Saalax Posted November 15, 2010 Sheekh Atam oo Waraysi siiyey Shabakadaha waraka ee Gobolka Sanaag Hogaamiyaha Ciidamada Dagaalka Kula Jiray PL Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa Galabta Waraysi Shabakadaha gobolka qaarkood Atam Waxa uu kaga Waramay Dagaalkii ay la Galeen Ciidamada Maamulka PL isaga oo Guulo ka sheegtay Dagaalkaasi sidoo kale waxa uu qeexay inay sii wadayaan Dagaalka ilaa Maamulkaasi Wakhtigiisa uu dhamaado. Maxamed Atam ayaa xusay in isaga lagu soo duulay isla markaana ay dadkooda iyo dhulkooda Difaacayaan waxana uu meesha ka saaray Haba Yaraatee warkii sheegaya inuu Xamar aaday oo PL Guud ahaan ka Baxay, isaga oo ku cel celiyay inay Joogaan Meel aan saas uga Fogayn GalGala. “Anaga Meelihii baanu Joognaa PL Gaadiid bay soo Bandhigay waa Gadiid Iskaraab ah oo Xumaaday awalba anaga Gaadiid Baabuur ah ma Isticmaali Jirin waayo Meeshu waa Buuro”Ayuu Yiri Atam. Maxamed Siciid Atam ayaa iska Fogeeyay inay dilaan dadka Puntland qaarkood taasi oo Horay Dawladu u sheegtay inay dilkaasi Fuliyaan”Anaga dadka ma dilo Maamulka ayaa dadka dila oo xidh xidha qaarkood Jeelasha ka Buuxaan Markaa dadku is bedel sidan dhaama bay Rabaan” Ayuu Yiri Atam. Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa dhan kale iska Fogeeyay in Ciidamo Somaliland ah ay ka Barbar dagaalameen Ciidankiisa GalGala warkaasi oo ahaa mid dhawaan Puntland ka soo Yeedhay”Anaga Ciidan Somaliland iyo Mid Koonfurta ka Yimi Toona Nalama Joogaan dadkii deegaanka oo Tashaday weeyaan kana xumaaday dhibaatada ay u Gaysanayaa Asha’haada La dirarku hayaan dadkayga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 15, 2010 PL Gaadiid bay soo Bandhigay waa Gadiid Iskaraab ah oo Xumaaday awalba anaga Gaadiid Baabuur ah ma Isticmaali Jirin waayo Meeshu waa Buuro Quote Share this post Link to post Share on other sites