Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Parliment a brief report +Pics of new Parliment

Recommended Posts

DhaXil.jpg

 

Baarlamaanka Puntland maxaad ka taqaan

2. januar 2009

 

AllPuntland iyo Doorashada Puntland, warar, falooyin, xogoh iyo aqoon

 

Fadhigiisii ugu horeeyay waxaa uu fariistay 1998-dii

3-dii sannaba mar ayaa la soo doortaa

 

Aqalka Baarlamaanka Puntland waxaa fariista 66 xildhibaan

Waxay ka kala yimaadaan 5 waxood oo ka kooban 7 gobol

 

Gobolka Sanaag 11 xildhibaan

 

Gobolada Bari iyo Karkaar 21 xildhibaan

 

Gobolada Sool iyo Cayn 15 xildhibaan

 

Gobolka Nugaal 9 xildhibaan

 

Gobolka Mudug 10 xildhibaan

 

Doorashada Xildhibaanka

 

Qofka ka mid noqonaya Baarlamanka Puntland waxaa soo doorta beelaha, nabadoonada ayaa kala saara dadka isa soo sharaxay ee doonaya inay xilkaas qabtaan, waxayna soo saaraan xildhibaanka beesha matalaya, ka dib ayaa Isimka beeshu saxiixaa oo waxaa loo gudbiyaa gudi dawladu magacowday oo qaabilsan hubinta iyo khilaafaadka doorashada xildhibaanada, khilaafaadka gudigaasi xalin waayo waxaa loo celiyaa gudi isimo ah.

 

Dhaarinta Xildhibaanka

 

Shiikh deegaanka laga yaqaan ayaa golaha hortiisa ku dhaariya xildhibaanada kitaabka Qu'aanka kariinka ah, waxaa lagu dhaariyaa inay ummadda Puntland oo dhan si siman oo daacadnimo ah uu ugu adeegayo uuna dantiisa gaarka ka hor marinayn tan guud, macnaha uu danta guud ee dadka iyo deegaanka uu hor marinayo.

 

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka:

Dhaarta ka dib Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka Puntland waxay Doortaan gudoonkooda.

 

Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigihiisa:

 

Markay doortaan gudoonkooda waxay bilabaan hawsha doorashada Madaxweynaha iyadoo marka hore siiya wakhti kooban oo musharixiintu ay kula hadlaan baarlamaanka, ka dib waxaa fadhi kale lagu gudagalaa doorasho u dhacda iyadoo uu xil dhibaan kastaa codkiisa ku ridayo sanduuq dhalo ah oo lawada arkayo, waxay kala dooranayaan dadka isu soo sharaxay Madaxweynaha Puntland muddada saddexda sanno ee soo socota... markaas ka dib isla fadhigaas ama mid xigah waxay ku doortaan ku xigeenka Madaxweynaha oo isaguna saddex sanno xilka la haynaya Madaxweynaha.

Doorashooyinka ka dib:

 

Waxay gudagalaan waajibaadkoodi shaqo ee baarlamaanka oo ay ugu horeeyaan sidda ansixinta golaha wasiirada uu soo dhisay Madaxweynaha la doortay...

 

AllPuntland barta deg dega natiijada iyo xaqiiqda doorashooyinka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf Oo ka qeybgalay Fadhigii BDGPL Daawo Sawirada News/Articles

 

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb gashay maanta Dharintii xildhibaanada Puntland oo maanta ka dhacay Holka Baarlamanka Puntland Ee ku yaala magaalada Garoowe e Caasimada DGPL.

 

Waxaa kale oo ka qeyb galay Madaxweynaha Haatan ee Puntland Gen Cade Muse Xirsi ,Isimo Xildhibaanada,Msharaxiinta u Tartameysa Xilka Madaxtinimada Puntland,Fanaaniin Reer jabuuti ah oo uu hogaaminayo Abwaanka Weyn ee Sangub oo iyagu waayadanba ku sugnaa DGPL gaar ahaan Magaalada Garoowe.

 

Waxaa maanta la dhaariyey xubnaha cusub ee golaha wakiilada Puntland ee dhawaan la soo xulay oo dhan 66 xildhibaan,waxaana lagu dhaariyey hoolka golaha wakiilada ee Puntland, waxaana halkaas goob joog ka ahaa,

 

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu Holka Baarlamanka Puntland ka jeediyey khudbad gaaban oo ku aadan sidii Reer Puntland u muujin lahaayeen Midnimo iyo horumar la taaban karo.

 

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka cusub in ay ka fogaadaan wixii hore uga dhacay ee ahaa is garab yaac oo ay si xil kasnimo ah u dortaan cidii ay ku aamini karaan masuuliyada Puntland.

 

Isku soo duubo maxweynihii hore ayaa u sheege shacabka Reer Puntland in dalku uu marayo meel xun loona baahan yahay in ay la socdaan isbedelada dhacaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this