General Duke Posted August 4, 2007 Caydiid oo laga eryay Barlamanka 4 Aug 4, 2007 - 9:26:52 AM Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Somaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa maanta ka sheegay kalfadhigii Baarlamaanka in Xuseen Maxamed Caydiid laga qaaday xubintii Xildhibanimo kadib markii uu Gudoomiyuhu shegay in uu gudan waayay waajibaadkiisii isla markaana uusan mudo 8 bilood ah ka soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ka codsaday beesha uu ka dhashay Xuseen Caydiid in ay keensadaan xubintii u badali laheyd oo uu ku eedeeyay in uu la baxay ama ku biiray xubnaha Baarlamaanka Xorta ah ee fadhiga ka dhigtay Asma. Eedeynta loo soo jeediyay Xuseen Caydiid ayaa ka danbeysay kadib markii uu ku biiray xubnaha ka soo horjeeda fikirka dowladda ee fariisinka ka dhigtay magaalada Asmara kuwaasoo isugu jira xubno hore oo Baarlamaanka ka tirsanaa iyo mas’uuliyiintii midowgii Maxkamaddaha ee laga awooda roonaaday, isagoo dhawaan ku eedeeyay dowladda iney ka leexatay dariiqii loo soo dhisay oo ay dalka gelisay waxa uu ugu yeeray gumeysi cusub isla markaana uu isagu gartay inuu isaga baxo uuna amaankiisa u baqay. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 4, 2007 Xuseen Caydiid oo laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya Written by Osman Dhayib User Rating: / 0 Saturday, 04 August 2007 Xuseen Maxamed Caydiid oo horay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga qaaday Xilkii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa maanta waxaa mar kale laga qaaday Xilkii u haray ee Xildhibaannimo. Guddiga Dishibiliinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xuseen Caydiid ku eedeeyay in uu fadhiyada Baarlamaanka uga maqnaa sabab la’aan, iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay Axdiga iyo Xeer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo shir guddoominayay kulan ay maanta Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay in Xuseen Caydiid laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu si sharci darro ah uga maqnaa fadhiyada Baarlamaanka muddo ka badan labo bilood. "Xildhibaankaas isaga ayaa gudan waayay xilkii uu u dhaartay marka waxaan ka codsaneynaa Beesha uu ka soo jeedo in ay soo gudbiso qofkii u geli lahaa Baarlamaanka Soomaaliya"ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano tiradooda kor u dhaafeyso 30 Mudane ayaa horay looga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, inkastoo Xubnahan ay la baxeen Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka wuxuu sheegay in Xildhibaankii fasax iyo sabab la’aan maqnaada muddo 60 cisho ah laga saarayo Baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuseen Maxamed Caydiid oo dhawaan u waramayay Wargeyska Al-Quds Al-Arabi ayaa wuxuu madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay waajibkooda gudan waayeen, isla markaana ay dalka Soomaaliya keeneen Ciidamo Itoobiyaan ah oo xasuuq ku haya dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ahna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu ballaarsaday Awoodda uu sharciga u ogolyahay, isla markaana uu sameynayo waxyaabo uusan sharciga u ogoleyn. Last Updated ( Saturday, 04 August 2007 ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 4, 2007 I think he is honoured now, he can well claim to be a 'born-again' Somali. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 4, 2007 ^^^A born again Somali, thats original. shirweynaha Casmara Group for Somalia Anyhow good luck to Aydeed Jr for the future. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wigad Posted August 4, 2007 I dont think this guy left the government for a sincere reason or anything i think he left because of clan afiliated or money afiliated thing that him and the government disagreed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 4, 2007 Originally posted by Salahu diin: I dont think this guy left the government for a sincere reason or anything i think he left because of clan afiliated or money afiliated thing that him and the government disagreed The latter is my bet. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 4, 2007 Anyhow its great he left the TFG, he will be a great asset to the Clan Courts. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wigad Posted August 4, 2007 ^^ what makes you think he joined the courts maybe he joined anti TFG but his not one of the members of the courts. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted August 5, 2007 do u think it matters to him...homie is clueless. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2007 Adeer Salah, the man has said he is a amember of the courts now. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wigad Posted August 5, 2007 Adeerow i would like to see where he said he was part of "clan courts" Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2007 ^^^Adeer he mentioned it a few week back. I have read the article myself on a Somali site. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wigad Posted August 5, 2007 What did he say exact words would be nice if this is true then i am very disapointed with the islamic courts. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2007 ^^^He seemed kind of confused, his words were along the lines "both groups made a mistake, I was part of the TFG but now I am part of the courts" He is flip flopping and I doubt the courts would have him, there are more capable men even from his sub-clan to bring on board. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 5, 2007 Originally posted by The Duke: ^^^He seemed kind of confused, his words were along the lines "both groups made a mistake, I was part of the TFG but now I am part of the courts" Prove sxb, even whether you read it in Chinese. Quote Share this post Link to post Share on other sites