Xaaji Xunjuf Posted June 7, 2010 Taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo maanta isugu soo banaan baxay magaalada Laascaanood + Daawo Sawiro Warkii 07-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS Laascaanood:Waxa weli ka soconaya gudaha magaalada Laascaanood ololaha doorashooyinka somaliland, iyadoo maalinba xisbi soo bandhigayo awoodisa iyo taageerada uu ka haysto shacabka gobolkan sool. waxaa maanta maalintiisii labaad ololaha u lahaa xisbiga Kulmiye oo taageeradiisu kordhayso Isko soo bax balaadhan ayaa ka dhacay suuqyada magaalada Laascaanood, iyadoo wadooyinka waawayn ee magaaladana lagu arkayey baabuur aad u tiro badan oo calanka u gaarka ah kulmiye la sudhay laguna dhajiyey sawiradda musharaxa madaxwayana ,ahna gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed maxamed Siilaanyo,. Xaflad balaadhan aya ka dhacday barxada wayn ee ka horaysa dowladda hoose ee Laascaanood, barxadaas waxaa iskugu soo baxay kumanaan taageerayaasha xisbigaas ah, iyagoo halkaas ku soo bandhigayey taageerada ay u hayaan xisigooda kulmiye. Taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa halkaas ka sameeyey dabaal dagyo kala duwan oo iskugu jira heeso hido iyo dhaqan ah, buraanburo, gabayo,iyadoo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ay halkaasi ka hadleen, waxaana kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay Fu'aad Aadan Cade, Baashe Maxamed cade,Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantood ka tirsan xisibga kulmiye. Siyaasiyiintan qudbadeeyey ayaa dhamaantood ugu baaqay shacabiga somaliland inay codkooda siiyaan Musharaxa madaxwayanaha ee Axmed maxamuud Siilaanyo, iyagoo taariikh nololeedka Siilaanyo ka war bixinyey sheegayna in Siilaanyo uu dowlad yaqaan yahay horena ula sii shaqeeyey dowladii hore ee somaliya uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed siyaad barre. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, isaga oo sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi isbadal doon ah, oo wax weyn ku soo kordhin doona somaliland gaar ahaana gobolka Sool,isagoo waliba sheegay in ay buugaagta ay bixiyeen ay ku qorantahay waxqabadka ay qabandoonto hadii ay doorashada ku guulaystaan xisbiga kulmiye. Madaxa ololaha gobolka Sool, Faarax Jaamac Colaad, ayaa isna halkaasi ka hadlay wuxuuna taageerayaasha kula balamay in ay codkooda u hibeeyaan xisbiga nabada iyo horumarka ee kulmiye, wuxuuna hoga tusaaleeyay waxqabad la,aanta xisbiga UDUB isaga oo ku tilmaamay mid fadhiid ah. Fu'aad Aadan Cade ayaa isagu ka warbixiyey Daahir Riyaale iyo wuxuu yahay, isagoo sheegay in Daahir Riyaale uu ahaan jiray Jaadwale, isagoo shacabka Soolna u sheegay in dhaartii ay dhaarteen xiligii komishinka ay tahay mid aan xaq ahayn, ayna dib ugu noqonayso madaxwaynaha haatan talada haya ee Ina riyaale Waxaa kalee Fu'aad sheegay in gobolada Bari ee somaliland, dulmanyihiin gaar ahaan gobolka Sool isagoo sheegay in dhakhtarka Laascaanood uu yahay kii ingiriiskii ka tagey, halka iskuuladana fasalkiiba ay galaan 100 arday,wuxuu fu'aad yidhi xisbiga kulmiye haduu guulasyto waxyaabo badan ayuu ka qaban doonaa hawlahaas oo dhan. Waxaa isna ka hadlay isku soo baxan ay dhigeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee kulmiye,Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlay Hal qodob,kaas uu ku tilmaamay in qodobkaasi yahay in ilaahay kitaab inoo soo dejiyey kitaabkaas oo wax walba ay ku jiraaan, ayna waajib tahay in shareecada la qaato. Dhanka kale wuxuu xildhibaanku sheegay in Siilaanyo uu yahay in siyaasi wayn ah oo la soo shaqeeyey dowladii hore ee somaliya garqanayana waxa maamul yahay,isagoo sheegay in siilaanyo balan qaadyadii uu ku soo qoray buugii ka hadlayey siyaasadi kulmiye uu ka dhabayn doono isagoo xildhibaanku sheegay in siilaanyo uusan aqoon shayga beenta la yidhaahdo. Ugu danbayntii ayaa waxaa xaflada soo xidhay qudbad dheerna ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka somaliland Baashe Maxamed Cade,waxaana hadaladiisii kamid ahaa: " Gobolka Sool waxaa la siiyaa wasiiro aan u qalmin shaqada ay qabanayaan, isagoo tusaale u soo qaaday wasiirka boosaha,wasiirka reer miyiga,isagoo sheegay in aanay wasiiradaasi ahayn wax aan jirin meelna aan laga aqoon,isagoo sheegay in hadii xisbiga kulmiye uu guulaysto aan reer sool la siin doonin wasiirka boosta,kan ciyaaraha,kan kaluumaysiga oo dhamaantood ah wax aan jirin,wuxuu baashe sheegay in wasiirada somaliland ay gaadhayaan 55 wasiir halka sool la siiyo wasiiro aan jirin sida kan dhuxusha,kan boosta. Yeeli mayno anagu siina mayno waxaas oo kale waxay heli doonaan wasiirka Maaliyada,kan maxjarka,kan macdanta, iyo wasiiro sar sare, Sidoo kale waxaa uu sheegay hadii xisbiga kulmiye qabto talada in isimada Ssc ay soo galayaan magalaada laascaanood oo loogu tagayo meesha ay joogaan,Dagaalada iyo cooladan ka jirta Gobolada wada hadal lagu dhamaynayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted June 7, 2010 ^^ Your chatting crap as usual. People from SSC on here have families and relatives who were illegally detained and inhumanely treated by SL regime in LA. There are have been countless demonstrations in that city. And you want to have us believe that some opportunistic pics reflect the reality? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted June 7, 2010 The citizens from Milkywells are slowly but surely showing more confidence to come out and show their support despite the threats posed by the anti-peace forces. Well done. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted June 7, 2010 Wax diid balse afla'gaadada jooji Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted June 8, 2010 OODWEYNE For someone familiar with democratic procedures, I am surprised you are not familiar with art of campaigning. Those are not laascaanood natives. Please, before you rush to reply, my sources are on the ground, not propaganda pictures. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 8, 2010 This is the reality on the ground and those who are waving the war drums should realize the facts ...... Good Job reer Laascaanood ,,,, Indeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted June 8, 2010 The reality is, Laascaanood is occupied: The war drums are the consequence. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted June 8, 2010 A PICTURE SAYS THOUSAND WORDS!!!! this is why the Qurba joog junta of ssc will never succeed because Las anod waxa haysta DADKII LAHAA and now matter how much reer hawd huff and puff they not going to mess with xaabsade and his folks the true power breakers of sool and rightfull owners of sool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted June 9, 2010 ^ I agree, but in this case, a 1000 lying words! xaabsade? once this is all done and finished, you'll look back on the man you relied on (xaabsade), and wonder with upmost regret and remorse. war nimanyahow, dhowr niman oo ehelkood xaraashi lahaa haday faa'ido uga muuqato, intii yarayd ee aad labaatan sano lasoo rafanayseen, ha ku khamaarininee. axmaqnimada aad wadaan, intaysan jar dheer idinka ridin, ka laabta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 9, 2010 As the old saying goes "Habar baa iska hawhaw leh" ,,,,, nin hadlaaba ha hadlee ,, as long as reer Laascaanood are waving Somaliland flag and holding Siilaanyo's picture ,,,,, Come on .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted June 9, 2010 calamaddii britishka iyo sawiradii boqorodoodi, sidaan uga fara maroojinay waqooyi oo dhan taariikhda ayeey ku qorontahay ee, kuwa somaliland iyo siilaanyo maxeey sheegayaan walee habar iyo habeenkeed un beeysan u muuqan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 9, 2010 maxaad ka hadlaysaa imika marqaan weynoow ?? ,,,,, maxaa boqoradii ingiriiskana meesha keenay ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeefTa Posted June 9, 2010 taasi ku martay oo ku dhaaftay ee, waxba ha ku hawshoone. propagandada aad nimakiinan wadaan, naga kala yareeya. Quote Share this post Link to post Share on other sites