Sign in to follow this  
Saalax

Sheekh Atam finally breaks the silence over his whereabouts

Recommended Posts

Saalax   

Sheekh Atam oo Waraysi siiyey Shabakadaha waraka ee Gobolka Sanaag

 

Hogaamiyaha Ciidamada Dagaalka Kula Jiray PL Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa Galabta Waraysi Shabakadaha gobolka qaarkood Atam Waxa uu kaga Waramay Dagaalkii ay la Galeen Ciidamada Maamulka PL isaga oo Guulo ka sheegtay Dagaalkaasi sidoo kale waxa uu qeexay inay sii wadayaan Dagaalka ilaa Maamulkaasi Wakhtigiisa uu dhamaado.

Maxamed Atam ayaa xusay in isaga lagu soo duulay isla markaana ay dadkooda iyo dhulkooda Difaacayaan waxana uu meesha ka saaray Haba Yaraatee warkii sheegaya inuu Xamar aaday oo PL Guud ahaan ka Baxay, isaga oo ku cel celiyay inay Joogaan Meel aan saas uga Fogayn GalGala.

“Anaga Meelihii baanu Joognaa PL Gaadiid bay soo Bandhigay waa Gadiid Iskaraab ah oo Xumaaday awalba anaga Gaadiid Baabuur ah ma Isticmaali Jirin waayo Meeshu waa Buuro”Ayuu Yiri Atam.

Maxamed Siciid Atam ayaa iska Fogeeyay inay dilaan dadka Puntland qaarkood taasi oo Horay Dawladu u sheegtay inay dilkaasi Fuliyaan”Anaga dadka ma dilo Maamulka ayaa dadka dila oo xidh xidha qaarkood Jeelasha ka Buuxaan Markaa dadku is bedel sidan dhaama bay Rabaan” Ayuu Yiri Atam.

Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa dhan kale iska Fogeeyay in Ciidamo Somaliland ah ay ka Barbar dagaalameen Ciidankiisa GalGala warkaasi oo ahaa mid dhawaan Puntland ka soo Yeedhay”Anaga Ciidan Somaliland iyo Mid Koonfurta ka Yimi Toona Nalama Joogaan dadkii deegaanka oo Tashaday weeyaan kana xumaaday dhibaatada ay u Gaysanayaa Asha’haada La dirarku hayaan dadkayga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this