Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: 130 civilians dead, 8 days of Al Shabaab declared campaign

Recommended Posts

Maalin 8aad dagaalo Muqdisho

30 Aug 30, 2010 - 11:42:04 AM

 

Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay 20-qofna way ku dhaawacmeen dagaalo mar kale maanta ku dhexmaray Muqdisho Al-shabaab iyo DF oo garabsanaysa AMISOM, iyadoo kooxda Al-shabaab ay guulo ka sheegatay.

 

Afhayeenka Milateriga ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay saakay ka hortageen weerar ay AMISOM doonaysay inay dib ugu qabsato goobo ay ka qabsadeen ciidamada DF, ayna jab gaarsiiyeen.

 

"Waxaan iska caabinay weerar ay AMISOM nagu soo qaaday oo ka dhacay inta u dhexeysa Hotel Jubba iyo boostada, waxaana kaga dilnay ciidamo badan" ayuu koox wariyeyaal ah ugu sheegay Muqdisho Afhayeenka Milateriga ee Al-shabaab.

 

Dagaalka maanta ka dhacay degmada Boondheere oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay suuqa Bakaaraha oo dib u furtay maanta, waxaana madaafiic ku dhacday ay sababeen dhaawacyo u badan haween.

 

"Maanta waxaan qaadnay dhaawacyada 16-qof oo aan ka kala qaadnay Bakaaraha iyo degmadii uu dagaalku ka dhacay, waxaana intii aan howsha ku jirnay aragnay dhimashada 6-qof oo rayid ah" ayuu yiri Cali Muuse oo ah madaxa Ambulace-yada Muqdisho.

 

Ururka Al-shabaab ayaa saxaafada maanta markii labaad geeyay saldhig ay ka qabsadeen Ahlusuna, kasoo Col. Bariise uu sheegay inay dib ula wareegeen, si ay u beeniyaan hadalka sarkaalka DF kasoo baxay.

 

"Waxaan maanta madaafiic la beegsanay Villa Somalia, halkaasoo uu ka socday diyaargarow loogu gurmanayay ciidamada aan kula dagaalamaynay Boondheere, waxaana ku dilnay duqeyntaas in ka badan 10-askari oo Ugandese ah" ayuu yiri Sh. Abu-Muscab.

 

Sarkaalkan u hadlay Al-shabaab ayaan sheegin khasaaraha ciidamadooda kasoo gaartay dagaalada ay maanta galeen, iyadoo wararka laga helayo uu dagaalku ka dhacay ay sheegayaan inay labada dhinac kaga dhinteen ciidamo badan.

 

Madaxda DF iyo saraakiisha AMISOM ayaan ka hadlin dagaalka maanta dhacay oo lugaha la galay maalintii sideedaad, waxaana ku dhintay dagaalada socda mudada ka badan halka todobaad 130-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 300-qof.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this