Sign in to follow this  
Paragon

Somaliland Minister sacks female employes for wearing Hijab

Recommended Posts

Paragon   

Wasiir ka tirsan Dowlada somaliland oo xirashada xijaabka Dumar suxufiyiin ah shaqada uga eryay.

Submitted by mataandhuube on Wed, 2006-11-08 14:28.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir ayaa shaqada ka eryay laba dumara oo kamid ah Shaqaalaha Radio Hargeysa'

 

Labadan Dumar ah ayaa saxaafada u sheegay in Wasiirku shaqadooda uga eryay Xidhashada Xijaabka iyo Niqaamka labdan Dumar ah oo la kal dhaho Hoodo Imaan Maxamed iyo Saynab Yuusuf Axmed ayaa waxay intaas ku dareen in markii Wasiirku ku amray inay iska dhigaan Labiska Xijaabka iyo Niqaamka ay diideen sidaa darteedna looga eryay Shaqadii ay ka hayeen

 

Wasaraada Warfaafinta.Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir oo Saxaafadu la xidhiidhay si ay waxa uga waydiiso sababaha shaqada looga eryay labada dumarka ah ayaa ka gaabsaday inu waxa hadal ah siiyo saxaafada.

 

Labadan gabdhood Saynab Yuusuf Axmed iyo Hoodo oo sheegay in lagu eryay Xijaab iyo Niqaam, ayaa waxay u warameen TV madax banaan iyo mid shirkad gooni ah ay lee dahay tv Cable.

 

In ka yar bil ayaa waxa Wasiirka Warfaafintu shaqadoodi ka eryay Wariyayaal mudo dheer ka hawl gali jiray Radio Hargeysa iyo shaqaale kale waxana u danbeysay Wariye lagu Magaacabo Sakiriye Maxamed Sulub oo dhawaan Wasiirku ka cayrshay shaqada kaas oo la sheegay in shaqada looga eryay Madaxweynaha ayaa Su'aal adag waydiisay.

 

Arintan ayaa ah arin xad gudub ku ah sharafta iyo asluubta gabdhaha muslimiinta ah gaar ahaan Gabdhaha somaliyed in ay mas,uuliyeen sarsare ku amraan in ay shaqadooda weynayaa hadaysan dhigin labisba ay caanka ku yihiin gabdhaha islaamka.

 

sources:

Togdheer News

Hargeysa Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaarada War Faafinta Somaliland: Ma Jirto Hablo Shaqada Lagaga Eryay Xijaabkooda Dartii

 

 

 

Hargeysa(Dham)-Radio Hargeysa

War ka soo baxay Wasaarada War faafinta Somaliland ayaa lagu sheegay eedayn ay u soo jeediyiyeen laba hablood oo laga sii daayay xalay TVga madaxa banaan inay ahayd mid been abuura oo aanay waxba ka jirin.

 

 

Labadan hablood oo kalla ahaa Seynab Yuusuf Axmed iyo Hoodoo o sheegay in lagu eryay xijaab iyo niqaab iyagoo ahaa shaqaalaha Wasaarada War faafinta hase yeeshee warkan Wasaarada War faafinta ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa xoghayaha Wasiirka Riyaad Max’ed Yuusuf ayaa lagu sheegay in inanta Hoodoo o sheegtay in xijaabka iyo niqaabka lagu eryay in mudada uu Wasiirku joogay Wasaarada aanu aragba meel uu ku eryayna aanay jirin isla markaana ay been ka sheegtay Wasiirka oo ay sheegtay inuu niqaab iyo jilbaab ku eryay, Sidoo kallena waxa warku intaa ku daray in Seynab aanay mudo dheerba ka shaqaynayn Wasaarada Sababo ay ku maqnaydna aanay keenin cadaynteeda sidaa darteedna ay iyadu codsatay in ay shaqada ka tagto Wasiirkuna sidaa ka aqbalay shaqo ka tegideeda oo welibana ay wasiirka kulla kacday Aflagaado iyo dhaleecay, Warka ka soo baxay xog hayaha wuxuu intaa ku daray in hablo badan oo xijaab iyo niqaaba leh ay joogaan oo ka shaqeeyaan Wasaarada War Faafinta cid lagu eryayna aanay jirin arintaa Sidaa darteedna loo baahan yahay in saxaafadu ayhubiyaan wararka ay faafinayaan iyagoo aan ka xaqiijin dhinicii kalle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this