Sign in to follow this  
Thankful

Oil Company in Dharoor, Puntland PICS

Recommended Posts

Yes, indeed this is very serious. Insha Allah, they will find oil and the whole country will develop and people will forget about killing instead compete in finding good, high paying jobs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Cadde oo booqday goobtii laga baarayay shidaalka Puntland

Bosaso, P/land, Somaliya (Calanka.com) 02-Juun-08

 

Madaxweynaha Puntland Gen cadde Musse ayaa Saaka Booqday Degaanka Labarugley Halkaasi oo laga wado Macdan Baaris ay fulinayso Shirkada IMC oo wakiil uga ah Shirkada African Oil Waxaana Waqtiga Kormeerku madaxweynuhu Sameenayay Halkaasi ku sugnaa Shaqaale Ajanaib iyo Somali isugu jiray Kuwaasi oo waday Howsha Macdan Baarista.

 

Cadde Musse oo ay la socdaan Wafuud badan oo ka tirsan Golayaasha Puntland ay ka kooban tahay Dadka Deegaanka Howshu ka socoto Xubno ka mid ah Iyo Saxaafada Puntland oo iyaguna ku waheliyay Booqashada Madaxweynaha ee Deegaanka Labarugley oo Ka tirsan degaanka Ufayn oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Gobolka Bari.

 

 

Madaxweyne Cadde waxa uu markii halkaasi gaaray uu kula kulmay Masuuliyiinta deegaankaasi Isaga oo sidoo kale Madaxweynuhu la hadlay Shaqaalaha ku howlan Macdan Baarista Oo ku sugan deegaankaasi.

 

Beeldaaje Cali Beeldaaje faarax Oo ka mid ah isimada Deeganada Puntland sida weyn looga yaqaan Kana soo jeeda Deegaanka Howsha macdan baarista laga wado ayaa waxa uu sheegay beeldaajuhu in dadka deegaanka ay u diyaar yihiin in wax la qabtaan Shirkada IMC Iyo Maamulka Puntland si loo helo Dhaqaale Dadka Oo dhan Anfaca Loogana baxo Sicir bararka Iyo Shaqa la'aanta jirta.

 

 

Yaasiin Cartan Mahamed oo ah Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Ayaa u sheegay Dadka deegaanka In looga baahan yahay in ay la yimaadaan fir fircooni kana faa'iideystaan Macdan baarista si loo helo Dad Aqoon u leh Arimahani.

 

Madaxweyne Cadde Musse Oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay In Macadan Iyo Shidaal laga helo Puntland oo la soo saaro loo soo Maray Marxalado badan oo lagu guuleystay In Markii dame la hirgaliyo in kasta oo Madaxweynuhu sheegay in degaanka ufayn oo kaliya aan laga fulinayn Macdan Baarista Oo kaliya balse ay jiraan deegaano kale oo gaaraya 11 Meelood oo kale oo laga baarayo macdanta oo dhawaan la fulinayo howshooda.

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku booriyay Ciidanka in ay ilaaliyaan amaanka Oo la helo jawi lagu shaqayn karo oo Puntlandna ay ku gaadho hamigeeda ah in la soo saaro khayraadka Puntland.

 

Cadde Musse Ayaa Tibaaxay in shirkado Ajaaniba ah Ay dhawaan Yimaadeen Deegaanada Puntland kuwaasi oo kormeero ku sameeyay Goobo kooban oo baaritaano dhawaan laga fulinayo.

21-Bisha May ee aan soo dhaafnay ayaa si rasmi ah deeganaka Laba rugley ee gobolka bari waxaa looga hirgaliyay Arimaha Macdan Baarista Oo ay fulinayso shirkad Lagu Magacaabo IMC Oo wakiil uga ah deegaanadaasi Shirkada African Oil waxaana marka ay dhamaato Baaridu Si rasmi ah loo guda galayaa Faagida Macdanta Sida uu warbaahinta uu goor hore u sheegay Wasiirka Macdanta Iyo Shidaalka Xasan Aloore.

 

Mahamud Said Salad

askar75@hotmail.com

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa halkaasi laga dhisay teendhooyin badan oo ay degen yihiin dadka baarista wada waxaana halkaasi ka muuqday gaadiid kala duwan oo ay ku shaqeenayaan shaqaalaha, ayadoo hawlaha Baarista ay u socoto si habsami ah sida ay sheegaan mas’uuliyiinta Wasaarada Batroolka ee Puntland.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in dhawaan Puntland uu soo gaaro Riigii ugu horeeyey oo qodi doona Shidaalka kaasi oo la sheegay in la geyn doono Xarunta Nugaal ee Conoco oo lagu sheegay mida ugu horeysa oo laga qodi doono shidaalka Puntland.

 

Dhinaca Dharoor ayaa hawlaha hada ka socda la sheegay in ay yihiin baaritaan iyo cayimaad goobaha la dhigayo riigaga qoda shidaalka, ayadoo la sheegayin dhinaca Ceelka Conoco uu dhameystiran yahay oo la sugayo Riigaga.

 

Dooxada Dharoor oo horey loo sheegay in uu ku jiro Batrool badan ayaan horey wax baaritaan ah looga sameyn intii ay jirtay Dowladii hore ee Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Bare, waana markii ugu horeysay oo halkaasi hawlgal noocaan ah laga sameeyo.

 

Shacabka Puntland ayaa si weyn hawlahan isha ugu haya ayadoo ay hada muuqato tilaabooyin cad oo uu maamulka Puntland ugu dhaqaaqay hawlaha baarista iyo soo saarista Shidaalka.

 

Wasiirka Batroolka Puntland ayaa sheegay in lasoo saari doono Shidaalka, ayadoo goobo kala gedisan sida Conoco iyo Dharoor loo diyaarinayo in dhamaadka sanadkan laga bilaabo soo saarista shidaalka.

 

Shidaka African Oil ayaa qalab aad u badan keentay Puntland, isla markaana markii ugu horeysay shaqaalaheeda Ajaanibta ah keentay gudaha Puntland kuwaasi oo hada degen xarunta Dharoor isla markaana wada hawlaha baarista.

 

Maamulka Puntland ayaa arrintan ku tilmaamay guul usoo hooyatay puntland, ayagoo sheegay in ay jiraan dad badan oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali oo si weyn uga soo horjeeday hawlaha Shidaalka ee Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Range Resources Limited (“Range” or “the Company”) is both an ASX listed (ASX: RRS RRSOA) and AIM listed (AIM: RRL) exploration Company, with its principal activity directed towards finding and delineating natural resources in the oil, gas and mineral sectors in Puntland, Somalia. Puntland is believed to have all the geological requirements to become a commercial oil-producing region.

 

Somalia, and in particular Puntland, remains one of the last under-explored countries that has a high potential for considerable reserves of hydrocarbons which can be subsequently developed for the benefit of both the people of Puntland and Range Shareholders The Company believes that through the generation of work and government royalties from hydrocarbon and mineral exploration and development numerous social and economic benefits will result.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this