Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Parliament vote postponed + UN rep arrives the [Farce continues]

Recommended Posts

img_0078.jpg

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Shir Kula Yeeshay Madaxda Federaalka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

 

October 27, 20100 comments| leave your own!

Share Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr.Augustina P.Mahiga ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho, ergayga ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey xubno kale oo ka socdey Midowga Africa iyo Ururka IGAD.

 

Wefdiga ayaan horey u dhaafin garoonkii ay ka soo degeen waxaana ay halkaas kulan albaabadu u xiran yihiin la qaateen Madaxweynaha Dawladda Federaala Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan.

 

Inkasta oo kulanku ahaa mid aan saxaafadda loo oggoleyn ayaa haddana wararka ku dhaw madaxda Federaalku sheegayaan in kulanka looga hadley sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ragaadiyey dawladda, isla markaana Raysalwasaaraha loo horgeyn lahaa Baarlamaanka.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u qaybsan laba qaybood kuwaas oo isku haysta qaabka codka kalsoonida loo siinaayo Raysalwasaaraha la magacaabey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warsaxaafadeed uu soo saarey maalintii Axadda ku sheegay in kulanka Baarlamaanku dhici doono maalinta Arbacada(Maanta) laakiin kulankii maanta waa baaqdey waxaana la aamisan yahay in sababta uu u baaqdey ay tahay imaanshaha Dr.Mahiga iyo wefidga la socda ee xalka u raadinaaya Madaxda DFKG, waxaana la is weydiinayaa sababta safarkooda ay ugu soo beegeen maalintii baarlamaanku fariisan lahaa.

 

Si kasataba ha ahaatee beesha caalamka ayaa ka niyadjabsan Madaxda dawladda federaalka oo iyagu khilaaf jiitamaayey 6 bilood dhexdabaalanaya.

 

Waxaa maanta laga warsugayaa warsaxaafadeed uu soo saari doono ergayga gaarka ah ee qaramada midoobet Dr.Mahiga kaas oo uu uga hadli doono kulankii uu la qaatey laba Shariif.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii ay lahaayeen Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka oo maanta loo balansanaa ayaa mar kale baaqday kaas oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Raysalwasaaraha cusub Maxamed Farmaajo oo muran ka taagan yahay habka lagu ansixin lahaa.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa mudo laga joogo labo maalmood soo saarey warsaxaafadeed uu ku sheegay in maalinta arbacada ee 27.10.2010 ay Xildhibaanada isugu imaan doonaan halka ay ku shiraan ee golaha shacabka.

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa saxaafada u sheegay in Kulanka loo baajiyey sababo dhanka farsamada ah,iyadoo aan la aqoon waqtiga la qaban doono.

 

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku eedeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu kasoo horjeedo ansixinta Raysalwasaaraha.waxaana Xildhibaanada ay isku khilaafsanyihin in lagu ansixiyo hab qarsoodi ah iyo gacan taag ah.

 

Maxkamada sare oo soo saartay qoraal ayay sheegtay in hab gacan taag ah ay tahay in lagu ansixiyo Raysalwasaaraha cusub.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma Dhabaa Inuu Baaqday Kulankii Baarlamaanka

26 October, 2010 01:32:00 Isesos

Font size:

 

Waxaa lagu waday in maantay oo ah Arbaca ah uu qabsoomo ama uu ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka Kulankii kalsooni soonta Ra'iisul Wasaaraha cusub, iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay uga doodi lahaayeen cod siinta iyo kalsooni ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

 

Warar goor dhoweyd aanu ka helnay qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii maanta lagu balansanaa ee uu horey ugu qabtay xilligani balanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib u dhac kuyimid.

 

 

Xildhibaan Buule oo kamid ah Xogheynta Baarlamaanka ayaa saakay sheegay in kulanka baarlamaanka maanta lagu balansanaa laakiin uu dib u dhac ku yimid isaga oo xusay in dib u dhaca uu kayimid arrimo farsamo xumo awgii.

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Buule in weli aanan loo qaban waqti kale oo Baarlamaanka ay isugu imaan doonaan si loo qabto kulanka Baarlamaanka codka kalsoonidana lagu siiyo Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

 

Kalsooni siinta ra'iisal wasaarahani cusub ayaa noqday culeyskii ugu weynaa ee abid lagu arko siyaasadda Soomaaliya, waxaana inta badan lagu eedeynayaa arrinkani in uu ka dambeeyo Shariif Xasan oo isagu doonaya in Madaxweynaha uu ku shaqeeyo amarkiisa ama ugu yaraan ay kala talo qaataan inkastoo Madaxweyne Shariif lataliyeyaal kale uu sameystay, kuwaasoo la sheegay iney yihiin 5 xubnood oo sida la sheegay iska leh go'aanada ugu dambeeyay waxeyna ka tirsan yihiin Xarakada Majmaca (Ala Sheekh).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii loo balansanaa ee Baarlamanka Somalia oo baaqday iyo khilaaf kale

 

Xili uu xalismay khilaafkii u dhexeeyay gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha Dowlada ayaa hadana waxaa dib u dhac uu ku yimid kulan maanta oo arbaco ah lagu waday in ay isugu yimaadaan mudane yaasha baarlamanka Somalia.

 

Sida uu u xaqiijiyeen xafiiska SBC International ee magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan baarlamanka waxaa baaqashada kulankaasi ee maanta u sabab ahaa ka dib markii ay soo baxday khilaafaadyo horleh oo u dhexeeya mudane yaasha baarlamanka taas oo ku aadan isla wixii ay ka heshiiyeen madaxda sar sare oo aheyd (in raiisul wasaaraha codeynta kalsoonida loogu qaado qaab gacantaag ah iyo in loogu qaado qaab qarsoodi ah) inkastoo ay ka heshiiyeen gudoomiyaha Baarlamanka Shariif xasan iyo madaxweyne shariif iyagoona isla qaatay in qaab gacantaag ah loogu codeeyo.

 

“ma matalaan mudane yaasha baarlamanka labada nine e heshiiyay, heshiskooduna waa mid iyaga shaqsiyad u ah, xildhibaanaduna way ku kala qeyb san yihin qaabka ay isla qaateen labada masuul” waxaa sidaasi Barnaamijka Xulka wararka 24saac ee ka baxa SBC u sheegay xildhibaan Yaasiin Maxamed bucul oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya .

 

Khilaafkan ayaa noqday mid maanta sabab u noqda kulan uu maalmo ka hor iclaamiyay gudoomiyaha Baarlamanka kaas oo qabsoomilahaa maali nimada arbacada ah oo maanta ku beegneyd, waxaana lagu waday in kulankaasi qaab gacan taag ah loogu codeeyo Raiisul wasaaraha cusub ee uu madaxweyne Shariic Soomagacaabay waa Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

 

Si kastaba xaalku ha ahaatee waxaa isqabqabsashadan iska soo daba dheceysa ee ragaadiyay xukuumada DKMG ah siweyn uga xun Shacabka Soomaaliyeed ee hantaagaya in mar un ay arkaan dowlad kala dambeyn iyo nidaam leh, taasina ma muuqato iminka .

 

Maxamed Shuuriye Barakaad

SBC International Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan Baarlamaan oo baaqday

27 Oct 27, 2010 - 9:49:47 AM

 

Kulan ay Xildhibaanada Baarlamaanka DF ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Somalia Max’ed C/llaahi Max’ed [Farmajo], waana kulankii labaad oo baaqda, kaasoo lagu codka loogu qaadi lahaa ra’iisul wasaaraha uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed.

 

Mudanayaasha, ayaa waxay sheegeen in lagu wargeliyay in kulanku uu u baaqday sababo dhinaca farsamada ah, iyagoo sheegay inaanay ogeyn xiliga uu qabsoomayo, waana kulankii labaad oo baaqda, kaasoo la sheegay in lagu ansixin lahaa Ra’iisul wasaaraha Somalia.

 

Xildhibaanada DF, ayaa waxay weli si weyn ugu kala qaybsan yihiin qaabka ay codeyntu u dhacayso, iiyagoo la kala safan Madaxweyne Sh. Shariif iyo Shariif Xasan Sh. Aadan, iyadoo aanay jirin wax heshiis ah oo weli ka gaareen kala fikir duwanaasha.

 

Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan, ayaa la sheegay inuu diidan yahay in kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha Somalia, halka Madaxweyne Sh. Shariif uu doonayo in kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha.

 

“Ra’iisul wasaaruhu, waxay howshiisa bilaabanaysaa markii la ansixiyo” ayuu Sh. Shariif ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray, iyadoo Maxkamada sare ay go’aan ka gaartay qaabka ay ku dhacayso codeynta, iyadoo go’aamisay inuu noqdo mid gacan-taag ah.

 

Madaxweyne Shariif iyo Afhayeenka baarlamaanka ayaa waxay kulamo ku yeesheen Villa Somalia labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo aanay wax natiijo ah ka gaarin, taasoo sababtay in khilaafkooda ay beesha calaamku ku sameyso faragelin toos ah.

 

Xildhibaanada, baarlamaanka Somalia ayaan go’aanka ay ka qaadan doonaan u codeynta Ra’isul wasaaraha cusub , kaasoo muran uu ka dhashay kalsooni siintiisa, waana mas’uul ku cusub saaxada siyaasada Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this