Sign in to follow this  
General Duke

China request the UN to support the Somali government: Foreign troops

Recommended Posts

China: Shiinaha oo Qaramada Midoobay Ka Dalbaday Inay ka Qayb Qaadato ciidamo Loo Diro dalka Soomaaliya

- Saturday, February 05, 2005 at 10:10

 

China (AllPuntland)- Dawladda FKGS ayaa rajo fiican kamuujisay iskaashi lasheegay in dawladda Shiinuhu ka muujinayso dhinaca dib u dhiska dalka Soomaaliya ee mudada 14ka sano ah bur bursanaa.

 

 

Sida uu qoray wargayska People's Daily Online qaybtiisa Afka Englishka ee kasoo baxa dalka Shiinaha ,dawladda Shiinaha ayaa qaramada midoobay cadaadis ku saartay in laga qayb qaato ciidamada shisheeye ee tagaya dalka Soomaaliya .Waxay kaloo Dawladda shiinuhu sheegtay kaalmo caalami ah inay tahay waxa ugu horeeya ee ay u baahantahay dawladda dhawaan lagu soo dhisay magaalada Nairobi.

 

 

 

Dawaldda Shiinuhu waxay ku tilmaantay wax laga noxo inaan wax gar gaar ah oo lataaban karo loo fidin dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii Tsunami ee ka dhacay xeebta badwaynta Hindiya inkastoo ay sheegtay in dawladda shiinuhu ay laf ahaanteedu Soomaalida caawimaad gaarsiisay.

 

 

 

Wargaysku asagoo hadalkiisa sii wata ayuu faallo kabixiyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee udhaxaysa Soomaalida iyo Shiinaha ,wuxuu tilmaamay in dawladda Shiinuhu ay Soomaaliya kafulisay mashaariic farabadan oo ay kamid tahay Dhismaha Tiyaatarka caalamiga ah ee Soomaaliya ,Cusbitaallo iyo waddooyin waawayn oo dalku ku faani jiray , wuxuu kaloo xusay in saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya ay yaqaanaan caruurta Soomaaliya.

 

 

 

Dawladdu shiinaha waxay ballan qaadday inay kaqaybqaadanayso horumarka iyo dib u dhiska dalka .

 

 

 

Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo la sameeyay masuuliyiin kasocta safaaradda dalka Shiinaha ee Nairobi waxayna kawada hadleen sida dawladda Shiinuhu u caawin karto dalka Soomaaliya iyo sidii horay loogu sii wadi lahaa xiririirkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Shiinaha.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this