Sophist Posted July 2, 2009 Nin Labeeyey Ma Talin.(Qaybta 1-aad) By Somalimirror on 19 May, 2009 10:36 PM in Maqaallo Xasan Fayooke Cali-Dharaar Fayooke@hotmail.com Ilaahay baa Mahad dhammaanteed mutaystay, Nabadgelyo iyo Naxariisna Nabigeenna Muxamed korkiisa (صل 9; الل ;ه علي ;ه وسل ;م) Waxaan Ilaahay ka baryahayaa inuu naga duwo kuwii uu yiri فقا ;ل تعا ;لى: { مثل ;هم كمث ;ل الذ ;ي است ;وق 3; نار ;ا فلم ;ا أضا ;ءت ما حول ;ه ذهب ; الل ;ه بنو ;ره 5; وتر ;كه 5; في ظلم ;ات لا يبص ;رو 6; } (ال 6;قر 77;:17) Maadaama qormooyinkii hore oo culimadu ku ra’yi dhiibteen ay ku soo wareegaysanayeen sida xalku noqon lahaa iyo caqabadaha hortaagan, waxaan wax yar ku darayaa caqabadihii uu soo xardhay sheikh Xasan Max’ed Ibraahim(Abuu Xassaan).kadibna waxaan soo jeedin doonaa sida aan xalka u arko(Inshaa Allahu). Caqabadaha naga hortaagan inaan xalwaara gaarno waxaa saldhig u ah faham qaldan oo guud ahaan Soomaalidu gaar ahaanna inta siyaasadda ku lugta lihi ay ka qabaan nidaamka iyo siyaasadda caalamka, sida ay u shaqayso iyo canaasiirta lala macaamilayo. Tusaale ahaan; 1-Jacaylka iyo dhaacadu(u daacadnimo), waxba kama tarto marka ay joogto siyaasadda caalamka guud ahaan gaar ahaanna xiriirka wadamada ka dhexeeya. In wadan lagu xad gudbo waxa kaliya ee ka celin karaa waa in ay jirtaa cawaaqib uu midka soo xad gudbayaahi ka baqanayo inay ka dhalato xad-gudubkiisaas. Inta badan wadamadu tallaabooyinka ay qaadaan ee ka dhanka ah wadamada kama helaan natiijadii ay rabeen oo xisaabtu sidii loo dhigay markii la qorshanayey uma soo baxdo markii hawsha loo qumo, balse waxa ugu horreeya ee wadan lagu tixgeliyaa ama lagu quursadaa waa awoodda wadankaasi leeyahay. Dalalka qaarkood awooddaasi marka hore ayey ka muuqataa oo looga gabbadaa sida aalad militari, tirabadni dadka ,ciidadamada iyo dhaqaale horumaray oo gaamuray. Tusaale qoladan waxaa u noqon kara Maraykanka, Ruushka, iyo Shiinaha. Dalalka qaarkoodna, awooddu marka hore kama muuqato oo waa lagu dagmaa, oo markii lagu xadgudbo ayey cidda soo xadgudubtay darsi lama illawaan u dhigtaa. Tusaale qoladan dambe waxaa u noqon kara dalalka, Vietnam, Afghanistaan marar badan, Soomaalida in kastoo aanay arrintu weli dhammaan. 2-qodob kale oo aas-aasi u ah wadamada marka ay qaadanayaan go’aan strategy ah waa waxa la yiraahdo: yuu yahay (identity). Inta la iskaashan karo, la isnabad-gelin karo amaba la is aamini karo waxaa sal u ah haybta labadaas wadan ay kala yihiin. Halbeegga lagu cabbirayo haybta wadamada iyo bulshooyinka waa noocyo badan yahay waxaase ugu sita mabaadi’ida iyo dhaqamada soo jireenka ah ee ay isaga mid yihiin ama ku kala duwan yihiin.laba qaran ee kastaa, kaasaana go’aaminaya meesha lagu tirinayo ummad kasta. Is reeb-reebka halbegyadaas waxaa ka soo haraya diinta oo ah marka ugu dambaysa midda abtirka siinaysa qaran kasta. Buugga hadda inta badan lagu soo daliishado daruusta xiriirka caalamiga (International Relations), uuna qoray professor maraykan ah oo la yiraahdo Samuel Huntington, wuxuu macrakada kama dambaysta isugu soo reebayaa waxa uu ku tilmaamay:Christian- Western oo meel ah iyo Eastern- Islam oo meel ah. Inkastoo ay diintannada ku caddahay cidda macrakada ugu dambaysa isugu soo haraysa ayna dhabtu iyada tahay, waxaan arrintaan u keenay saamaynta ay maanta ku leedahay dadka go’aamada u qaadanaya wadamada reer galbeedka, maxaa yeelay rag badanoo wax qora maanta waxay tilmaameen Huntington inuu qeybka wax ka ogaa sidaaa darteed odoristiisii Sept 11 2001 ka dib waxaa lagu dhejiyey Huntingtonian Profecy.(waxay leeyihiin sidii waxyi oo kale ama nabinimo ayaa loo arkay).markaan qalbiga ku haynno in aqoonsiga qofka ama qaranka la siinayo aan laga qaadanayn waxa uu markaa sheeganayo ee laga eegayo taariikho dheer oo la xiriirta qofkaas ama qarankaas, waxaa noo soo baxaysa in ummadda soomaaliyeed si toos ah uga mid noqonayso bahda Eastern-Islam, sidaa darted qoloda Christian_Western aanay marnaba aaminka ku qabi Karin si kasta oo ay isku dayaan madaxda markaasi inay iska beri yeelaan waxii lagu yaqaannay ummaddaas sida dhaqanka iyo diinta islaamka ama muujin jacayl kal iyo laab ah oo ay u hayaan cadowgii ummaddooda. Suuradda dhabta ah ee muujinaysa dhaqanka reer galbeedka ee ku wajahan ummadda muslinka a waxaa si qoto dheer oo xigmadaysan u cabbiray in ka badan 100 xubnood oo isugu jira culumaa’uddiin iyo aqoon yahanno muslim ah oo adduunka oo dhan aad looga yaqaan, oo ay ka mid yihiin: Dr;Jacfar sheikh Idiri, Sheikh Safar C/Raxman Xawali, Sulayman Al-cowdah, Sh. Cabdulmajiid Sindani, sh.Axmed C/Raxman Al-Suyaan, Sh. C/raxman Camir AL-Nucaimi oo tiro kamid ahi ay macalimiin ka yihiin jaamacadaha reer galbeeka. Ma soo jeedinayo inaan dagaal waxaan ahayn xalku ahayn, balse iyada oo la yahay laba qolo oo kala duwan qolo welibana danaheeda iyadu masuul ka tahay, haddii lagu xadgudbana faraha lagaga gubanayo, faragelinna aan ciddina xaq isu siinnin ayaa la macaamili lahaa oo nabad lagu wada noolaan lahaa. Tan waxaa hortaagan inay dhacdo qolada hadda xoogga leh oo keligeed adduunyada isa siinaysa, qolada tabarta daran waa inay wax badan ku huraan siday dannigaas u beenin lahaayeen, illaa ay taasi dhacdana, talada dalkeeda iyo dadkeeda midna loo dayn mayo, ciddii isku dayda inay meel kale xal ka keentana taariikhdii la soo maray, waaqaca hadda muuqda iyo sharciguba waa beenin doonaan (aniga aragtidayda yarta ah). 3-waxaad mooddaa inaan aad u jammanay(jeclaysanna y) dawlidnimo iyadoo aan dayacaynno tiirarkii lagama maarmaanka u ahaa dawladnimada kaasoo ah madax bannaani taam ah. Haddii xataa dawladda aan raadinaynaa ay tahay tan casriga ah ama Westphalian System, waxaa aas aas u ah: A) Inuu qaranku u madax bannaan yahay qaraarada(go’aamada) uu masiirkiisa u qaadanayo oo aanay ka joojin ama ku qasbin go’aanadiisa cid isaga ka baxsan saamaynteeda ama cabsi uu ka qabo. b)Inuu qarankaasi leeyahay xuduud qeexan oo uu isagu taladeeda gaar la yahay, taasoo difaaceedu yahay waajibka kama dambaysta ah masuuliyiinta qarankaas garbaha u saaran. c) sida uu qarankaas dadkiisa u xukumayo ama sharciga iyo distuurka uu yeelanayo waa inay ka timaaddo dadkiisa iyo cidda ay xilsaartaan. Waxaa intaa sii dheer waa inay jirtaa qiyam aas aasi ah oo lama taabtaan ah taasoo difaacideeda loo huro wax kasta oo qarankaasi haysto. Meekhaan kasta oo ay gaarto iyo mansab kasta oo ay hayso, ciddii ku xad-gudubta qiyamtaas waa inay qadarintii iyo xuquuqdii ay lahayd weydaa. 4) haddii wadan uu gumaysi gacanta u galo, waxaa jira shuruudo lagama maarmaan u ah cidda xorayntiisa isu taagta haddii ay oofin weydo shardiyaasna waa hubaal inaysan guul soo hooyneyn. Shardiga ugu muhiimsan kuwaasi waa inaanu hoggaanka jabhaddaaasi ka welwelqabin halka uu isagu ku dambaynayo ama jagada uu helayo halganka ka dib, uusanna soo dhaweysan hadafka iyo guusha balse uu isu qadimo inuu dariiqa halgankaas ku baxo oo ku dayasho ugu noqdo jiilalka soo socda Isla shardigan waxaa qayb ka ah in hoggaanku aanu isagu un is boqrin ee loo garto inuu wax hoggaansho, in kastoo mararka qaarkood ay qofka mudato isagoo aan loo garan ama ha ku timaaddo qayb wacan oo uu ka qaatay halganka amaba kali ku noqosho. Halkan haddaan wax yar isu taago sida ay u saamayso ka mira dhalinta halgannada guud ahaan caalamka, gaar ahaanna soomaalida, marka uu cadawga lala dagaalamayo ogaado cillada hoggaanka oo ah inuu ka fikarayo jagada uu qabanayo halganka ka dib (inuu wax noqdo), ayuu (cadowgu) u soo bandhigaa hoggaanka waaqac been ah oo oranaya waan idin xoraynayaa laakiin markaad xorrowdaan yaa madaxweyne noqonaya ama maxaad ku dhaqmaysaan distuur ahaan, taa iyo taa naga daaya oo taas qaata. Markii xaaladdaasi timaaddo ayaa jabhaddu laba u kala baxdaa : A-qolo fahamsan dabeecadda cadowga iyo dhagartiisa oo aan waxba moodayn gobanimo bar dhiman oo cadowgii si dadban kuu haysto. B-qolo ujeedo badan ah oo u xilata callaalka loo soo taagay oo ku dhiiran saaxiibadood, laakiin aad uga gabbada cadowga. Waana halka xaaji aadan af qalloc ka lahaa: Wax na dilay adduun niman raboon eegahayn sharafe Markaa laba daran middood uun buu khiyaarku noqdaa: In cadawgu xudduudda ka tallaabo oo rag danahiisa wada oo amarkiisa ku shaqaynaya uu talada u dhiibo ama kaba darane isagii(gumaysigii) oo jooga ay jabhaddii xorayntii hubka isu qaadato . 5) waxaa si qaldan nooga dhaadhacday inuu jiro sharci caalami ah oo dadka xuquuqdooda dhowraya iyo bulsho caalam oo sharcigaas fulinaysa, runtuse waxa ay ay tahay waxa lagu magacaabo sharciga caalamiga ah ee maanta jiraa magaciisa dhabta ah waxaa qeexay nin ingriis ah oo la yiraahdo Sir Hersch Lauterpacht oo ku xeel dheeraa sharciyada caalamiga ah, kana soo qabtay jagooyin Guddiga qaramada midoobay u qaabilsan sharciyada caalamiga ah isla markaana ahaa qaalli maxkamada caalamiga ah kaasoo ku tilmaamay inay tahay halka sharciga raadkiisu ku dhammaado sharci darraduna ka billaabato(Internati onal Law is the vanishing point of Law). Sidaa daraadeed waddan waliba dadkiisa ayaa laga rabaa inay xuquuqdooda dhacsadaan oo ciddii ku soo xadgudubta ay bannaanka iska mariyaan. 6-Duulaanka cadowgu waa mid qorshaysan oo waqtiyeysan(Phase A, B, C..), sidaa darteed xilliba in loogu talogalay ayaa la fulinayaa. Waxaa nasiib darro ah haddaba in markii qorshihii A dhammaad yahay oo laynagu fuliyo , loona guurayo qorshaha B waxaa nala ku mashquulinayaa qorshe A oo laga guuray sida Ciraaq waan ku qaldannay, Bush madaxweyne Ma astaahilo oo Obama ayaa yimid, Guantanamu Bay qalad ayey ahayd, maxkamadihii in la rido ma ahayn , maraykanku hadda ayey wax fahmeen(chance waaye), iyo wax yaalo badan oo loo yaqaanno oohin yaxaas ayaa lagu habsaamaa inta la fulinayo B, xaqiiqaduse waxay tahay ficilkii iyo niyaddii dulmiga lagu gelayey waxba iskama aysan beddelin, qofka mas’uulka ah waxaa laga rabaa inuu ficilka isbedelkiisa hubsado ee aannu probogaandada ku dagmin, tusaale wanaagsan waxaa laga qaadan karaa jawaabtii madaxweynaha Iran uu siiyey Madaxweyne Obama markuu yiri isbeddel ayaan rabaa xagga xiriirkeenna waa kii yiri ficilkaagii dulmiga ahaa qiro oo xaal ka keen kadibna mid cusub oo sax ah na tus. 7) cadowgu wuxuu kaa weerarayaa goolal(Targets) kala duwan waqtiyo kala duwan laakiin midba goorta ay ku habboon tahay iyo weliba isku mar hadday ku habboonaato. Halbowlayaasha qaranku ka dhinto(Centre of Gravity) ee cadowgu toogto waxaa noqon kara ciidankaaga, dhaqaalagaaga,geesig aaga,hoggaamiyahaaga ,mabda’aaga, xulufadaada(jeelkaag a), saldhiggaaga ama caasimadaada, sumcadaada iyo sharaftaata(Public opinion), isgaarsiinta iyo kaabayaalka kale. Somalida intaas oo halbowle ah midba mar ayaa la jarayey iyada oo kii kale uu sii qoslayo inta kaa laga soo jeedsanayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted July 2, 2009 Nin Labeeyey Ma Talin Q 2aad: Dawladda Midnimo Qaran (TFG2) By SomaliMirror on 25 Jun, 2009 10:13 PM in Maqaallo, Siyaasadda TFG-2 Ka hor inta aanan qiimayn madax bannaan ku samayn xaaladda Dawladda Midnimo Qaran(TFG-“),waxaan milicsanaynaa sida ay dadkii sanaacadeeda mas’uulka ka ahaa iyo dadka taageersani ay ugu soo bandhigeen ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamka. Doodda u janjeerta inuu guul ku dhamaaday qorshihii Djabouti waxay oranaysaa waxaa la helay natiijo dhaxal gal ah: 1. Waa dawlad midnimo qaran, Islaami ah uu madaxweyne ka yahay gudoomiyihii fulinta ee maamulkii iyo saraakiishii maamulkaas; 2. waxay hanatay aqoonsi caalami ah; 3. waxay kalsooni gelisay dhammaan dawladaha dariska la ah Soomaaliya ee weligood ka wel-welsanaa damaca lagu doonayo Soomaali-Weyn; 4. waxaa xulidda xubnaha dawladda iyo baarlamaankaba lagu tixgeliyey dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay ummadda Soomaaliyeed sida; culumaa’uddiinka, aqoonyahanada kale, mujaahidiinta, haweenka, qurbajoogta, iyo siyaasiyiinta; 5. waxaa la waafijiyey qaabkii Soomaalidu wax ku qaybsan jirtay(4.5); 6. waxay ku guulaysatay inay cadowgii Itoobiya dalka ka saarto haddana rabta inay saarto Ciidamada AMISON; 7. dawlad dib u heshiisiin ah gacanteedu u fidsan tahay ciddii doonaysa inay la heshiiso(hadday ku soo biirayso); 8. ka dhabaysay fulintii shareecada oo meel marisay sharci ahaan. Waxaa intaa sii xoojiyey warbaahinta shisheeyaha ee afka Soomaaliga ku baxda ee aad u shabahda Saxaratul-Fircoon iyo bogagga Soomaalida ah ee iyaga ka daba jiibiya (Baq-baqaa), oo jabhadihii halganka ka dhigay dad dhiig u ooman oo dano shisheeye fulinaya inta badanna magacaaba Eriteia iyo Al-qaacida. Si aan u ogaanno waxa ay tahay TFG-2, waa in aan ku eegno aragti xor ah oo ka madax bannaan dajjaalka casrigan oo ah saxaafadda maanta (media). Waxaan ka eegeynaa saddex arrimood oo kala ah: 1. Geedi socodkii qorshaha dawladdaani ka dhalatay, laga soo bilaabo imaatinkii shariifka ee Kenya kuna dhammaaday Jabuuti. 2. Natiijada Kasoo baxday ee loo bixiyey Dawlad Midnimo Qaran. 3. Hawl qabadkeeda tan iyo intii la dhisay. I. Geeddi socodka Arrintani waa midda inta badan tuhumada iyo is aaminaad la’aantu ka dhalatay sababtoo ah mugdi badan ayaa ku jira. Waxaan ognahay mu’aamaradu in aanay ka maarmi karin jawi mugdi ah oo ay ku dhex shaqayso maadaama aan iftiinka wax badan lagu qarin karin. Sida quraanku uga waramay qisadii ilma Nebi Yacquub (cs) -( وجا ;ؤو 5; أبا ;هم عشا ;ء يبك ;ون. 16:Yusuf ) markay walaalkood nebi Yuusuf (cs) mu’aamarada u dhigeen habeennimo ayey isku soo aadiyeen aabahood si ay ilmada iyo himbiriirsiga beenta ah ugu dhex qariyaan. Su’aalaha mugdigaas ka abuurmay oo in laga jawaabo u baahan ayaa waxaa ka mid ah: Marxaladdii koowaad: 1- Sheekh Shariif markii ugu dambaysay saaxiibadiisii la socday maxay ka ogaayeen inuu Kenya u socdo. 2- Yaa Kenya keenay? 3- Yaa xiriirkaan soo xiray? 4- Intee beri ayaa u dhaxaysay markkii ugu horreysay ee si rasmi ah loo shaaciyey inuu Kenya soo galay iyo imaatinkiisii? Xaggee ayuu joogay mudadaas dhexe?. 5- Yaa la wadaagga akhbaarta dhammaan howlihii la qabtay mudadaas?. Waxaan filayaa in raggii diiday inay aasaaskii Isbahaysigii Casmara ka mid noqdaan oo dadka badankiisu (anigu ku jiro) aad uga carooday, loona arkayey berigaa inay midnimada ummadda ka soo horjeedaan, ay ka biyo diidsanaayeen arrimahaas. Marka lagu noqdo cidda xiriirka soo xirtay ama la ogayd shakigii ayey sii kordhinaysaa, waayo sida sheikh Shariif laftiisa aan ka dhegeystay, waxaa uu sheegay in xiriirkaan ay soo xireen “walaalaha Yemen joogay” oo aan u fahmay xoghayihii arrimaha dibadda ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa, taasoo keentay in mugdigii mugdi sii dhalay markii la maqlay in walaalkan laftiisu diyaarad maraykan ahi ka soo qaadday KM50 kadib markii ay ciidamdii Itoobiya Xamar gaareen, ahaana ninkii astaanta u ahaa madax adayggii lagu sheegi jiray maxaakimtii islaamiga, oo ay ka mid ahayd inuu quursan jiray ajaanibta marka ay soo booqdaan maxaakimta. Waxaan ognahay in dad badan oo haystay dhalasha Yurub iyo Maraykanka laakiin aan la shaqayn jirin maxaakimta laga qab-qabtay xudduuddaha Kenya iyo garoonnada diyaaradaha. Kuwaas oo qayb ka mid ah dib loogu dhiibay ciidanka Uganda, Itoobiya ama Kenya lagu xiray. Dawladihii dhalashada siiyeyna aanay u gurmanin, balse kuwii soo noqday dabagal joogta ah lagu hayo iyadoo dambiga laga baarayaa uu yahay Itoobiya col ma u tahay mase kula dirirtay Soomaaliya. Xog la isku hallayn karo waxay sheegeysaa in walaalkan laga soo eryey dalka Sudan isagoo macalin ka ahaa ka hor intaan maxaakimtu dhalan. Waxaa caddaatay inuu diiday marna inuu tago Eriteia xataa markii ay saldhigga u ahayd Sh. Shariif oo uu la taliye u ahaa Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Belaayadu iyadaa iska kaa taqaan). Waxaa ka sii daran markii ay caddaatay inuu sii madadaalinayey garabka Casmara isagoo ku waafaqsanaa garabka Jabuuti howlihii deg-degga badnaa ee dhalay dawladda TFG-2 oo uu isaguna cad waafi ah ka qaatay. Marxaladda Labaad iyo Mugdiga La xiriira: Gaaritanka hadafkii Geeddiga nabadda ee Sh. Shariif waxaa door weyn ka soo qaatay inta badan xubniha golihii dhexe ee Isbahaysigii Dib-u xorreynta dalka laguna dhisay magaalada Casmara 2007-dii. Mar kasta oo aan arko natiijada ka dhalatay Shirweynihii Casmara waxaan xasuustaa hadal uu yiri nin aan saaxiib nahay oo intuu Casmara tegay berigaas shirkii oo weli socda ka soo noqday, markii la weydiiyey sababta uu uga soo tegay waxuu ku jawabay: “ Inta badan dadka meesha isugu tagey hal il ayey ka cawaran yihiin midda fayowna qof laba indhood qaba ayaa la isaga ilaalinayaa; oo macneheedu yahay damac shaqsi ah ayaa haya qofkii dan guud lagu yaqaanna waa la iska fogaynaya”. Waxaa la ii xaqiijiyey in raggii lagu yaqiinnay hal adayg iyo dan guud weerar hoose oo lagu fogeynayo lagu qaaday si meesha loogu banneeyo qof dan dhow leh oo laga danaysan karo. Dadka hawlahaas u taagnaa raadkooda taariikheed markaad eegto waxaad arkaysaa inay ahaayeen: Hawl-wadeenadii dagaal oogayaasha (Warlords’ Civil Servents) ee ololihii doorshada ee Nairobi lakala safnaa dagaal oogayaashii tar-tanka ku jiray, kadibna kuwii laga adkaaday ee TFG-1 ka horjeeday taageerayaal u noqday. Markii ay isu rogeen Ashahaada la-dirir, oo laga adkaadayna maxaakimtii dhexgalay, markii maxaakimtii la ridayna hor degay oo jeebka ku ritay dadaalkii bulshada Soomaaliyeed (dal iyo dibadba) ee ka soo horjeeday qabsashada wadankooda, waxay kasbadeen kalsoonida Sh.Shariif maadaama ay xaqiijiyeen guushiisa madaxnimada Ururkii Dib-u- Xoraynta Dalka. Waxaan la hilmaami Karin in xubnahaas qaarkood ay habar-wacasho qabiil adeegsadeen si ay xil uga qabtaan Isbahaysigaas; ‘sida reerkannaga waa laga tegay’. Waxaa iyana xusid mudan mar haddii taladii Soomaaliya ay tahay albaab iska furan oo nin weliba sahal ku soo geli karo waxaan shaki lahayn in dawlad kasta oo rabtay inay sirdoonkeeda ku darsato golayaalkaas ay fursad qaali ah haysatay. Waxaa xusid mudan in ay jiraan xubno kale oo iyaga ay riixaysay diin, wadaniyad, aqoondheer oo ay u leeyihiin sida siyaasadda caalamku u shaqayso waana kuwa daba-qabtay hambadii Sh. Shariif ka tagey ee Isbahaysiga, miro fiicanna ka dhaliyey ilaa hadda. Arrinta kale ee la dareensan karo inta qorshahaasi socday waa midda xawliga uu ku socday geeddigu oo muujinaysa in ay jirtay cid si ula kac ah looga tegayey. Waxaa muuqatay in labada Shariif si ku tala-gal looga mashquuliyey in ay gadaal u soo dhugtaan saaxiibbadood, lana adeegsaday dhinac cambaarayn dawladda Eriteria oo ay qireen xubnaha Jabuuti aaday qaarkood inay gudday abaalkii Soomaalidu u gashay iyo dheeri dhinacna jadwal kulameed aad isugu dhow-dhow oo la qariyey waxa lagaga hadlayo si shakiga ku dhexjira Isbahaysiga u xoogeysto, kadibna khilaf isu rogo, kadibna kala-jab, kadibna dagaal oo runtii ahayd (aniga aragtidayda) goolka dhabta ah ee loogu tala-galay qorshahaan. Inkastoo la isku dayey tallaabooyin dhexdhexaadin urarka dhexdiisa kaasoo ay isku dayeen culimo iyo Siyaasiyiin ka socday isbahaysigii iyo maxaakimtii waxaa si muuqata isaga indha tiray kooxda Jabuuti. Laga soo bilaabo shirkii Magaalada Eldoret ee dalka Kenya, talada Soomaaliya cidda laga faquuqay ma ahayn oo kaliya wadaadada Soomaaliyeed, laakiin waxaa iyagana meel dheer looga soo haray qof kasta oo Soomaali ah oo loo arkay inuu ku haminayo Soomaali madax bannnaan oo danaheeda iyadu qabsata ama garan kara waxa meesha lagu hayo. Kuwaasi waxay isugu jiraan aqoon yahannada, siyaasiyiin rug caddaa ah sida ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabrisaaq Xaaji Xuseen. Taasina waxay muujinaysaa in aan horeba loo doonayn in dawlad loo sameeyo Soomaaliya. Goob jooge shirkii Mbagati wuxuu ii caddeeeyey inuu maqlayey u qaybsanihii Itoobiya ee shirka oo koox Soomaali ah u sheegaya inuu liiska ergooyinka shirka ka saaray Sakariye Max’ud Xaaji Cabdi, sababtuna ay tahay in afkiisa laga saari waayey Itoobiya Itoobiya Itoobiya………… II. Natiijada Ka Dhalatay Aayaadka rabbaaniga ah oo koomka laga bartay waxaa ka mid ah noolayaalka jiritaankoodu in uu ku xiran yahay waddo sugan oo haddii laga bayro dabar go’ abaalkiisu yahay. Noole kasta oo ay iska dhalaan laba sinji oo aan is lahayn taran dambe ma yeesho. Tusaale sahlan oo dhaqanka Soomaalida laga helo waxaa ka mid ah haddii faras iyo dameer isu tagaan inay iska dhalaan nooc saddexaad oo ah baqal, hase yeeshee baqal aanu tafiir dambe gudbin . Sidaa waxaa iila muuqda isku darka ka kooban Dowladdii Islaamiga ahayd ee 2006 Muqdisho ka soo baxday iyo qorshihii safaaradda Maraykanka, horraantii 2007, ayna garwadeenka ka ahaayeen Jendaye Fraser iyo Axmed Walad Cabdallah. Natiijada ka soo baxday Jabuuti, intaan la gaarin shareecada Islaamka, iyo qarannimada Soomaaliya, waxay jees-jees ku tahay xataa Dimoqraadiyada iyo qawaaniinta kale ee aadanuhu isku maamulo. (Baarlamaankii Mbaghati oo laba lagu dhuftay, hal lagu daray, halna laga jaray = dawlad Gunnimo Qaran). III. Hawlaha ay qabatay DawladdaTFG-2 Markaan eegno qaabka iyo tallaabo-qaadka ugu horreeya Dawladda TFG-2, waxaa laga helayaa, inta badan tabahii lagula dagaalamay muqaawamooyinka adduunka soo maray, hadday ahaan lahayd kuwo aad u horreyey iyo kuwo cusub. Si kale haddii loo dhigo, waxaa la dabaqay waaya aragninimadii laga bartay dagaalada jabhadaha iyo dowladaha ka dhaxayn jiray oo laga soo guuriyey raggii ka soo faltamay dhanka dawladaha iyo dhanka jabhadaha intaba, sida Thomas Edward Lawrence (Lawrence of Arabia (Al-Carab), MaoTse-Tungkii Shiinaha iyo Carol Von Clauwitz oo istratiijiyada dagaalka reer galbeedka u ah sida annaga Ibnu Taimia noo yahay oo kale. Ujeedooyinka laga lahaa waxaa lagu soo koobi karaa: 1) Yaraynta guud ahaan cadaawadda shacbigu u hayo gumaysiga si, loo dilo isaga oo saaxiib lala yahay. 2) In la helo cid ku hadasho afka gumaysiga (mouth-piece) si ay uga dhaadhiciyaan shacabka in uu gumaysigu maslaxo u wado, ama ay iyagu heshiis ku keeneen kadibna haddii ay aqbalaan waxyaalaha laga rabo inay saarayaan. 3) In ay sumeeyaan halbowlayaalka umaddu ka dhiman weyday ee cadowgu jari waayey sida diinta oo lagu durayo bidco, wadaniyadda oo lagu durayo qabyaalad, geesinimada oo lagu durayo fulaynimo ama damac shakhsi ah, saaxiibada caawiya oo lagu bedelayo cadowga sida Eriteria oo lagu bedelo Itoobiya. 4) In la soo nooleeyo cuduradii ummadda soo daashaday kuwoodii la daaweeyey sida qabyaaladda lagu dilo wadaniyadda suufinimda oo lagu dilo towxiidka saxiixa ah. Ilo xog ogaal ahi waxay soo wariyeen in maalmaha ay saraakiisha dawladda TFG-du bilaabeen inay buunka qabiilka tumaan, uu General Gabre Xamar soo gaaray. Generaalka waxaa laga soo wariyey inuu yiri (guuritaankanaga ka dib xalku waa in aan soo noolayno dagaal oogayaashii oo qabiil waliba la yiraahdo gobalkaaga ka xorayso Shabaabka iyo Xisbul Islaam annaguna waa idin daba taagannahay hiil iyo hooba). Kadib waxuu Gabre ku adkaystay inay taasi ilaa hadda goballo badan ka hirgashay, balse ay dhimman tahay buu yiri in howgalladooda la isku xiro oo ay si wadajir isula jaan qaadaan, taas ayaa hadda noo taalla ayuu ku celiyey. Fadeexadaha ilaa hadda dhacay ee Dawladda TFG-2 waxay si toos ah u kashifayaan hal haysyadii dusha ka quruxsanaa ee guntoodii jirranayd tusaale ahaan: Hal ku dhigyadii iyo tallaabooyinkii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa Shareecada Islaamka, ficilkeedii arrintaas ku wajahnaana waxaa lagu diiwaan geliyey, weerarkii Jimcaha dadkii oo salaadda ku jira. Aqoonsigii caalamiga ahaana waxaa diiwaanka u galay in Madaxweynihii iyo wafdigiisu diyaaradda laga reebay, kaba sii daran haddii sababtu ahayd shaki qolada diyaaradda ka galay in is-xambaar jiray sida la isla dhex xulay. Dawlad midnimo qaran waxaan marna looga fadhin u xalaalaynta badda Soomaaliya dalal weligood u heliilayey in mar uun fursad u helaan innay wax ku yeeshaan ama ka qaataan. Aadanuhu sidiisaba waa gallad ma xajiye, Culamadii Soomaaliyeed oo ducaaddii salefiga ahaa ay horkacayaan oo ku hagoogan dowladda oo mujaahidiintu ay ku tuhmeen inay ka safteen ayey dawladdu si daandaansi iyo san-ka-taabasha ah u abaabulaysaa dad magacii duruqda suufiyada ku qaraabanaya oo ay caddahay in ay xiriir toos ah la leeyihiin dalal shisheeye oo u hubaynaya inay qaybtooda ka qaataan bur-burinta inta ka hartay soomaaliya. Wax qabadka dowladda ee maalmahaan dambe aadka loo buunbuuniyey ayaa waxaa ka mid ahaa safaarado ama safiiro la magacaabay iyo deeqo wax barasho oo la helay. Runtu waxay tahay tan iyo intii bur-burku dhacay deeq wax barasho oo Soomaalida loogu deeqo waa ay jireen safaarado furnaana waa jireen laakiin, dadka safaaradaha jooga iyo ururo soomaali ah ayey deeqahaasi soo mari jireen dadkana waxaa lagu siin jiray nidaam ay dajiyeen qolada ay soo martay deeqdu. Ururada qaarkood dad soomaaliyeed oo gobollo kala duwan ka yimid ayey siin jireen kharajka ticket-ka iyo fiisaha hay’ado kale ayey uga baryi jireen. Qaarna xubnaha xarakadooda ayey siin jireen halka ay safaaradaha raga jooga kharaj saaran jireen kaasoo u kala qiima badan sida maadooyinku u kala muhiimsan yihiin. Hadda waxa soo kordhay waa in ay qoladaan TFG-2 ayagu la keli noqdaan howlihii safaaradaha iyo ururradu hayeen waana nimankii Badda lagu ogaa sidii ay u maamuleen sidaa daraadeed sicirkii lagu heli jiray deeqaha iyo baasaboorada ayuunbaa kor noogu kacaya ee wax kale ma soo kordhin maxaa yeelay wax nin kaliya ahi uu hayo iyo wax dhowr meelood yaalla iibsashadoodu waa kal sahlan tahay. Marka la soo gaabiyo dacaayadka borabugaandada tarwiijinta dawladaha oo dhami waa isticmaalaan, laakiin waxay wax taraan marka aad meel kale uga gudbayso intaad dadka hiyigiisa soo jiidato inaad meel kale ku dhaqaajiso oo caqabado ku hortaagan aad uga gudubto, haddiise aad dicaayadda hanti ma guurto ah iyada ka dhigato marka dambe adiga kaligaa ayaa beentaadii run u qaadanaya iyada oo dadkii oo dhami u jeedaan inay been tahay. Sidaas waxaa la mid ah markii xanuunkii shacabk hayey nabad loo sheegay oo culimadii naxariista badnayd ay mujaahidiintii ku dhiirradeen inaanay xabbad dambe la ridin meeshii ay taas dawladdu ku gudi lahayd tanasulaad iyo u nuglaansho xagga nabadda ayey ku mashquuleen inay ku faanaan inay yihiin dad caqli badan oo cid walba isticmaali kara kadibna iska tuura. Xildhibaan Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) oo koox Soomaali ah kula kulmay jaamacadda SOAS ee London ayaa kulankii lagu weydiiyey mowqifka culimada sida ay u arkaan, si cara leh ayuu jawaabta u soo celiyey isaga oo leh laba maamul iskama garab shaqayn karto. Xasan Fayooke Cali fayooke@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted July 2, 2009 You seriously want us to read all these. come on man! Quote Share this post Link to post Share on other sites