Cowke Posted June 2, 2010 Nabadoonada Gobolka Bari oo Maanta Ka Hadlay Xaalada Buuhoodle (Sawiro & Dhageysi) Boosaaso (RBC Radio) Nabadoonada Gobolka Bari ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Boosaaso kaga hadlay xaalada degmada Buuhoodle oo ay dhowaan ka dheceen dagaalo dhexmarey ciidamo Ethiopian ah iyo dad degaanka ah. Nabadoon C/casiis Yuusuf Afguduud oo shirka jaraa’id kula hadlay wariyaasha ayaa sheegay in nabadionadu ay aad uga xun yihiin dagaaladii ka dhacay degmadaasi isagoo sheegay in Ethiopia ay ugu baaqayaan inay xilka iska saaraan dhowrista jiritaanka xuduuda Soomaaliyeed. “Waxaan aad uga xunahay xiisadaha ka jira Buuhoodle, dowlada Ethiopia waxaan ugu baaqeynaa inay dhowrto xuduudaha Soomaaliyeed madama aysan jirin dowlad dhexe oo isu xilsaarta ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta”, ayuu yiri nabadoonu. Nabadoon Afguduud ayaa sheegay in ka nabadoonada Bari ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dadka reer Sool iyo Cayn ee dhibaatadu ka soo gaartay duulaankii ciidamada Ethiopia ku soo qaadeen degaanka. “Waxaanu leenahay dadka walaaleheena ee degaanka war idinkama tegin ee waan idin garab taaganahay hiil iyo hooba, wixii idin dhiba ayaa na dhiba, wixii idin dhowrana way na dhowraan”, ayuu yiri nabadoon Afguduud. AMA Nabadoon C/casiis Afguduud wuxuu intaasi raaciyey in dadka degaanka aysan kaga jawaabin waxyaabaha halkaasi ka dhacay dagaal balse ay muujiyaan dulqaad, isagoo sidoo kale codsaday in loo dhego nuglaado codsigii dadka degaanka ee ahaa in loo soo celiyo gawaari ka badan 16 oo ay dhowaan ciidamada Ethiopia ka kaxaysteen degmada Buuhoodle kuwaasi oo weli gacanta ugu jira ciidamada Ethiopia. “Waxaa lagu wada joogaaderis wanaag in deris wanaagii la dhowro ee la tixgaliyo dadka degan deegaanadaasi, anagu ka mid baan nahay dadka degaankaasi degan, waxaanu jecel nahay in cid kasta oo dunida ku nool aan kula noolaano deris wanaag ciddi iyadu aan markaa ku gacan seyrin ee aan diidin deris wanaaga, iyaguna sidaasoo kale inay soo dhoweeyaan deris wanaaga ayaan ugu baaqeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray nabadoonka. Nabadoonka oo ka hadlay dhibaatada guud ee ka jirta dalka ayaa sheegay inay sabab u tahay kala qeybinta ummada Soomaaliyeed oo looga faa’ideystey in la xukumo iyadoo loo soo maray qabyaalada oo ah arin Soomaalida daashatay. Mar nabadoonu aan weydiinay waxa ay ka geysan karaan dhibaatada egaanka ka dhacday ayaa waxaa uu sheegay in weli dadaaladu ay socdaan oo aysan joogsan, markastana ay ku dadaalayaan in dadka nabada loogu baaqo. Nabadoonka ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyiintoodaba inay muujiyaan deganaan oo aysan xaalada uga darin, maadaama danta shacabka ay ku jirto xasiloonida. Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta dowlada Puntland inay ugu yaraan hadal ka geysato dhibaatada ka dhacday degaanka maadaama ay masuul ka tahay dadka degaanada Puntland ku nool oo dhan. Shirka jaraa’id ee nabadoon C/casiis Afguduud ayaa ku soo beegmay iyadoo toddobaadkii hore dagaaladii ka dhacay degmada Buuhoodle ee dhexmarey ciidamada Ethiopia iyo dadweynaha ay sababeen khasaare xoogan oo dadka rayidka ah soo gaaray, taasi oo cambaareyn xoogan loo soo jeediyey. Dowlada ku meel gaarka Soomaaliya ayaa shaley ugu baaqday Ethiopia inay ka waantowdo faragelinta dhulka Soomaaliyeed ee ay ku nool yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaana baaqa nabadoonka ee ku wajahan xaalada Buuhoodle uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee ka soo baxa dhaqanka Puntland oo ku saabsan ama looga hadlo xaalada Buuhoodle tan iyo intii ay colaadu dhexmartey dadka reer Buuhoodle iyo ciidamadii Ethiopia ee soo weerarey. RBC Radio Audio Here Quote Share this post Link to post Share on other sites