry, Clive Betts, Gary Streeter iyo Mark Hendrick, ayaa lagu xusay in dimuqraadiyadda Somaliland mudan tahay ammaan iyo bogaadin badan oo dhiirigalisa Jamhuuriyadda da’da yar ee oo labaatankii sanno ee u dambeysay si aad ah uga horumartay dhanka dimuqraadiyadda, taas oo dunida inteeda kale kaga kasbatay ixtiraam badan, waxaanay mudanayaashu mooshinkooda ku xuseen in dhawaan uu u hambalyeeyay raysal wasaare David Camroon, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay dhammaanba xildhibaannada Aqalka Baarlamaanku tahniyad taas la mid ah u diraan Somaliland.

 

Haddaba, mooshinka la filayo in dhowaan Baarlamanka Britain si wadajir ah ugu taageero doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu u qoran yahay sidan:

 

“Golahani (baarlamaanka Ingiriiska), waa inay dadka reer Somaliland ku hambalyeeyaan doorashadii madaxtooyada ee u qabsoontay hannaanka dimuqraadiyada iyo xasiloonida ah, waa inuu hambalyeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka socday xisbiga KULMIYE, iyada oo la ogsoon yahay in doorashadii madaxtooyada ee hore (sannadkii 2003) markii tirada yar lagaga guulaystay uu Siilaanyo taageerayaashiisa ku qanciyey in aanay wax muran ah ka keenin natiijadii doorashada, isaga oo ku yidhi; ‘waynu aqbalnay natiijada oo hada waxaynu nahay dimuqraadi, inaga oo rumaysan in hannaanka nabada ah ee xilwareejintu u dhacayso ay sumcad u tahay madaxweynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale iyo dhammaanba saddexda xisbi ee tartanka ka qaybgalay, inaga oo soo dhaweynayna balanqaadkii dawlada Ingiriiska ee ahaa in iyada oo Somaliland lagu abaal marinayo guulaha dimuqraadiyadeed ee ay gaadhay loo kordhiyo kaalmooyinka horumarinta ee hadda jira, isla markaana laga caawiyo hay’adaha dimuqraadiga ah ee Somaliland ka jira.

 

Iyada oo dhiirannaan laga qaadanayo jawaabtii fiicnayd ee ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron uu ka bixiyey doorashada iyo balanqaadkiisii ahaa in Somaliland la caawiyo iyo inaga oo rumaysan horumarka dimuqraadiyadeed ee 20kii sanno ku gaadhay Somaliland, waa in beesha caalamku siisaa tixgelin intaa ka badan, taageero iyo dhiirigelin.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Shan ka mida ,,,, ayaa la yidhi.....hambalyo noo soo dira, tixgelin iyo istiraamna nasiiyaa.....what a joke my homeboie... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Adeer qodhaa iyo xeredaa ma hambalyo( warqad iyo hadal) ayad hadda ka sugaysaa shantaas saancadaale?

 

War wixi odka lagu sheegi jiray waxbaa ka runa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Ferguson:

Adeer qodhaa iyo xeredaa ma hambalyo( warqad iyo hadal) ayad hadda ka sugaysaa shantaas saancadaale?

 

War wixi odka lagu sheegi jiray waxbaa ka runa.
:D

Someone will soon be crying when Somaliland is recongnized. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^It is just in your mind. Waxad u oomantahay Ictiraaf aan lahadal haynin. :D

 

 

Odka maqaalka ayaa gebi ka dhac kugu sameeyay. Noo hambalyeeya sheekadu way dhaafi la dahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oo Alun Michael weli ma xildhibaan baa? lol...ninkaan kursigaan ma weynaayo inta uu Somaliland halla aqoonsado ku hayo. Sheekaduu fahmey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ lol I am assuming Alun has many of the clan want to be nation in his constituency. Now what does it do for them if their election is recognized. Or any thing contains the word of “recognition” is good enough for them regardless of its context whether it may be election recognition, Clan, Terror, Kat? I see for him is for another term of clear win, for secessionist is stay in the same status quote, recognition is on the way, simple entertainment…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

In regard to this thread if Odka thinks I lost in the woods then he is dumber than I thought!

 

Hambalyo noo soo dira. Na ixtiraamna. Na aqoonsada.

 

Mooshinka la filaayo muxuu ahaa? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ictirafku birito bay imaan doonta sxb. Bal lets starts the early party gabar ilkacas noo keena

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Cowke:

Ictirafku birito bay imaan doonta sxb. Bal lets starts the early party gabar ilkacas noo keena

That is not funny waryee. Leave the ladies alone!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Oodweyne:

^^^ You and the
"scrap-looter-of-a-ninny"
that is above you would really disgrace or at least intellectually despoiled the term: hopelessly ill-informed, in here, indeed...
;)

 

PS:-

 

Ferguson
,

 

I see that you still really are lost in the woods in here,
my friend
. Hence, it's no surprising thing to me at all that you would say such things. After all a
"certain lot"
in Somali peninsula were always known to be all things to all men, and be at sixes and sevens when issue of any kind is at stake, indeed...
;)

 

Consequently, as to why, unlike us in Somaliland, your
"political ilk"
are unlikely to amount to much in the Somali peninsula, other than be a good
"cannon-fodders"
or a cheaply had
"foot-soldiers"
to anyone who is willing to pay their measly
"mercenary salary"
in anywhere of the Horn-Of-Africa, indeed...
;)

lol...War kan wax warning siiya ma waaye ama ban-gareeya cause all he does is inuu khudbo la nuurnuuriyey oo aan macne sameyneyn other than cantarabaqash qabyaalad iyo caadifad ku dhisan meesha ka buuxiyo. Waxaaba ugu daran that he sounds like the oldest SOL member and behaves like a teenager over here... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this