Sign in to follow this  
General Duke

Galgala: Puntland the Attam affair a sober review ...

Recommended Posts

Maqaal:Xukamada Puntland iyo Maxamad siciid Attam arintooda xagee maraysaa

Posted to the MOL August 18, 2010, 3:40 pm

 

Marka hore alle ayaa mahad leh oo ii surta galiyay inaa qoro Maqaalkani ka hadlaya Dowlada Puntland .waxaana salamayaa dhamaan Somalida meel walba ay jogan ,Qurubadayna waxaan ku Bilaabayaa Sida Tan,

 

Xukamada Puntland ayaa waxay ayaa mahani wadaa kulamo ay la qaadayaan dadka ku dhaqan degaanadii dagaalku ka dhacay ee Galgala iyo madar shoor waxayna qaar ka mida masuliyinta dowlada puntland oo in dhawale ku sugnaa halkaasi kormeer kumarayaan deganada dhaca gobalka bari iyo buralayda gal gala ,

 

Goobta uu dagaalku ka dhacay waxaa ku sugan madaxwayne ku xigeenka dowlada puntland Gen,Cabdi samad cali shire iyo wafti kale oo wasiiro u badan waxayna in badan soo mareen goobihii ay ka carareen Koox yar uu watay Ninka la yiraahdo Maxamad siciid Attam kaasi oo kasoo horjeeday dowlada Puntland,

 

Dowlada waxay gacanta ku dhigtay Deganada Gal gala iyo madar shoor waxayna hada u tafo xaydaynasaa inay gacanta kusoo qabato degano kale oo dhowr ah kuwaasi oo ku yaala Buuraha gobalkasi bari,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne ku xigeenka iyo Waftiga kale ee la socda ayaa waxay Kormeer kusoo mareen Melahii ay gacanta ku dhigeen inta uu socday dagaalka kaasi oo u dhexeyay Maxamad siciid Attam iyo Ciidama amaanka dowlada puntland waxayna dowlada ku tilmaamay arintaasi mid ay ku xaqiijinayaan Amniga guud ee puntland,

 

Wasiirada yagu ku sugan degaanka madar shor iyo gal gala ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amina Gen.Yusuf axmad khayr ,wasiirka arimaha gudaha hormarinta Reer miyiga iyo dowlaha hoose Gen C/lahi axmad jamac (Ilka Jiir) iyo Masuliyin kale oo ka mid ah dowlada puntland waxayna intaba Goobta dagaal u aadan si ay u dhiiro galiyaan Ciidama darawiisha ,amiga ee dagaal ku jira ,

 

Dowlada Puntland waxay ku caanbaxday Nabad iyo amiga xasiloon waxaadka ka dareemi kartaa dadka yagu kusoo barakacaya Koonfurta dagaalku la dagay ee somalida sida ay ugu socdaan meel walba oo ka mid ah Puntland waxana taasi usoo dheer inay gacan walaaltinimo ay ka helaan dadka ay la nool yihiin ee Puntland ,Taasi waxaaa la oran karaa Puntland waa meesha hada Amnigeed laysku halayn karo marka laga tago dagalka ay kula jiraan koox Nabad diid ah ,

 

Xukumada Puntland awal waxay dagaal xoogan kula jirtay koxaha burcad badeedka ah ee yagu dhibka faraha badan ku haya gacanta Cadan iyo badwaynta India waxaase dowlada Puntland usurta gashay inay soo yareeyan howlaha burcad badeedka waxana jeelasha Puntland ku xiray burcad badeed aad u tiri badan ,taasi ay dowlada ku tilaamsatay wado fiican,

 

Sidoo kale dowlada waxay yaraysay dadka muhajiriinta ee tahriibta ah kuwaasi oo doonaya inay ka cararaan wadankooda ,dadka tahriibta ah waxay la kulmaan dhibatoyin aan halka lagu soo kaabi karin waxayna ku dhintaan inta u dhaxaysa Yeman iyo sucudi kuwa kale waxaa laga tuura doonyaha yar yar ka ah ee ay Naftooda ku Aaminaan .waxaase taasi ka hortagtay xukumada Puntland oo Diiday in laga tahriibo Deganada puntladn Cid walba oo lagu arko arimahaasi waxaa loo taxabayay Xabsiyada si ay uga wan toban dhibkaani ay kuso hordayaan ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba Madaxwayne C/raxman sh Maxamad sh maxamuud (Faroole) ayaa waxa uu ku Tilmamay kooxaha diidan Jiritaanka Amniga Alshabab ka dagaalanta Koonfurta somaliya in badan farole wuxuu shacabka ugu baaqay inay nabadooda sugtaan si loo cirib tiro Shuftada kuso duushay Puntland ,

 

Dib aan ugu soo laabano arimaha gal gala iyo madar Shoor .Maxamad siciid Attam ayaa waxaa uu war baahinta Caalamiga ah u sheegay inay la dagalamayaan shihado la dirir waxa uu ku sheegay Taasi oo ka yaabisay Umada Somaliyeed Attam waa nin Reer Puntland ah waxna ka dhigi jiray Jamacada bariga Africa wuxuuna aaday wadamada carabta oo wax badan ku maqnaa ka dib waxa uu kusoo laabtay Puntland waxaana hal mar ay dadka ku dhaqan Puntland ay maqleen magaca Maxamad siciid Attam oo VOA ee ka hadlay lahna waxaan la diriraynaa shihado la dirir "Talow Shihaado la dirar Xagee joogay" taasi waxaa qadan waayay dadka Reer Puntland ,

 

Maxamad siciid Attam wuxuu markii hore sheegtay inuu ka mid yahay Shabab isla markasna uu gabaad ka dhitay waxaase taasi ka biyo diiday Afhayeen alshabab Cali maxamad raage (cali Dheere) oo sheegay inaysan ka mid ahayn Ragaasi uu wato maxamd siciid Attam wuxuuna ku Tilmaamay inay yihiin dad u dagalamaya Diinta Alle "hadaba waxaa is waydiin mudan dadka ku dhaqan Puntland ma Gaala Yab waa yaabe" ka dib intaasi marka kale waxaa la waydiiyay Attam arintaasi wuxuuna marka kale isagoo uu waayay meel uu galo yiri" Aniga waxaan ahay qof u dagala diinta alle waxana diidanahay in Cunada iyo sahayda laga jarta dadka beeralayda ah ee jooga buurta gal gala "Taasi maxay noqonaysaa Dadoow waa Su'aan meesha ku dhex Jirta "

 

Dhanka kale hadii aan wax yar ka taabano dowlada iyo Amniga, dowlada waxay samaysay Gudi wacyi galin usamaysay dadka ku dhaqan Deganada Puntland .waxana gudigaasi hormuud u ah Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska Caasho Gele Diiriye waxana ku xigan looga dhigay Maxamad Farax ciise Gashan Wasiiru dowlada mamul wanag madaxtoyada .gudigaasi ayaa waxay ka koban yihiin 9xubnood ii isagu jira wasiiro iyo ku xigeeno ,

 

Gudigani ayaa waxay Joogta ka dhigeen inay war baahinta kala hadlaan Shacabka Puntland kuwasi oo ugu Yeerayaa inay ka wada shaqeeyan Nabad galyada iyagu oo isku duuban waxayna in badan kala hadlaan war baahinta u shegan inay sidoo kale garab istagan Ciimada amaanka Si loo Suga amniga degaankooda .Taasi waa hormarka ay dowlada Puntland ku Xaqiijnayso Nabadii ka jirtay Puntland ,

 

War baahinada ka shaqeeya deganada Puntland ayaa waxay ka qayb qataan barnamijyada Nabada iyo hormarka dadka waxayna mar walba u baahiyaan heeso iyo warar ka turjumada Nababada Macanka ay lee dahay waxaana ay ku guda jiraan sida ay bulshada ugu shaqayn lahayeen

 

Amnigooda .inkastoo ay dowlada Puntland ilaalin xaqa uu lee yahay suxufi ku jira shaqadiisa waxaana taasi cadayn kuugu filay Xarigii Agaasimaha horseed media bosaso C/futaax Jaamac mire sidoo kale waxay shaqada ka joojisay Wariye Nuux muuse barjeed oo ah wakiilka Laanta afka somaliga iyo Tv-caalamiga ah ee Unaversal .markii intaasi laga soo Tago Dowlada Puntland waxay si fiican ula shaqaysaa idaacada madax banaan ,

 

Maqaalkani aan maanta ku eegayay marxalada Sanadkaani ay ku jirto Dowlada puntland iyo sida ay ula muuqato indhaha calamka intaasi ayaan kusoo Xirayaa ,,,,,,Wa billaah towfiiq .....Alle ayaa Mahad leh intaasi ka dib waxaan mar kale u mahad Celinaya Muslimiinta meel walba ay Joogaan

 

 

Cali Fantastic

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this