General Duke Posted January 2, 2009 Baarlamaanka Puntland maxaad ka taqaan 2. januar 2009 AllPuntland iyo Doorashada Puntland, warar, falooyin, xogoh iyo aqoon Fadhigiisii ugu horeeyay waxaa uu fariistay 1998-dii 3-dii sannaba mar ayaa la soo doortaa Aqalka Baarlamaanka Puntland waxaa fariista 66 xildhibaan Waxay ka kala yimaadaan 5 waxood oo ka kooban 7 gobol Gobolka Sanaag 11 xildhibaan Gobolada Bari iyo Karkaar 21 xildhibaan Gobolada Sool iyo Cayn 15 xildhibaan Gobolka Nugaal 9 xildhibaan Gobolka Mudug 10 xildhibaan Doorashada Xildhibaanka Qofka ka mid noqonaya Baarlamanka Puntland waxaa soo doorta beelaha, nabadoonada ayaa kala saara dadka isa soo sharaxay ee doonaya inay xilkaas qabtaan, waxayna soo saaraan xildhibaanka beesha matalaya, ka dib ayaa Isimka beeshu saxiixaa oo waxaa loo gudbiyaa gudi dawladu magacowday oo qaabilsan hubinta iyo khilaafaadka doorashada xildhibaanada, khilaafaadka gudigaasi xalin waayo waxaa loo celiyaa gudi isimo ah. Dhaarinta Xildhibaanka Shiikh deegaanka laga yaqaan ayaa golaha hortiisa ku dhaariya xildhibaanada kitaabka Qu'aanka kariinka ah, waxaa lagu dhaariyaa inay ummadda Puntland oo dhan si siman oo daacadnimo ah uu ugu adeegayo uuna dantiisa gaarka ka hor marinayn tan guud, macnaha uu danta guud ee dadka iyo deegaanka uu hor marinayo. Doorashada Gudoonka Baarlamaanka: Dhaarta ka dib Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka Puntland waxay Doortaan gudoonkooda. Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigihiisa: Markay doortaan gudoonkooda waxay bilabaan hawsha doorashada Madaxweynaha iyadoo marka hore siiya wakhti kooban oo musharixiintu ay kula hadlaan baarlamaanka, ka dib waxaa fadhi kale lagu gudagalaa doorasho u dhacda iyadoo uu xil dhibaan kastaa codkiisa ku ridayo sanduuq dhalo ah oo lawada arkayo, waxay kala dooranayaan dadka isu soo sharaxay Madaxweynaha Puntland muddada saddexda sanno ee soo socota... markaas ka dib isla fadhigaas ama mid xigah waxay ku doortaan ku xigeenka Madaxweynaha oo isaguna saddex sanno xilka la haynaya Madaxweynaha. Doorashooyinka ka dib: Waxay gudagalaan waajibaadkoodi shaqo ee baarlamaanka oo ay ugu horeeyaan sidda ansixinta golaha wasiirada uu soo dhisay Madaxweynaha la doortay... AllPuntland barta deg dega natiijada iyo xaqiiqda doorashooyinka Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 2, 2009 C/laahi Yuusuf Oo ka qeybgalay Fadhigii BDGPL Daawo Sawirada News/Articles Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb gashay maanta Dharintii xildhibaanada Puntland oo maanta ka dhacay Holka Baarlamanka Puntland Ee ku yaala magaalada Garoowe e Caasimada DGPL. Waxaa kale oo ka qeyb galay Madaxweynaha Haatan ee Puntland Gen Cade Muse Xirsi ,Isimo Xildhibaanada,Msharaxiinta u Tartameysa Xilka Madaxtinimada Puntland,Fanaaniin Reer jabuuti ah oo uu hogaaminayo Abwaanka Weyn ee Sangub oo iyagu waayadanba ku sugnaa DGPL gaar ahaan Magaalada Garoowe. Waxaa maanta la dhaariyey xubnaha cusub ee golaha wakiilada Puntland ee dhawaan la soo xulay oo dhan 66 xildhibaan,waxaana lagu dhaariyey hoolka golaha wakiilada ee Puntland, waxaana halkaas goob joog ka ahaa, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu Holka Baarlamanka Puntland ka jeediyey khudbad gaaban oo ku aadan sidii Reer Puntland u muujin lahaayeen Midnimo iyo horumar la taaban karo. Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka cusub in ay ka fogaadaan wixii hore uga dhacay ee ahaa is garab yaac oo ay si xil kasnimo ah u dortaan cidii ay ku aamini karaan masuuliyada Puntland. Isku soo duubo maxweynihii hore ayaa u sheege shacabka Reer Puntland in dalku uu marayo meel xun loona baahan yahay in ay la socdaan isbedelada dhacaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites