Sign in to follow this  
Jacaylbaro

MOGADISHU, THE FOURTH DAY

Recommended Posts

MOGADISHU, April 22 (Reuters) - Rotting corpses lay in the open and explosions shook Mogadishu on Sunday for a fifth day of battles between insurgents and allied Somali-Ethiopian troops that have killed more than 200 people, residents said.

 

Illustrating regional divisions many say are fomenting the escalating war, Eritrea pulled out of the east African group IGAD after a rift with Ethiopia over Somalia. The feuding neighbours each accuse the other of stirring the conflict.

 

In an ever-growing exodus some say is nearing half a million people, hundreds more Somalis trudged out of Mogadishu on Sunday, dragging and carrying belongings on their head.

 

"I have lost all hope," one woman said, walking at the head of 11 relatives, mainly children.

 

A Reuters correspondent in central Mogadishu was repeatedly woken through the night by the sound of mortars, mainly from the north of the city where the worst fighting has been.

 

Insurgents are barricaded behind makeshift sandbanks and race through streets on pickups turned into battle-wagons, while Ethiopian and Somali troops fire heavy artillery and make forays into their strongholds with armoured cars.

 

With an insurgency simmering since the ouster of militant Islamist rulers from Mogadishu over the New Year, this week's violence has been one of the worst sustained flare-ups since then. A previous four-day spike in battles at the end of March killed at least 1,000 people, mainly civilians.

 

Bodies lay on the streets on Sunday, some mutilated and decapitated by incessant shelling that has pulverised residential neighbourhoods considered Islamist strongholds.

 

MAKESHIFT GRAVES

 

With Somalis keen to bury their dead quickly in accord with Muslim custom, some were digging makeshift graves by the road.

 

The Islamists ruled most of south Somalia for the second half of 2006, before being defeated by the interim government and its Ethiopian military backers in a war over the New Year.

 

But Islamist fighters -- backed by some disgruntled ****** clan elements and foreign jihadists -- have regrouped to rise up against President Abdullahi Yusuf's administration and his Ethiopian backers whom they regard as hated foreign invaders.

 

Ethiopia accuses Eritrea of sending arms and men to support the Islamists, while Asmara says Addis Ababa is occuping Somalia illegally at the behest of the United States.

 

Eritrea's exit from the seven-member Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) was a blow to diplomatic efforts to unite foreign opinion on pacifying Somalia.

 

"The Government of Eritrea was compelled to take the move due to the fact that a number of repeated and irresponsible resolutions that undermine regional peace and security have been adopted in the guise of IGAD," said a statement on the government Web site, shabait.com.

 

A meeting of IGAD foreign ministers two weeks ago in Kenya became a forum for the festering feud between Ethiopia and Eritrea, still bitter over their 1998-2000 border war and now locked in what many analysts see as a proxy war in Somalia.

 

Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Somalia and Eritrea are the countries who make up the east African bloc.

 

The United Nations says more than 321,000 residents have fled Mogadishu since February, but locals put the figure higher.

 

"I think it's nearer 500,000 now," said the head of a Somali think-tank, who asked not to be named because of the precarious security situation. (Reporting by Sahal Abdulle, Jack Kimball in Asmara, and Andrew Cawthorne in Nairobi)

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

This is shame! Innocent people are getting killed by the government they thought will bring stability in their country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 22, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaal Culus oo la isku adeegsanayo madaafiic ayaa maalintii 4aad ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay isi soo tareyso tirada dadka rayidka ah ee ku geeriyoonaya dagaaladani oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia xoogagga wax iska caabinta Somalia.

 

Iyadoo wali dagaalo goos goos ah ay ka soconayaan deegaanka Fagax ayaa hadana iska horimaadyo xoogan waxa ay ka qarxeen inta u dhaxeysa deegaanka Jiiro Garoob iyo Hotel Towfiiq, halkaasi oo ay isaga horyimaadeen ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo xoogagga wax iska caabinta.

 

Wali lama oga qasaaraha iska horimaadyadaan saakay bilowday, laakiin waxaa wali isi soo taraya qasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya madaafiicda Goobta iyo kuwa BM ka oo ciidamada Ethiopia ay wali ku garaacayaan deegaanada dadka rayidka ah ay dagan yihiin.

 

Madaafiicda BMKa ah iyo kuwa Goobta ayaa wali ciidamada Ethiopia waxa ay u qeybinayaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada ay u badan yihiin dadka rayidka ah.

 

Madaafiic dhowr ah ayaa saakay ku soo dhacday deegaanada Baar Ayaan, Hotel Towfiiq iyo meelo ku dhow dhow kuwaasi oo geeystay qasaaro naf iyo maalba leh.

 

Xarunta Hay'adda DBG ee agagaarka isgoyska Towfiiq ayaa gabi ahaanba burburtey ka dib markii ay ku dhaceen madaafiic dhowr ah oo ay soo rideen ciidamada ethiopia oo beegsanayay kooxaha ka soo horjeeda.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah iyo ciidamada Ethiopia oo ku aadan duqeynta loo geeystay xarunta hay'adda DBG oo dad badan ay ku dhaawacmeen.

 

Dagaaladaan oo galay maalintii 4aad ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen in ka badan 200 oo ruux halka tiro ku dhow 400 oo kalene ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay ilo kala duwan oo ku sugan Isbitaalada Muqdisho.

 

Dagaaladii shalay dhacay oo kaliya iyo madaafiicdii loo qeybiyay qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa waxa ay galaafteen ku dhowaad 80 ruux halka tiro ku dhow 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

well, not by a popular vote. But their clan representatives and warlords agreed to have the TFG to lead them. The problem was not that they agreed to have the TFG as their government, but the TFG leadership have failed them. It is just like letting hyna to be the caretaker of your sheep once it promises that it no longer eats them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 22, April.07 ( Sh.M.Network) Waan waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalada 4ta maalmood ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa soconeysa magaalada Muqdisho.

 

Sida uu shabelle u xaqiijiyay Afhayeenka dhinaca siyaasadda ee beelaha ******, Waanwaantaan nababeed ayaa ka dambeysay ka dib markii xiriir ay la soo sameeyeen saraakiisha ciidamada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho oo amar ka heysata madaxda xukuumadda Adis-ababa.

 

Waxa uu sheegay in hadalkaan uu soo baxay galinkii dambe ee xalay ka dib markii uu isaga shaqsi ahaan la soo xiriirey Gen. Gabra, kaasoo ku war galiyay in Boqor Buur-madoow uu wakiil ka yahay dowladda Ethiopia, isla markaana ay u xilsaartay in uu dhex dhexaadiyo odayaasha beelaha ****** iyo ciidamada Ethiopia.

 

Mar wax laga weydiiyay in ay dhaqan gali karto waanwaantaan cusub ayuu ku jawaabay in markii horeba iyagu bilaabeen xabadda haatanna haddii ay joojiyaan dhinacooda ay ka istaageyso xabadda.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli wali dagaalo ay ka socdaan caasimadda Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Ciidamada Itoobia oo hal taangi iyo hal uural laga gubey kadib isku-day ay ku donayen iney si dhuumaleysi ah ugu gudbiyaan sahay ciidamada uga go'doonsan Xarunta xisbiga.

 

 

Warar lagu kalsoon yehay ayaa sheegaya in goor aroor hore ah waqtiga muqdisho saakay ay koox ciidama itoobian ah oo watay hal taangi iyo sadex baabuurta waaweyn ee uuralka ah ay isku dayeen in ay si qarsoodi ah ugu gudbiyaan sahay ciidamadooda uga go'doonsan xarunta xisbiga ayagoo isticmaaley waddo jid cadde qardajeex ah kana soo dhacda Jiira-garoob.

 

Dhaqdhaqaaqas oo ciidamada xoreynta dalku hore uga war hayeen ayaa markii ay soo gaareen bartii loogu talo-galay waxaa ciidamada xaq-udirirku huwiyeen tacshiirad ka dhacaysa qoryaha darandooriga u dhaca, sebenka,lidka taangiga, iyo baasuuke, taasoo dhalisay khasaato lixaad leh oo loo geystey kooxdii tikreega lagana gubey hal taangi hal baabuur oo uural ah.

 

Waxaa kaloo halkaa looga diley tikreega 8 sideed askari iyadoo intii hartay si naf lacaari ah ay la fakadeen laba uural ah. khayaamooyinkan yar-yarka ah ayaa ah waxa keliya ee u haray maxaysatada itoobiyanka ka-gadaal markii looga xoog roonaday dagaalladii fool-ka-foolka ahaa ee beryahaan ka socdey Muqdisho.

 

Dhanka kale ciidamada itoobiyanka uga go'doonsan xarunta xisbia ayaa ah kuwo haatan xaaladoodu aad u liidato waxaana laga dareemay saacadihii ugu dambeeyey dhaq-dhaqaaq labo mid ku qotoma; a) iney doonayaa iney maryo cad-cad la soo baxaan oo isu dhiibaan ciidamada xaq-u-dirirka,iyo b) iney isu diyaarinayaan guluf ismiidaamin ah oo kaga baxsadaan halkaa iyagoo ka quustay wax gar-gaar ah oo uga yimaada saaxiibadood.

 

Posted by dalka on April 22 2007 05:16:07

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Northerner:

1_218215_1_5.jpg

Aada la aada, dabamiinshaar/dabajeex miyaa waxaas? Bisinka.

 

Kan ka horeeyo suu u foorarsaday ayaa igu daran, dhawaaqaas yaa u adkeysan karo korkaaga laga ridaayo.

 

Xamareey, dagaal makaa dhamaado. Kistii yarayd ka hartay magaaladdaa ifka ugu jeclaa lasii burburiyo. Oh, Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 23, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo goos goos ah oo xoogan ayaa ka soconaya maalintii 5aad deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiic culus ay ciidamada Ethiopia ku garaacayaan qeybo ka mid ah caasimadda Somalia.

 

Dagaaladan iyo madaafiicdaan ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay geysanayaan waxyeelo ba'an oo soo gaaraya dadka rayidka ah.

 

Ugu yaraan 5 ruux ayaa maanta meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ku geeriyooday ka dib markii ay haleeleen madaafiic iyo rasaas la is weydaarsanayay.

 

Labo ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa dilay rasaas Habow ah, iyadoo labo ruux oo kalena ay ku geeriyoodeen xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid, ka dib markii madfac uu ku habsaday, halka qof kale oo rayid ahna uu ku geeriyoodey degmada Shibis, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu ka dul habsaday madfac aan la garaneyn halka laga soo riday sida ay shabelle ka soo xigatay dad goobjoogayaal ah.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa madaafiic ka tuuraya fariisimaha ay ka dagan yihiin caasimadda sida Xarunta Madaxtooyada iyo meelo kale oo ka tirsan W/magaalada Muqdisho.

 

Xaafadda Jamhuuriya ayaa waxaa la isku weydaarsanayaa rasaas goos goos ah taasi oo si toos ah u dhex mareysa ciidamada Ethiopia oo taageero ka helaya kuwa dowladda iyo xoogagga joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Somalia.

 

Lama oga rasaastaan goos gooska ah oo ilaa xalay fiidnimadii soconeysay wax qasaaraha oo ilaa iyo iminka ay geysatay, iyadoo madaafiic culus ay ku dhacayaan xaafado ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, isla markaana la sheegayo in ay jiraan tiro dad ah oo goobahaasi waxyeelo ay ka soo gaartay.

 

Madaafiicda iyo rasaasta maalintii 5aad oo xiriir ah ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ayaa waxa ay ku soo beegmayaan, iyadoo la sheegayo in ay jiraan waanwaan iyo wada hadalo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo odayaasha beelaha ******, waxaana jirin ilaa iyo iminka wax kulan ka fool ka fool ah oo labada dhinac dhex maray sida uu shabelle u sheegay Max'ed Xasan Xaad oo ah afhayeenka Beelaha ******

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this