RedSea Posted July 22, 2006 Ciidanka Puntland Oo Kal Eryay Isu Soo Bax Ay Sameeyeen Wadaad-da Laascaanood (Laascaanood}22.07-06 Daqiiqado Ka Hor Uun Bay Ahayd Markii Ay isu Soo Bax Balaadhan Oo Ay soo qaban qaabiyeen Qaar Katirsan Culumada Reer Laascaanood Iyo Hay'ad Lagu Magacaabo Danish Refugee Coucil (DRC) Lagu qaban Lahaa Fagaaraha Beerta Geedo Qarsay.............................. Shirkan Oo Ay qaban qaabadeeda lahayd Hay'adda Danish Refugee Coucil (DRC) Isla Markaana Ay kaashanaysay wadaada da Diinta Islaamka ee Magaalada laascaanood ayaa waxay saaka Sameeyeen Isu soo Bax balaadhan Oo Shacabka Laysugu Keenayay Fagaaraha Laga khudbadeeyo ee Magaalada laascaanood Halkaasi Oo Lagaga Hadli Lahaa qadobo dhowr ah Oo Lagu go'aamiyay shir ay sadax Maalmood Kulahaayeen Cuqaasha iyo garaadada Hotel xamdi ee laascaanood Isu soobaxan Balaadhan Oo Ay goobjoog ahayd shabakada widhwidh Online ayaa waxaa jirtay Markii laysugu yimi fagaaraha geedo qarsay ay ciidamada daraawiishta dowlad goboledka puntland ay kala didisay shacabkii isugu yimi fagaaraha geedo qarsay Ciidanka daraawiishta puntland ayaa risaas aan loo aabo yeelin cirkaaa uriday walow aaney cidina waxba ku noqon balse dadka intiisa badan ayaa waxay is waydiinayaan sababta ay ciidamada daraawiishta ay ukala didiyeen shacabka iyagoo ay goobtaasna xaadir ku ahaayeen ciidamada amaanka ee police-ka Saraakiisha ciidamada amaanka ayaa arintaa shir degdeg ah ka yeesha mar'aanu isku daynay qaarkamid ah in aanu xidhiidh xaga tellephone ka ah lasamaynona waxay noo sheegeen in ay shir muhiima ku jiraan. ilaayo hadeer lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysay arintan balse wixii ka soo kordha goor dhow kala soco shabakada wararka ee widhwidh online :Liibaan Maxamed Nuur Jordan::::::Widhwidh Media Center::: info@Widhwidh.com Quote Share this post Link to post Share on other sites