Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab all out offensive begins...........

Recommended Posts

Maalintii 3aad Dagaalo Yeeshay Saameyn oo Muqdisho Ka socda xili ay tahay Ramadaan

 

 

Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho caasimada Dalka Soomaaliya ayaa galay maalintii 3aad, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG ah, Ahlusuna iyo Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda.

 

Waxayna weli ka sii soconayaan aagagii hore 2 ka hor ay ka qarxeen, sida Degmada Hodan, iyo qeybo ka mid ah Degmada Dharkinley .

 

Dagaalada Xoogooda ayaa maanta waxay ka dhacayaan Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley iyo weliba deegaano kale halkaas oo la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay bar bar soconayaan Duqeymo xoogan oo ku dhacaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo aanu dagaalku ka socon.

 

Waxay dagaalada iyo Duqeymahaasi geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac u badan dad rayid ah, inkastoo aan la xaqiijin Karin inta ay la egyihiin balse waxaa la sheegayaa in gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Muqdisho ka shaqeeyaa ay daabulayen ilaa saaka Dad ay waxyeelo gaartay, waxayna noo sheegeen shaqaalha gaadiidkaasi in ilaa sodomeeyo qof oo qaba wayeelooyin kala duwan ay gaarsiiyiin goobaha caafimaad.

 

Sarkaal ka tirsan Xarakada Alshabaab oo lagu magacaabo Sh Burhaan ayaa la hadlay warqabadka SBC ee Muqdisho waxaanu uu guulo ka sheegtay dagaaladii maanta, isagoo tibaaxay in ay la dagaalamayeen oo keliya ciidamada Amisom.

 

Dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho caasimada dalka maalintii sedaxaad xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan ayaa saameyn balaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee suuqa bakaaraha.

 

Maxamed Xaaji xasan Abuukar

SBC International Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaab oo ku soo qul qulay Muqdisho

 

Dagaalo aad u qaraar ayaa waxa ay galeen maalintii sedexaad kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada KMG oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al shabaab oo awood badan soo saaray Magaalada Muqdisho iyadoo maalmihii u danbeeyay ku dhawaad kumanaan ay soo buux dhaafiyeen jiida dagaalka.

 

Dagaaladan oo ay maalinti isniinta aheyd ee lasoo dhaafay ay iclaamiyeen ururka Al Shabaab ayaa waxaa maanta ay si xoog leh uga soconayaan, dhinaca waqooyi ee Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale qeybo ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Hodan ee Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa ku soo qul qulaya Magaalada Ciidamo aan horay loo arag oo tagaeersan Al shabaab kuwaasoo damacsan in ay xoog ku galaan xarunta Madaxtooyada oo hooy u noqtay Labada Shariif iyo Cumar Cabdi rashiid oo aan waxba soo kordhin intii la magacaabay .

 

Waxaa intaasi dheer madaafiic culus oo ay labada dhinac is weydaarsanayaan, iyadoo madaafiicda ay si aan caadi aheyn hada ugu hoobaneyso Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha hoos yimaada, waxaana madaafiicdani ay ahaayeen kuwo ku hoobanayey tan iyo xalay.

 

Madaxa gaadiidka Gurmadka deg dega ah, Cali Muuse Sheekh ayaa sheegay in xalay ilaa iyo saakay ay qaadeen dhaawacyada 20 ruux oo ay ka kala qaadeen degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigleey iyo Yaaqshiid.

 

Waxaa maalinti labaad xiran ganacsiga Suuqa Bakaaraha, waloow meelaha qaarkood ay u faranyihiin sida Suuqa Daawada iyo tukaamo aanan sidaasi u badneyn sida bacadlaha duqa ah.

 

Tirada dhimashada dadka rayidka ah ayaa hada mareyso 51 ruux, halka dhaawacana uu sii caga cageynayo 157 tan iyo marki ay bilowdeen dagaaladan mudo iminka laga joogo 48-saacadood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo Muqdisho ka socda maalintii sadexaad

25 Aug 25, 2010 - 8:44:26 AM

 

Ugu yaraan 22-qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay ayaa maalintii sadexaad ka socda Magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeya DF iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xisbul Islam iyo Al-shabaab oo iskaashanaya.

 

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka iyo gaadiidka gargaarka deg-dega ah 50-qof oo ka kooban qaybaha bulshada, iyadoo madaafiic xoogan ay ku dhaceen degmooyin ka fog kuwa ay dagaaladu ka socdaan.

 

"Waxaan arkay dhaawacyada 10-qof iyo dhimashada 9-qof oo kale, kuwaasoo uu sababay madfac ku dhacay bakaaraha" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii madfacaas ku dhaawacmay, kaasoo saxaafada kula hadlay Isbitaalka Madiina.

 

Madaxa gaadiidka gurmadka degdega ah ee Muqdisho Cali Muuse ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada 35-qof ayna ka kala qaadeen degmooyinka, Hodan, H/wadaag, Wardhiigley, Boondheere, Shibbis iyo Boondheere, kuwaasoo dhamaan ay dagaaladu saameeyeen.

 

Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta uga qaybgalayay dagaalka, waxaana ay ku sugan yihiin ciidamadaas aagaga ay labada dhinac ku dagaalamayaan, kadib markii ciidamada DF iyo kuwa Ahlusunna laga saaray goobihii ay ku sugnaayeen.

 

"Maleeshiyada Al-shabaab waxay xalay soo gaareen Hotel Weheliye oo ku yaala jidka Maka Al-Mukarama, taas ayaana keentay in ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay dagaalka galaan" ayuu yiri mudane ka mid ahaa kuwa daganaa Hotel Wehliye oo diiday in magaciisa la sheego.

 

Dowlada Somalia iyo dhinacyada dagaalka kula jira ayaa kala sheegtay guulo iyadoo dhinac walba uu sheegay inuu dhinaca kale riixay, waxaase dagaalka maanta kaga dhintay labada dhinac ugu yaraan 11-qof, iyadoo ay kaga dhaawacmeen tiro kale.

 

Sarkaal u hadlay DF ayaa sheegay in ciidamada dowladu ay ku sugan yihiin meel ku dhow Bakaaraha, isagoo sheegay inay ku guuleysteen inay maanta ka gudbeen difaaca hore ee Al-shabaab, mana jirto war kasoo baxay dhinaca kale.

 

Dagaalada maalintii sadexaad ka socda Muqdisho ayaa geystay khasaare aad u fara badan oo gaartay dhinacyada uu u dhexeeyo dadka shacabka ah, iyagoo saameyn ku yeeshay ganacsiga magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this